Sunday, December 12, 2010

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee Dimuquraadiyada Somaliland oo maanta Badheedhahooda Dhiibtay iyo Suxufiyiin Shahaadooyin la guddoonsiiyay

Hargeysa(burcotoday)- Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee Somaliland ayaa maanta Munaasibada Xuska Sanad guuradda 62 aad ee Baaqa Caalamiga ah war-bixin ka soo saaray isla markaana Sadex Hay’adood oo ka mid ah Saxaafadda Somaliland siiyay Shahaadooyin ay ku mutaysteen Difaacida iyo u doodida Xuquuqda dadyowga kala duwan eek u dhaqan Somaliland, sadexdaas Hay’adood oo kala ah Waaheen Media Group, Telefishanka Horn Cable TV iyo Wargeysa Geeska Afrika.

Warmutiyeed ay maanta soo saartay Dallada ay ku midoobeen Ururada Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee Somaliland ee SOHIRA ayaa waxa isaga oo dhimays tiran oo u dhignaa sidan:-

“ Xuska Sanadguurada 62aad ee Baaqa Caalamiga ah Ee Xuquuqda Aadamaha Adduunka10 Dec. 2010”

Ugu horayn madaxda xisbiyada siyaasada Jamhuuriyada Somaliland, madaxda ururada bulshada rayidka ah, iyo marti sharafta xafladan ka soo qaybgashay waxanu ku salaamaynaa salaanta islaamka, waxana aanu uga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay martiqaadkan uga soo qaybgaleen.

Intaa kadib, waxanu hoosta ka xariiqaynaa in aanu xusayno oo kaliya 28 Qodob oo ka mid ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga oo maanta 62 jirsaday, labada qodob ee kale mana xusayno mana aaminsani sababtoo ah waa labo qodob oo ka soo horjeeda diinteena suuban ee islaamka.

Labadan qodob ayaa kala ah Qodobka 16 farqadiisa 1aad oo odhanayaa “Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo”.

Qodobka 18aad ayaa isna dhigaya “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda, wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi”.

Sidaasi darteed, maadaama oo ay labadan qodob ka soo horjeedaan diinteena ma xusayno, haddii kale waa lagu cadaab mudanayaa.

SOO DHAWAYN:

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Rayidka ah ee Dimuquraadiyada Somaliland waxay soo dhawaynaynaa dhawaaqa ka soo baxay xukumada maraykanka oo ay wax ka badashay qaabkii ay ula dhaqmi jirtay dalkii hore la isugu odhan jiray Somalia, talaabadan ayaa ah mid mar hore loo baahnaa, si taasi looga faa’iidaysto waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada Somaliland in ay la timaado qaababkii iyo istiraatijiyad ku salaysan baahida dhabta ah ee dalka iyo dadkiisu u baahan yahay maaha xukuumadu in ay sugto inta wufuud maraykan ahi imanayso dalka balse ka hor waa in ay sii diyaarisaa sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn isbedelkan xiliga dambe socda ee uu la shiryimi dalka Maraykanku, marka ay qorshahaasi dajinayso xukuumadu waa in ay dadwaynaha intii aqoon u leh kala tashataa oo aanay isku koobin iyadu. Sababtoo ah waxa loo baahan yahay in mar walba ay dadwaynuhu la socodaan halkay xukuumada wax u marayaan waa arimaha khuseeya horumarka kaabayaasha dhaqaale bulsho dhaqan iyo oogista shacaa’irta diiniga ah, balse uma jeedno in dadwaynaha lala socodsiiyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxanu soo dhawaynaynaa dhaqdhaqaaqa isbedel doonka ah ee ka dhex socda Golalaha Wakiilada Somaliland oo ah mid dimuquraadi ah oo lagu hagaajinayo xeerarka gaarka ah ee golahaasi dhexdiisa u dajisan iyo sidoo kale hogaanka golaha.

