Monday, December 6, 2010

Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cawil Cali Ducaale Oo Iska Casilay Gudoomiye-nimadii Siyaasada UDUB

Hargeysa(Burcotoday)- Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha siyaasada xisbiga UDUB ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii guddoomiyaha Siyaasada ee Xisbiga UDUB, kaas oo lala xidhiidhinayo iscasilaadiisu inay ku timid culays la sheegay inuu kaga yimid guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo u soo jeediyay inuu xilkaasi iska casilo.

Cawil ayaa xilkaasi dhawaan kala wareegay guddoomiyihii hore ee guddidaasi Cumar Jaamac Faarax, isla markaana ay saxaafada isku mariyeen hadalo ay isku durayeen, taas oo guddoomiyihii hore ee Siyaaasada xisbiga UDUB Cumar Jaamac uu ugu baaqay Cawil inuu iska maydho fadeexado musuqmaasuq oo loo tirinayo Wasiirkii hore ee Maaliyada.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xisbiga UDUB oo xaqiijinaya iscasilaadiisa, hase yeeshe ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola xisbiga UDUB ayaa Haatuf u xaqiijiyay in uu si rasmi ah xilkaasi iskaga casilay Mr. Cawil Cali Ducaale.

Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu dhawaan dalka ku soo guryo noqdo si uu boodhka uga tumo xisbiga UDUB ee hagaasay, isla markaana doorashadii madaxtooyada lagaga guulaystay, wakhtigan xaadirka ahana u muuqda xisbi magac ahaan u jira.

0 comments:

Post a Comment