Wednesday, December 29, 2010

2566-litir oo Khamri Oo Maanta Meelka Fagaare ah ku Gubtay Xukuumada soomaaliland.

Hargeysa  (BUrcotoday)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta gubtay 2566-litir oo khimri oo lagu soo qabqabtay Hawlgalo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland.

Goobtii lagu gubiyay Khamriga ayaa waxaa goobjoog Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
Ugu horeyna taliyaha ciidamada Booliska Md. Cilmi Rooble Furre oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aanu soo qabanay khamri ay tiradiisu gaadhayso 2565 litir, kaas oo geli lahaa caloosha in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland, waxaanan ku bogaadinayaan dhamaanba ciidamada booliska sida fiican ee ay uga hawl galeen.” Ayuu yidhi taliyaha ciidamada Boolisku.
Waxa kale oo uu intaas ku daray in hawlgalo ay habeenadii ugu dambeeyay ay ku soo qab-qabteen tuug faro badan la horkeenay maxkamada kuwaas oo ay tiradooda guud gaadhaysay 95, isla markaana saaka 76 ka mid ah lagu xukumay min 2-sano oo xadhig.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha ay muddooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Boolisku soo qab-qabteen waxaanu yidhi “Waxa aad arkaysaa khamri ay tiradiisu badan tahay kaas oo lagu gubayo halkan, runtii waxa lagu soo qab-qabtay hawlgalo ay ciidamadu ka fuliyeen caasimada, waxa kale oo jira in Gaadiidki siday khamrigan qaarkood ay jiidheen gidaaro, halkaasna uu khasaare laxaad lihi ka soo gaadhay, markaa waxa aan ku bogaadinayaa ciidamada booliska runtii hawsha balaadhan ee ay qarankan u hayaan” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland.
Mar uu ka hadlayay tuugta oo faro baas ku haysa shacabkana waxa uu yidhi “Waxa jirta in markii la kala diray guddidii nabadgalyada ee xukunka deg-deg ah ku ridi jirtay ay tuugtii istidhi meeshaba waxba ma jirraan isla markaana ay dafireen xukuumadii, waxa aan leeyahay waa laga hawli geli doonaa sidii loo qab-qaban lahaa tuugtaas.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in khamrigu uu ka mid yahay waxyaabaha ka mamnuucaha islaamka waxaanu yidhi “Waxa aad ka war haysaan in khamrigu uu yahay xaaraan, waayo haddii uu qofku cabo waxa dhici karta in uu xaaskiisii furo, ama uu nabadgalyo darro sameeyo, waxaanan ku amaanayaa runtii ciidamadeena amaanka oo aan hadh iyo habeen ka seexanin sidii ay bulshada uga dhex qaban lahaayeen wax kasta oo dhib ku keenaya.” Ayuu yidhi.

0 comments:

Post a Comment