Guud ahaan xaalada xuquuqda aadamiga Somaliland sanadkii 2010 waxay ahayd mid ku sii socota xaaladii ay ku sugnayd sanadahii ugu dambeeyay. Waxa xusid mudan doorashadii madaxtooyada oo si nabadgalyo ah, xor ah oo xalaal ah uga qabsoontay guud ahaan 90% gudaha xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland 26.6.2010. sidoo kale waxa xusid iyana mudan qaabkii quruxda badnaa ee xilka ay ula kala wareegeen madaxwaynaha iyo k/xigeenka ku guulaystay doorashada iyo Madaxwayniha iyo k/xigeenkiisa lagaga guulaystay doorashada. Guusha Doorashada iyo diyaarinta saaxad doorasho ka dhici karto ka sokow hawsha seddexda xisbi siyaasadeed, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland iyo sidoo kale jilayaasha kala duwan ee dalka ee doorashooyinka ayaa waxa ay ahayd hawl ay amaanteeda iyo suurto galinteed uu iska lahaa Madaxwaynihii hore ee Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin, oo runtii ahaa Aabaha dimuquraadiyada dalka Somaliland ka hirgaliyay.

Ku dhaqanka nidaamka dimuquraadi ah oo islaami ahi kuma koobna oo kaliya qabsoomida doorasho xor ah oo xalaal ah, sidaasi awgeed, doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay ku dhawaad shan bilood ka hor, ayaa marka loo dhabo galo sida ay xukuumada cusubi u bilowday gudashada masuuliyadeeda culus ee qaran wax badan kama duwana waayihii xuquuqda iyo xoriyaadka aadaminimo iyo sido kale ka qaby qaadashada rayidka ee talada dalka inkastoo arimo in la soo dhaweeyo mudan oo ay ku talaabsatay xukuumadan cusub mudada kooban ee ay jirtay laga tilmaami karo oo kaliya ilaalinta hantida cadaanka ah (lacagta) ee xukuumada ayaa dhinaca kale waxa dibada u soo baxay dhaliilo aasaasi ah oo badan oo ay samaysay kuwaasi oo ay ugu waawayn yihiin kuwan hoos ku qoran:

1       Xukuumad ku salaysan qaabkii codbixintu u dhacday balse aan ku salaysnayn shucuubta iyo deegaanada uu ka koobmo Qaranka Somaliland

Iyada oo aanu dhisin madaxwayne Siilaanyo xukuumad si kasta haw koobnaato’e guud ahaan shucuubta iyo deegaanada dalka Somaliland ay si isku miisaaban uga wada muuqan.

Marka qodobkan laga hadlayo waxa aad maanka ku haystaa in Jamhuuriyada Somaliland ku dhawaaqideedii iyo dib ula soo noqoshada xoriyadeeda sanadkii 1991 uu ka dhashay heshiis ay gaadheen guud ahaan beelaha wada dega gudaha xuduudaha Jamhuuriyada, sidaasi darteed doorasho dimuquraadi ah oo dalka ka dhacdaa oo ay haa ama maya ugu codeeyaan ma waasiin karto ka qayb qaadashada talada dalka

