Monday, December 6, 2010

Habbar 82 Jir Ah Oo Sameyneysa Jimicsi Aan Hore Loo Arag!!!

China(BCT)- Islaan 82 jir ah oo shiineys ah oo reer Beijing ah oo lagu magacaabo Zhao Yufang ayaa waxay noqotey qof soo jiidatay indhaha dadweynaha magaalada Beijing ka dib markii ay sameysey jimicsiga jidhka oo aan caadi ahayn oo lagaab iyo fajac ku aaburey dadweynihii iyo saxaafadiiba ,markad aragtid noocyada jimicsiga ay sameyneyso iyo weliba da’deeda ayaa kugu abuuraayaa waxa aan la rumeysan karin laakin waa arin hada dhacdey oo ku cusub dhulweynaha shiinaha.

Inkastoo dadka shiinaha ahi ay jecelyihiin iney sameeyaan jimicsi xiliyada hore ee subaxdii taas oo dowladuna u sameysey meelo ay ku sameeyan jimicsiga oo ku taala xaafadaha ay dadka rayidka ahi deganyihiin ,kuwaas oo aan soo gaadhi karin garoomada iyo goobaha loogu talo galey jimicsiga ee ay aalaba dadka dhalinyarada ahi ku sameeyaan jimicsiga.

Hadaba arintani aniga ayey si gaar ah ii soo jiidatey waxaan rumeysnahay in aanu jirin qof somali ah oo weliba islaan 82jir ah oo sameynkarta noocan jimicsiga ee ka yaabiyey dadka shiineyska ah ,ee ay daaha ka rogtey Zhao yufang.

Haddaba akhriste daawo noocyada jimicsiga iyo sidey ukala bixineyso jidhkeeda .

0 comments:

Post a Comment