Boosaaso (BCT)- Wararka ka imanaya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay shhegayaa in Shirkadii Maamulka Punland Heshiiska kula gashay in ay u tababarto Ciidamada badaha iyo cirka ayaa waxa ay soo saaray war ku saabsan in Dayaarada nooceedu yahay (Antinon 24) oo kuwa xamuulka qaada ah, oo maanta lagu qabatay Madaarka Cigaal Internainal Arioprt ee magaalda Hargeysa in diyaaradaasi ay iyada u rarnayd.
Shirkadan ayaa waxa ay sidaasi u cadaysay Idaacada BBC laanta Afka Soomaaaliga, waxa kale oo ay intaasi ku daraty in Dayaadadani ay siday Qalabka ciidamada oo ay ku sheegeen dirays,taandhooyin, iyo kiishadaha Hubka lagu qaato iyo qalabka ay ciidamadu xidhaan marka ay biyaha ku dhex tababaranayaan.
Waxa kale oo ay shirkadu sheegay in aanu xamuukaas ku jirin wax hub ah noocuu doona ha ahaadee, iyada ooo ay sheegeen in ay ogsoonyihiin in Somalia ay saaranatay Cuna qabatay xaga hubka ah, isla markaan ay aqoonsayihiin cunqabataytaas, waxana xuseen in ay ogolyihiin in la baadho oo la eego dhamaan qalabka saran diyaaradaas.
Geesta kalena masuuliyiinta Maamulka Punland ayaa waxa ay sheegeen in anay arintani ahayn waxa weyn, isla markaan ay tahay in Shirkada ay diyaardu u ranayd ay la xaajooto Dawlada Somaliland iyaga oo xusay in aanay Maamulka Punland wax lug ah arintaas ku lahayn.

0 comments:
Post a Comment