2. Tirtiridii Gudidii Nabadgalayada Gobolada iyo Cawaaqibkii ka Dhashay:

Inkasta oo Madaxwaynaha JSL Mudane axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu markii loo dhaariyay xilka madaxwaynaha Qaranka uu markiiba tirtiray xukunkii ay fulin jireen Gudiyada Nabadgalyada Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, go’aankaasi oo ah mid loo baahnaa in la fuliye basle waxa ay aaminsan yihiin Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland in xukuumada madaxwayne Siilaanyo aanay ku baabi’in gudiyadaasi wax qorshe iyo istiraatijiyad dawladeed, iyadoo tirtirada bedelkeeda aan la iman xukuumadu qorshe hufan oo lagu hagaajinayo dhibaatooyinka xadgudubka ku ah xuquuqda aadamaha iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta ee ka dhalan kara ugu yaraan kala dirida gudiyada nabadgalyada heer gobo lee dalka ee dalka oo ay ka mid yihiin habsami u socodsiinta adeega garsoor iyo cadaaladeed ee dhamaan dadka ku xidhan goobaha sharciga ah ee dawlada, oo haatan si qayrul caadi ah u ah buux dhaaf, joojinta laaluushka iyo musuqmaasuqa ay sida aadka u argagaxa leh u isticmaalaan hay’adaha sharci fulinta iyo garsoorka Somaliland iwm. Qorshe la’aanta ay xukuumadu ku baabi’isay gudiyada nabadgalayada gobolada oo ka sokow xukunka sharci darada ah ee ay fulin jireen ka sokow door muhiim ah ka qaadan jiray sugida amaanka guud ahaan dalka.

3. Ku Xadgudub Nidaamka Duwaliga ee Caalamiga ah: Dad iyo hanti reer Somaliland ah oo ay afduubteen qabaa’il ka mid ah Somalia oo degan Puntland oo aanu u aragno arin nidaamka qabaa’ilka lagu dhamayn karo ayaa xukuumadu talaabo dhabarjab ku ah nidaamka duwaliga ah isla markaana khatar aad u farobadan ku keenaysaa dhamaan muwaadiniinta mustaafirka ku ah dalka Somalia ay qaaday kadib markii xukuumadu dadka iyo hantida Puntland lagu haysto ku bedelatay maxaabiis qaranka dambi ka gashay oo aanu qabiil gacanta ku haysan loona filayn balse gacanta ay ku hayso xukuumadu, sidii dhacday markiiba isla markaana haatan saacad kasta la fili karo waxa bartilmaameed noqday muwaadiniinta safarada ku joogta goobo kala duwan oo dalkaasi Somalia ah.

4. Musuqmaasuqa hay’adaha xukuumada:

Musuqmaasuqa hay’adaha xukuumadu isticmaalaan ayaa wali mawduuc wayn oo raad caaqiibo xumo ah ku ah masiirka umada iyo qarankan yar ee saboolka ah,  laaluushka ay saraakiisha dawladu ka qaadaan muwaadiniinta saboolka ah marka ay adeegii ay xilsaaraayeen uga baahdaan ayaa ah mid halkiisii ka sii socda inkastoo ay xukuumadu aad moodo in ay ilaa qadar waxoogaa ah ku dadaalayso in ay ilaashato hantideeda gaar ahaan adduunka ka soo gala cashuuraha kala duwan ee ay qaado dadaalkaasi oo ilaa hadda la dareemay in uu gooni ku yahay wasaarada Maaliyada, dadaalka uu wado Wasiirka Maaliyadu oo ah mid la majeerto hadana haddii dadaalku ku koobnaado wasaaradiisa oo kali ah waxa uu noqonayaa far kali ahi fool ma dhaqdo, inkastoo ay xukuumadu samaysay Gudida Heer Qaran ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga hadana wali umay dajin siyaasadii dawladeed iyo shuruucdii uu ku hawlgali ahaa gudidaasi oo muhiim u ah dabo qabashada habnololeedka qaldamay ee guud ahaan shicib iyo xukuumad labaduba caadaysteen musuqmaasuqa difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ayaa sidoo kale waxay dareemayaan kadib markii ay u dhabo galeen heerka uu gaadhay musuqmaasuqa dalka ka jiraa in ay door wayn ku leeyihiin ganacsata ugu waawayn dalku tusaale kooban waxanu u soo qaadan karaa labo masalo, wali ma la is waydiiyay halka ay ku danbeeyeen labdii wajahadood ee barxada u ahaa Xanaanada Hooyada iyo Dhalaanka ee ku taal badhtamaha faras magaalaha Hargeisa ama Bacdalaha Wayn ee Waaheen afaafkiisa waqooyi iyo barxadii dugsigsa sare ee 26 June.

