Tuesday, December 28, 2010

Dawlada Mareykanka oo warwar ka ay ka qabto labada urur Xarakadda Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam oo midoobay

London(BCT)-War ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu walaac ka muujinaayo midawga ururada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab iyo Xisbul Islam oo dhawaan ku dhawaaqay inay midoobeen oo ay xoojinayaan dagaalada ay kula jiraan dawlada KMGS iyo Ciidamada Midawga Africa ee AMISOM.

Wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Barack Obama ay u aragto isku biiritaanka Al-Shabab iyo Xisbul Islam ay ka dhigan tahay wax uu ku sheegay awooda xoogagaas oo korortay waxaana uu sheegay inay suuro gal tahay inay kordhiyaan weerarada ay ku hayaan xarumaha dawlada KMGS iyo fariisimaha ay AMISOM Muqdisho ku leeyihiin.

Warkaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale oo lagu soo hadal qaaday in midawga ay sameeyeen labadaan urur ay suuro gal ka dhigi karto in weeraro lagu qaado wadamada geeska Africa gaar ahaan wadamada Uganda,Burundi iyo Kenya kuwaasoo loo sababeynayo in ciidamada Uganda iyo Burundi Somalia ka jooga.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Mareykanku uu taageerayo hawl galka AMISOM ee Muqisho isla markaana ay xukuumadda KMGS ka taageerayaan dhinaca soo celintsa amniga.

Mareykanku waxaa uu ugu baaqay ururka Midawga Africa inay ku dadaalaan xoojinta ciidamada Somalia ka jooga si loo wiiqo baa la yiri awooda xoogaga midoobay ee sida weyn u diidan joogitaanka ciidamada AMISOM iyo siyaasadda xukuumadda KMGS ay wax ku maamusho.

Hadalaan Mareykanka ka soo baxay ayaa kusoo beegmaaya wakhti dhawaan ay midoobeen Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab iyo Xisbul Islam iyagoona qaatay magaca Al-Shabab sida ay dhawaan ku dhawaaqeen saraakiil labadaas dhinac ka tirsan.

Xoogagaan midoobay oo dagaalo kula jira dawlada KMGS iyo Culumo awdiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheega inay u dagaalamayaan in Somalia lagu dhaqo Shareecadda Islamka oo dawlada Islami ah laga dhiso.

Hamse A Salaan

London

0 comments:

Post a Comment