Tuesday, December 28, 2010

Taliyaha Booliska Somaliland iyo Gudoomiyaha Baanka oo soo bandhigay lacago faalso oo ay qabteen.

PDF Print E-mail
Hargeysa (BCT)- Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay lacago faalso oo iskugu jira Lacagta Somaliland,
 
  Dollar, Ethiopian iyo Jabuuti, taasi oo lagu soo qabtay hawlgalo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland
Taliyaha Ciidanka Somaliland iyo Gudoomiyaha Baanka Somaliland ayaa si wada jir ah shirjaraa'id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Taliska Guud ee Booliska Somaliland, waxay si wada jir ah u soo bandhigeen Muuqaalada Lacagtaasi faalsada ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland  Cilmi Furre Kabaal, ayaa isaga oo gacanta ku haya lacagta Faalsada, waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska Somaliland ay hawlgalo balaadhan oo ay sameeyeen ku soo qabqabteen lacagtaasi iyo Mishiinkii lagu samaynayhay, waxaana uu taliyuhu xusay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii lacagtaasi samaynayay "Hawlgalo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland, waxay ku guulaysteen inay soo qabqabtaan lacagtaasi Faalsada ah iyo mishiinkii lagu samnayay iyo waliba qaar ka mid ah dadkii lacagtan samaynayay".
Gudoomiyaha Baanka Somaliland ayaa oo isaguna ka hadlay Shirkaasi Jaraa'id ayaa Ciidamada Booliska Somaliland ku hambalyeeyay lacagtaasi oo ay soo qabteen taasi oo uu kutilmaamay talaabo geesinimo leh.

0 comments:

Post a Comment