5. Eriga Sharci Darada ah ee Shaqaalaha Qaranka: Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad doonka ee Somaliland waxay aaminsan yihiin iyo shaqaalaha aqoonta iyo khibrada lehi ay aad iyo aad ugu yar yihiin dalka, marka laga yimaado iyadoo aanay jirin ama ay yihiin faro guudkood  shaqaalaha dawladeed ee aqoonta u leh qaababka iyo habka uu u shaqeeyo nidaamka duwaliga, ayaa nasiib daro xukuumada cusub ee madaxwayne Siilaanyo waxa ay qaaday mudadii koobnayd ee ay talada dalka haysay talaabooyin xidhiidh ah oo ay shaqada kaga caydhinayso shaqaale qaran oo aad u tiro badan, gaar ahaan meelaha dakhliga leh sida gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Dawlada Hoose ee Wajaale, Madaxtooyada, Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Waxa fajac iyo lamo arag ku noqotay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad doonka Somaliland kadib markii ay ogaadeen in Xukuumada cusub ee Somaliland ee sida dimuquraadiga ah ay dadwaynuhu ugu soo saareen codkoodii in ay qaaday talaabooyin ay si qaawan ugu farogalinayso qaar ka mid ah jilayaasha aan xukuumiga ahayn hay’adahoodii tusaale Badhasaabka Gobolka MaroodiJeex waxa uu qaaday talaabooyin sharci daro ah oo uu damacsanaa in uu xilka kaga tuuro hogaanka Basaska Caasimada oo ka mid ah hay’adaha iyo nidaamada faro ku tiriska ah ee ay dhisteen gaadiidlayda dadwaynuhu oo runtii adeeg aasaasi ah oo muuqda u haya dadwayanaha muwaadiniinta ah eek u nool Caasimada  oo dhinaca isgaadhsiinta ah iyagoo ay isticmaalaan arday shaqaale, mid buka iyo haweenka adeega qoysaska ku foogani. Waxa wax lala yaabo ah in xukuumadii la doortay ay tidhaahdo madaxda iskaashatada basasku waxay ahaayeen UDUB markaa wakhtigii UDUBna waa dhamaadee dhaafa meesha, arintan oo kalena waxay ku dhacday ururka hiliblayaasha caasimada.

Waxa ay noogu muuqataa in qaabkani haddii uu sii socdo dhawaan ay istaagi doonaan shaqooyinkii qaranku sababtoo ah labeentii dalka ee khibrada lahayd haddii la wada eryo taasi waxa wax ku la’uun qaranka weeye.

6. Saxaafada Madaxabanaan:

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa markii ugu horaysay maanta gudoonsiinayaa saxaafada madaxa banaan Abaal marinta heer qaran ee Xuquuqda Aadamiga iyo Dimuquraadiyada Seddex ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland kuwaasi oo lagu soo xulay doorka muhuumka ah ee ay ka soo qaateen sanadkan 2010 horumarinta dimuquraadiyada iyo xuquuqda aadamiga waxana ay kala yihiin:

1. Horn Cable TV

2. Wargayska Geeska Afrika

3. Waaheen Media Group

Galdaloolooyinka Hirgalinta Xuquuqda Aadamiga ee Heer Qaran

A. Wali xukuumada Somaliland, may curin nidaam iyo shuruuc ama qawaaniin ay adeegsan karaan dhibanayaasha xuquuqda aadamiga ee ay ku xadgudbaan saraakiisha sharciga fulisaa, waxana ay madaxda ku tumata xuquuqda aadamiga ee ka tirsan hay’adaha sharci fulintu ku naaloonayaan shaadhka dawlada oo u ah gabood ay ka hoos galaan ficilada xunxun ee ay sameeyaan” sidaa ayaa lagu yidhi mar murtiyeenka ka soo baxay Dalada difaacayaasgha Xaquuqda Aadamaha ee SOHIRA qoraalka oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha daladaas Saleebaab Xaquq.

0 comments:

Post a Comment