Monday, December 27, 2010

Wasiirka Daakhiliga Ee Dalka Burundi Oo Ugu Baaqay Shacabka Inay Muujiyaan Feejignaan Aad U Sareysa

Bujumbura(BCT)- Dawlada  Burundi  ayaa sheegtay inay jirto cabsi dhab ah oo soo Foodsaartay dalkaasi, wasiirka Daakhiliga ee dalka Brundi ayaa sheegay  inay jiraan isku dayo qaraxyo iyo weeraro la doonayo in laga sameeyo gudaha dalka Burundi.

Dalka Burundi ayaa waxaa ka jooga gudaha Soomaaliya 3500 askari oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa wakiilka ka yahay ee AMISOM.

Wasiirka Daakhiliga ayaa ugu baaqay shacabka dalka Burundi inay ka dhigaan feejignaantooda mid aad u sareysa, ciidankana ay ku soo war galiyaan cid walba oo ay ka shakiyaan.

Dad badan oo laga shakiyay ayaa la qabqabtay xabsigana loo taxaabay gudaha dalka Burundi, inkastoo wasiirka ammaanka aanu ka bixin faahfaahin arrintaasi.

Dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania ayaa waxaa ay ku jiraan heegan sare ka dib qaraxii dhawaan ka dhacay boosteejo ku taala dalka Kenya kaasoo lala eegtay gaari ku sii jeeday dalka Uganda.

Dhawaan ayaa 76 qof waxaa ay ku geeriyoodeen dalka Uganda ka dib markii la weeraray goob lagu daawanayay ciyaarihii aduunka, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay xarakada ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Isu soo Wada duuboo cabsida ka jirta wadamada ku yaala Bariga Africa ayaa sii badanysa iyo Hanjabaadaha Kasoo  yeedhaya ururda midoobay ee ka dagaalama Soomaaliya.

0 comments:

Post a Comment