Wednesday, December 29, 2010

Bom Gacmeed Had,yed Ahaan Boosta Loogu Soo Dhigay Reer Filibiniyiin Ah oo Dilley Gabadh Kadib Markii Ay Furtay Kartoonkii Bomkaasi Ku Jirey

MANILA(BCT)- Booliska magaalada Manila ee dalka Philippine ayaa sheegay inay dhimatay gabadh xaas ah oo 31 jir ah kadib markii Boosta loosoo dhigay BOM gacmeed kaasoo loogu soo diray had,yed ahaan ciidii Christmaska, Bomkaa ayaa ku qarxay kadib markii ay gabadha dhimatay ay isku dayday inay furto had,yeda loosoo diray,



Taliyaha Booliska  Nicanor Bartolome ayaa sheegay in gabadha dhimatay ee Bomkaa had,yed ahaanta loogu soo diray lagu magacaabi jirey Yvonne Chua, Gabadhaa ayaa iyadoo ku faraxsan had,yedaa loosoo diray Christmaska laakiin nasiib xumo ay ku noqotay Bom iyadoo halkaa ku dishay markii ay furtay,



Nicanor ayaa sheegay in Bomkaa lagu soo hagaajiyey guriga Reerkaasi ay degenaayeen oo ku yaala magaalada  Taguinj a suburb oo ku dhow caasimada Manila. Bomkaa oo sanduuq ama kartoon lagu soo xidhay,


Taliyaha ayaa intaa ku daray in Bom-booyinka Reerkaa loosoo diray ay ahaayeen Sadex Bom oo ah noca gacanta laga tuurro iyadoo mid kamida uu ku qarxay markii ay gabadhaasi furtay, Ninka gabadhaa qabay iyo wiil todoba jir ah oo ay dhaleen oo xilligaa Bomku qarxayey la fadhiyey qolka Fadhiga ayaan iyaga waxba soo gaadhin oo ka bad-baaday qaraxaa,



Taliyaha Booliska Magaalada Manila  Nicanor Bartolome ayaa sheegay inay iminka baadhayaan oo ay ku Raad jooggaan ciddii Reerkaa Bomka u soo dhigtay Boosta & Sababta ay ugu soo direen Had,yed ahanta,






Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment