Wednesday, December 8, 2010

Ciyaartoyga Naadiga Kubadda Cagta Booliska ee Goodir oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(BCT)-  Ciyaartoyga  heerka koowaad ee naadiga kubbadda cagta ee ciidanka Booliska (Goodir)  iyo madaxdooda ayaa maanta  booqasho ku tagay caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga halkaas oo ay ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan doonaan dhigooda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey ciyaartoyga iyo masuuliyiinta kooxda Goodir ee Somaliland.

Booqashadani waxay ka dhalatay  go’aamadii ay  bishii hore isla qaateen weftigii uu hogaaminayay   Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,Dr.Maxamed Cabdi Gaboose  iyo Madxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida , Cabdi Muxumed Cumar. taasoo waxyaabihii laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen  xoojinta isdhexgalka labada bulsho iyo adkeynta nabadgelyada.

Booqashada ciyaartoyga kubbada cagta ee Goodir waxay bilaw u tahay isdhaafsiga afkaarta, isfahanka iyo isdhexgalka labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaana la filayaa in dhowaan booqasho tan la mid ah ay Somaliland ku yimaadaan ciyaartoy ka socda maamulka Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Weftiga ka socday Somaliland oo booqasho ku tagay magaalada Jigjiga 28 November 2010 ayaa waxyaabihii kale ee ay ka wada hadleen madaxda dawlada deegaanka Soomaalida waxa ka mid ah in la sii adkeeyo xidhiidhka labada dal ee dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo ciyaaraha.

0 comments:

Post a Comment