Tuesday, December 28, 2010

Wararkii Wargeyska OGAAL Cadadkii Maanta Talaado 28/12/10

“Waxaanu qaadanay wixii Madaxweynuhu amray, awoodda magacaabista Hormoodka Jaamacaddana waxa leh….”

Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, guddoomiyaha golaha Sare ee Jaamacadda Hargeysa….WARAYSI GAAR AH
Hargeysa 28, December 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Sare ee maamulka Jaamacadda Hargeysa marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, ayaa sheegtay in gole ahaan ay aqbaleen go’aankii Madaxweynaha Somaliland.
Foosiya Yuusuf oo uu xalay waraysi gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxay ka hadashay cida awooda u leh magacaabista Hormoodka Jaamacadda oo ah xilka ay ka dhasheen rabshadihii kala dambeeyay ee Sabtidii todobaadkan hadheeyay Jaamacadda Hargeysa. Waraysigaas oo ay sidoo kale kaga hadashay siday ku timi dib-u-hawlgelinta golahooda oo Xukuumaddii hore sannadkii 2006 shaqada ka joojisay iyo siday u aragto todobaadkan ka dhacay Jaamacadda Hargeysa, waxa uu u dhacay sidan;
S: Ugu horayn, maxay tahay aragtidaada la xidhiidha dhacdadii Sabtidii ka dhacday Jaamacadda Hargeysa iyo rabshadihii ardaydu sameeyeen?
J : Guud ahaan, ardaydu waxay u mudahaarday waxyaabo ay igu tabanayeen oo caadiyan ardaydu markay wax tawdaan way mudaharaadan oo waatan Londonba imika gubanaysa (ardayda Jamaacaddaha London oo mudaharaad ka dhigay kharashka lagu kordhiyay), isla markaana Bulxan-ba (guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa) way ku mudaharaadeen oo waa kuwii barigii jajabiyay. Markaa dhalinyaro markay danahooda ka hadlayaan kolay dhibaato way gaystaan, laakiin aad iyo aad baan uga xumahay shaqsiyan anigoo magaca guddiga ku hadlaya, wixii dhacayna aad baanu u cambaaraynaynaa oo aanu uga xunahay, in carruurtu khaasatan galabtii ay jajabiyeen oo meesha lagu dagaalamayna waxay ahayd wax aad u fool-xun iyo dhacdo aan wanaagsanan. Hase yeeshee, cadaadooda weeye ardayda oo laguma dhiirigelinayo oo inay sameeyaan maaha, inay u noqdaana maaha, waana inay nabadda ka shaqeeyaan, sababtoo ah iyagaa leh Jaamacadda, iyagaa iska bixiya lacagta oo bilaash kuma dhigtaan, anaguna ma bixino lacagtooda, dawladuna ma bixiso, balse iyagaa iska bixiya. Markaa Tacliinta way iibsanayaane, waa inay hagaajistaan Jaamacadda.
S: Markaa guddi ahaan ma jirta wax hawl ah oo aad ka qabateen intii rabshadahaasi dhaceen?
J: Aad iyo aad baanu uga qabanay. Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday in aanu dejino, si wanaagsana waan uga wadadoodnay, waananu ka hadalay qaabkii aanu u dejin lahayn ama aanu dad u dirnay ama aanu anagu tagnay o galabnimadii ay wax jajabayeen anaga laftayada ayaa tagnay oo doonaynayn in aanu ardayda la hadalo. Laakiin, nasiib-darro noomay suurtagalin, laakiin waxaanu aad ugu niyad wanaagsanahay inay imika hagaagtay oo ay degtay, kuna faraxsanahay, lana garab joogi doono insha Allaah wixii karaankayaga ah inay hagaagto Jamaacaddu oo ay degto, waayo haddii aanay Jaamacaddu degin ardayda khasaare weyn baa ku dhacaya, macalimiintana khasaare ayaa ku dhacaya, marka waa muhiim in layskugu tago oo la dajiyo arrintaa iyada ah.
S: Guddoomiye, waxa jira in Madaxweynuhu degreeto uu soosaaray uu idiin xilsaaray in guddi ahaan aad muddo dhawr bilood ah ku soo diyaarisaan shuruucda ay Jaamacaddu ku shaqayn doonto, markaa guddi ahaan miyaad aqbasheen hawshaa?
J: Madaxweynaha amarkiisa waanu qaadanay, toos baanu u qaadanay, waanu soo dhawaynay, waananu u sheegnay, ilaa afar bilood baanu yidhi. Midda kale, horta Jaamacaddu shuruuc way leedahay oo shurucdeedii way yaalan, kuwii aanu anagu dhignayna way yaalaan, kuwii Bulxan sameeyayna way yaalaan, markaa in labadiiba la eego oo lays barbardhigo oo wixii dib loo eego uun naga codsaday, anaguna waanu samaynaynaa, diyaarna waanu u nahay, maamulka jooga muddadaana waanu wada shaqaynaynaa. Markaa Jaamacaddu imika heer wanaagsan bay maraysaa, is afgarad wanaagsan ayay maraysaa, sida aad la socotaana dhalinyaraddii Tacliintoodii ayay ku noqdeen, waanay degeen, waxaanu waliba ka codsanay anagu guddiyo ay samaysteen qaar ka mid ahi inay qoraal ku keenaan cabashooyinkooda, qoraalkana soo gudbiyaan oo wasaaradda Tacliinta, golaha (Council-ka Jaamacadda) iyo Madaxweynahaba u gudbiyaan.
S: Markaa golihiisa Sare ee Jaamacaddu, dhacdadaa muddadii ka dambaysay wax xidhiidh ah mala samaysteen maamulka hadda jooga ee Jaamacadda?
J:  Waanu wadnaa oo haddaanu samaynaynaa, waanu wada shaqaynaynaa maamulka, waananu dhamaynaynaa wixii khilaafaad ah ee jira dhan kastaba ha noqdee, diyaarna waxaanu u nahay in aanu mustaqbalka carruurtaa yaryar iyo macalimiinta oo qudhoodu ah laf-dhabarta Jaamacadda in horumarkooda, hagaagooda iyo niyadoodu inay hagaagto diyaar baanu u nahay in aanu kala shaqayno maamulka jooga.
S: Marka hore wasaaradda Waxbarashada ayaa idin magacawday, markaa guddi ahaan hawshiinu maxay tahay, maxaadse qabanaysaan marka laga tago hawshan Madaxweynuhu idiin xilsaaray ee shuruuc-dejinta?
J: Jaamacaddan waxaanu bilawnay muddo 12 sanadood ah ka hor. Jaamacaddan guddi baa samaysay, waa Jaamacad madaxbanaan oo ay dawladuna nagu garab-joogto. Markaa guddigii aasaasayaasha Jaamacaddu way joogaan oo aan anigu guddoomiye u ahay, gudidii uu Bulxan sameeyayna waxaanu kaga darsanay qayb, markaa wasaaradda Tacliintu guddidayadii oo liiska ugu jirtay iyo tan dambe oo midoobay ayay ansixisay. Markaa nalama samaynine, hore ayaanu jiray, waana nala dardar galiyay. Markaa Council ahaan shaqayadu waxa weeye, ama xisaab-celin ha noqoto ama Tacliinta ha noqotee, waxaanu nahay dadkii lahaa masuuliyadda Jaamacadda. Maamulka Jaamacadda joogaa waa shaqaale, anaguna shaqaale ma nihin, waxna kama qaadano, laakiin maadaama aanu samaynay ilaalintooda, hagaajintooda, wixii qaloocan iyo wixii xun in laga hagaajiyo uun baananu anagu meesha u joognaa.
S: Magacaabista guddoomiyaha Jaamacadda yaa awood u leh, ma guddigiina, mise wasaaradda, mise Madaxweynaha?
