Thursday, December 9, 2010

Faransiiska oo Sheegay Inuu Sii Waddi Doono Musaafurinta Dadka Billaa Sharciga Ah Ee Dalkooda Joogga & Midowga Yurub oo Arintaa Ka Cadheysan

FRANCE(BCT)- Wasiirka Arimaha gudaha ee dalka Faransiiska Mr. Brice Hortefeux oo u waramayey jariirada Le Fogaro ayaa sheegay in xukuumada faransiisku ay sii waddi doonto musaafurinta dadka aan sharciga  haysan ee ku sugan dalka Faransiiska, Dalkaa faransiiska ayaa wadankiisa ka masaafuriyey 25 kun oo qof oo bilaa sharci ah sanadkan gudihiisa,
 
Wasiirka ayaa sheegay in aanay ka noqon doonin isla markaana ay sii wadayaan musaafurinta dadkaa bila sharciga ah iyadoo ay uga imanayaan dalka Faransiiska dhaleecayn badan oo ku saabsan dadkaa qaxoontiga ah ee ay dalkooda xoogga uga saarayaan, Mr, Brice ayaa sheegay inay iyaga waajib ku tahay inay dalkooda ka illaaliyaan dadka sharci la,anta ku soo galaya iyo inay la dagaalamaan qaxoontiga ku soo qul qullaya dalkooda iyo kooxaha soo galiyaba,
 
Xukuumada Faransiiska ayaa sanadihii u danbeeyey kasoo saaraysay dadka qaxoontiga ah sharciyo ad-adag iyagoo ku andacoonaya Faransiisku in dadkaa sharci la,aanta ku joogga dalkooda inay sameeyan dhibatooyin ay ka mid yihiin Tuuggada iyo dilku, Laakiin xukuumada Faransiiska ayaa waxaa cadaadis ku saaray inay go,aankaa ka noqoto midowga yurub, Faransiiska ayaa dalkiisa ka musaafuriyey sanadkan gudihiisa 8300 oo qof oo u dhashay wadamada Romania & Bulgaria iyadoo arintaasi ka cadheysiisay wadamada Yurub oo iyagu faransiiska ka dalbaday inuu joojiyo musaafurinta dadkaa,
 
Xukuumada Faransiiska ayaa sheegtay in musaafurintaa oo ka cadheysiisay xisbiyada bidixda iyo kiniisada Catholica iyo hay,adaha xuquuqul insaanka in aanay ahayn musaafurintaasi mid ay si gaar ah ulla bartilmaamsanayso dadka kasoo jeeda wadamada Romania & Bulgaria oo iyagu ku jira Ururka midowga yurub, Laakiin ay tahay siyaasad guud oo dalka faransiisku ku yareynayo dadka bilaa sharciga ah ee dalkooda kusoo badanaya,

0 comments:

Post a Comment