Thursday, December 16, 2010

Warsaxaafadeed: Wasaaradda Qorshaynta

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland, ayaa ka hadashay documentiyo wasaaraddu leedahay oo la sheegay in lagu qubay barxada hore ee dhismihii ay hore ugu jirtay.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Qorshaynta Mr. Cismaan Jamac Cabdilaahi, wasaaraddu waxay dhacdadaas ku tilmaantay mid khalad ah, waxayna si adag u naqdiday warbixino uu Wargeyska Haatuf ka qoray arrinta dhokumentiyadaas. Warsaxaafadeedka wasaaradda oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay sida wargeysa Haatuf uga warbixiyey, una daabacay qaybo ka mid ah dokumentiyaal qaranku leeyahay.
Saxaafaddu xaq ayay u leedahay inay qorto wixii qalloocda ama la xumeeyo, laakiin waa nasiib-darro in iyadu abuurto siday wax dheceen sida  wargeyska Haatuf sameeyey marka uu qoray..’Faylashaasi …oo ay si qashin-qub ah wasaaraddu ugu soo daadisay xaruntii hore ee ay ka guurtay.’ Arrinkaa waxba kama jiraan, waxana habboonayd in wargeysku wasaaradda tago oo masuuliyiinteeda waraysi  la yeesho.
Wasaaradda Qorsha Qarshayntu  waxay leedahay siyaasad adag oo ku wajahan ilaalinta xogaha iyo agabka iyada oo raacaysa nidaamka maamul-wanaagga, xisaabaadka iyo hantidhowrka qaranka.
Sida wax u dhaceen waa sidan:
Markii wasaaraddu ka guurtay xarunteedii hore waxay qol xidhan kaga tagtay dokumentiyaal gaboobay oo dhismaha cusub ay meel uga weydey, waxaanay dhismihii hore ku wareejisay Wasaaradda Awqaafta oo ay la socodsiisay dokumentiyada u yaal.  Muddo dhowr casho laga joogo ayey Wasaaradda Awqaaftu shaqaale u dirtay dhismaha si ay u dayactiraan. Ninkii shaqaalaha ka madaxda ahaa ama Foormaanka ka ahaa ayaa ku amray shaqaalihii in ay dokumentiyadii ka saaraan qolka ama stoodhka oo dibeddiisa dhigaan. Waa khalad dhacay, markaas ayaa sida muuqata dadka qaar sifo sharci-darro ah uga faa’iidaysteen oo dokumentiyadii oo badh qaateen. Dokumenti wasaaraddu qubtay iyo wax suuq lagu daadiyey midna ma jiro. Markii wasaaraddu ka war-heshay dhacdadan waxay isla markiiba wargelisay Wasaaradda Awqaafta, si degdeg ahna u qaadeen tallaabadii ku habboonayd. Waa la ururiyey, waana la gubay dokumentyadii. Sida sharciga caalamka waafaqsan dokumentiyada wixii da’doodu ka weyntahay toddoba sano khasab maaha in keyd lagu ku hayo.
Waxaannu haddaba dadweynaha iyo wargeyska Haatuf-ba ka codsanayaa inay dib ugu soo celiyaan wixii dokumenti ah wasaaraddu leedahay ee ay gacanta ku hayaan, joojiyaana daabacaada sharci-darrada ee qaybo ka mid ah dokumentiyaal qaranku leeyahay.”

0 comments:

Post a Comment