Wednesday, December 1, 2010

Dalka Mareykanka Budhcad Badeed Soomaaliyeed oo Lagu Xukumay 30 Sanadood oo Xadhig Ah & Nimankaa Budhcada Ah oo Mid Kamida uu Kuwii Kalle Ku Markhaati Furray

NORFOLK(BCT)- Maxkamada Federalka ee magaalada Virginia ayaa ku xukuntay 30 sanadood oo xadhig ah Budhcad Badeed Soomaaliyeed oo lagu tuhmay inay ka afduubayeen gacanka Cadmeed markab laga leeyahay dalka Mareykanka, Maxkamada nimankaa lagu xukumay ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ka dhacda gobolkaa mudo 150 sanadood ah,


Shabakada CCN ayaa sheegtay in qaadiga maxkamadaa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee muddo 150 Sanadood ah uu ka dhaco xukun noocaas ah magaalda Norfolk ee gobolka Virginia, Qaadiga ayaa sheegay in Budhcad Badeedu ay nqotay mid kamida Mushkiladaha ugu waaweyn aduunka isla markaana xukunkan iminka lagu Ridday ee 150 sanadood ah uu yahay in Raggaa budhcada ah dusha loo saaro mas,uuliyada falkaa ay sameynayeen,


Qaadiga ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Jaamac Aydel Ibrahiim oo kamid ahaa budhcad badeedaa la xukumay uu qirtay danbigaa uu galay isla markaana uu ogolaaday inuu markhaati ku furro Ragga kalle oo aan markaa loo hayn wax cad oo xukunkaa loo adeegsado, Jaamac ayaa isga lagu tuhunsanaa inuu doonayey inuu afduubo markab laga lahaa dalka Denmark sanadkii 2008,

Jaamac oo ka mid ahaa Raggaa l xukumay aya waxaa kalloo lagu soo Eedeeyey isaga iyo lix nin oo kalle oo budhcad badeeda ka mida inay doonayeen inay fduubaan markabka dagaalka ee mareykanka h ee lagu magacabo Ashland iyagoo u maleynayey markab caadi ah ama baayac mushter laakiin uu ku noqday markab dagaal halkaana lagu qabtay nimankaa,

0 comments:

Post a Comment