Wednesday, December 22, 2010

Siyaasiga Maxamud C/laahi Sifir Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Sheegayna In Uu Diyaar Yahay In Uu Ka Qayb Qaato Masraxa Siyaasada Somaliland

Hargeysa(Burcotoday)- Siyaasiga Maxamud C/laahi Jaamac (sifir) ayaa  maanta  dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii uu Dhawaan uu cafis u Fidiyey  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxaanuu maanta barqadii  ka soo degay Madaarka   Cigal International Airport ee Magaalada Hargeisa.

Waxa maanta madaarka ku soo dhaweeye Eheladiisii iyo saxaxaabtiisii,  waxa markii uu soo dagay diyaaradii uu saarnaa uu qolka nasashada ee  madaarka Hargeisa ugu waramay wariyayaal ka  Warbaahinta  Somaliland waxana uu sheegay in uu muddo Todoba sano ah dalka ka maqnaa isla markaana uu mudadaas ka qayb galay siyaasado badan oo dalka dibadiisa ah .

Dr. Sifir ayaa waxa uu sheegay in la gaadhay wakhtigii uu rabitaanka iyo siyaasada dadkiisa uu ka shaqayn lahaa mar uu ka jawaabayay in uu ka qayb galayo siyaasada dalka waxa uu yidhi  “haddii la ii baahado diyaar ayaan u ahay in aan u shaqeeyo dadkayga iyo dadkayga, maantana ma Garnaqsanasaynee waan isug xogwaramaynaa.”

Waxa kale oo waxa laga weydiiyey Md. Sifir aragtidiisii hore ee uu aaminsanaa ee Soomaaliweyn waxa uu yidhi  “  Nimba maalin ayaa uu Soomaaliweyn aamin sanaa, adduunka waxa jiray  dadal hore oo midaysnaa jiray, sida Midawgii Soofiyeeti  balse markii danbe ay kala noqdeen wadamo kala gaar ah noqdeen, sidaa darteedna ay Somaliland la mid tahay dalalkaasi dib u kala noqday.”


Siyaasiga Maxamud C/laahi Jaamac (sifir) ayaa waxa uu Soamliland ka tagay sandii 2003 markii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin, dooradshadii kaga guulaytay Madweynaha Hada Axmed Maxmed Siilaanyo, Wakhtigaas uu uu Md. Sifir ka mid ahaa Masuuliyiintii Xisbiga KULMIYE, waxanuu wakhtigaas ka tagay Somaliland isaga oo iclaamiyey in aanay waxba ka jirin qadiyada Qaranimada iyo Gooni isutaaga ee Somaliland waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay fihir Soomaaliweyn, isaga oo fikirkaas uu aaminsanaa abaal marin ugu helay Xilal uu ka soo qabtay  dawladii u danbeeyey ee dibadaha loogu soo dhisay Somaliya isaga oo Raysay Wasaare ku xigeen ka noqday Xukuumadii uu Raysal Wasaaraha ka ahaa  Dr.Cali Maxmed Geeddi, Madweynahna ka ahaa Col.Cabdilaahi Yuusuf Axmed kuwaas oo wakhtigaas  cadaystay cadaawdii ay u qabeen Somaliland, waxa kale oo Sifir lagu xasuustaa hadaladiisii cad cadaa ee uu kaga soo hor jeeday Qaranimada iyo Madaxbanaanida Somaliland.


Isuku soo wada Xooriyoo waxa ay ahayd dhawaan marrkii uu Siyaasiga Maxamud C/laahi Jaamac (sifir) codsi cafis ah u soo qortay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaan uu Madaxweyuhu shaaciyey in uu cafis u fidiyey oo uu dalkiisa Hooyo ku soo laaban karo.


Ma aha markii ugu horaytasay ee Siyaasi u dhashay Somaliland oo aaminsanaa Fikirka Soomaaliweyn uu dalka dib ugu soo laabto, waxan la xusuustaa safarkii ugu dambeeyey ee uu Siyaasiga kale ee Cismaan Kaluun  ka yimid dalka, isaga oo aan waxa cafis ah  soo codsan, taas oo dhalisay cadho iyo cambaaray xoogan oo ka timaada Shirgudoonka Baarlamaanka ,Gudoomiya yaasha labada Xisbi Qaran ee KULMIYE iyo UCID iyaga oo wakhtigaas cosanayey in sharciga la hor geeyo Cismaan Kaluun, arintaas ayaa waxa ay ku dhamaatay ka dib uu Cismaan Dalka dib ugu laabtay.

Waxa  kale oo Xasuus mudan in siyaasiga kale ee Ismaaciil Maxmuud Hurre (Buubaa) uu isaga uu ku sugan Magaalada Nirobi uu  sheegay in uu dhawaan dalka ku soo laabanayo.

0 comments:

Post a Comment