Tuesday, December 14, 2010

Abaar Xun oo Soo Foodsaartay Gobolka Togdheer iyo Deegaamo Hoosyimaada

Burco-(BCT)-Gobolka Togdheer  iyo Deegaamo dhawra oo hoosyimaada ayaa laga soo sheegayaa inay samaysay abaar ba’an oo keentay in dadkii reer guuraaga aha ee Deegaamadaasi Deganaa ay iskaga ahayamaan.


Gudi Dhawaan ay Dirtay wasaarada Waxbarashad e Gobolka Togdheer oo ka koobnaa 3kooxood  si ay ugu kuur galaan Xaaladaha deegamada ay abaartu samaysay ayaa maanata soo bandhigay waxyaabihii ay ku soo arkeen in kabadan 80 tuulo hoosyimaada gobolka Togdheer.


3kooxood ayaa soo bandhigay xaalado nololeed oo ad u xun taas oo al soo gudboonaatay dadka reer guuraaga ah abaarta jirta awgeed.


Kooxani ay wasaarada wax barashada ee Gobolka togdheer diratay ayaa ahaa kuwo ku soo waramay xaalado aad xun dhanka waxbarashada waxa ay soo sheegeen in ku dhawaad 25Dugsi ay is xidheen ka dib markii ay ardaydu ka hayaantay goobihii ay daganaayeen abaarta darted.


Waxyaabaha kale ee iyana samaynta ku yeeshay dadkni reer guuraaga ah ayaa ah mucaawamadii ay bixinjirtay hayada qaramada midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP taas oo bilhii u danbeeyay aan wax mucaawimo ah soo gaadhsiin dadka reer guuraag ah halka ay iyana anay intooda badani falan  beeraha iyo dalaga oo wax weyn ka tari jirtay abaarta ba’an ee soo food saarta xiliyada Jiilalka.


Geesta kale maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa iyana baaq qaylo dhaan ah u diray hayadaha caalamiga ah iyo xukuumadea Somalilandba kaas oo ay kaga dalbanayaan in gurmad deg deg ah ay la soo gaadhaan dad ay abaartu saamaysay ee ku kala dhaqan deegaamada hoosyimaada gobolka togdheer.


Ugu Danabaytii abaarta sanakani ayaa ah mid xili horeba bilaabantay iyadoo uu waqtiga jiilalku weli muda yari inaga xigo taas oo abaarta ugu abdani ay ka dhacdo dhulka ay dadka soomaalida ahi degaan.

0 comments:

Post a Comment