J: Imika ta uu wareerku ka dhacay taas bay ahayd. Anagaa awooda leh, hase yeeshee imika Madaxweynahaa magacaabay afartaa bilood ee kumeel-gaadhka ah, anaguna waanu ku raacnay.
S: Markaa soo-jeedinta Madaxweynaha waad aqbasheen?
J: Waanu aqbalay, si toos ah baananu u aqbalay, waananu qaadanay, waananu la shaqaynaynaa.
S: Foosi, adigu waxaad hormood u ahayd guddigii aasaasay Jaamacadda Hargeysa, horena golihii Jaamacadda madax baad ugu ahayd, markaa golihiinani ma iyagaa soo dhigay inaad golaha guddoomiye u noqoto, Hormoodka Jaamacaddana noqoto?
J: Maya. Waxaan rabaa inaan caddayn sameeyo -  maadaama aan guddoominayay shirka, horena aan u ahaa aasaasihii koowaad, waxay gudidu yidhaahdeen Foosiya inta aynu hagaajinayno sii qabo, sidaa uu imikaba Madaxweynuhu u yidhi ninkaasi hasii qabto. Laakiin, guddoomiyaha Council-ka dib baa loo dooran lahaa, goluhuna waa kaas aan guddoomiyaha ka ahay. Hase yeeshee, had iyo jeer waxa la isku khaldaa Madaxweynaha (president)-ka Jaamacadda ama Hormoodka Jaamacadda, ka kalena waa guddoomiyaha guddiga Jaamacadda hagta.
S: Guddoomiye, ugu dambayn maxaad u soo jeedin lahayd ardayda iyo maamulka hadda jooga ee Jaamacadda?
J: Waanu soo dhawaynaynaa, waa wada shaqaynaynaa, wixii Madaxweynuhu amray baanu yeelnay, waanu yeelaynaa, Jaamacadduna way degaysaa, wayna degtay, anagaana uga lexejeclo badan cid walba.

“Afar boqol oo gaadiidka dagaalka ah baa soo gaadhay bariga Sanaag, dawlada Somalilandna…”
Maxamuud Siciid, wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland
Hargeysa 28, December 2010 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mr. Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay ka gaabisay ka hadalka abaabulo dagaal oo uu sheegay inay ka jiraan deegaanada bariga gobolka Sanaag.
Wasiirkii hore ee Ciyaaraha oo hadal ka jeediyay shirweyne shalay u furmay dallada SONYO, waxa uu tilmaamay inay bariga Sanaag soo gaadheen afar boqol oo gaadiidka dagaalka ah, kuwaasoo uu sheegay inuu ka dambeeyo maamul-gobolleedka Puntland. “Guud ahaan sida aad la socotaan Somaliland waxay ku soo caano-maashay waxay ahayd nabadgelyo, waxa keliya ee ugu muhiimsan ee aynu hiigsan jirnay waxay ahayd nabadgelyo, laakiin maanta waxaad moodaa nabadgelyadeenii in qalin-daar xoog leh lagu hayo. Tusaale ahaan, dhinaca galbeed oo inoogu dhaw maanta arrimo ayaa ka taagan, arrintii Kalshaale ka dhacday wali way taagan tahay, taa waxa ka sii daran barigii Sanaag waxa laga wadaa duullaan la yaable oo ay Puntland ka wado. Waxa socda boqolaal gaadiid ah, afar boqol oo gaadiidka dagaalka, imika waxa la leeyahay taangiyadii iyo beebeeyadii baa socda,” ayuu yidhi Maxamuud Siciid. “Dawlada Somaliland aniga oo aanay naqdi iga ahayn, ilaa imika arrintaa iyada ah way ka aamusan tahay, afkeeduna waa ka xidhan yahay. Waxa la yidhi ‘doqonta usha agteeda ku dhufo, hadday garan waydana goga u gali’, arrintaas baroortu orgiga ka wayn, waxa la qabsanayaa ama dhibaatadu soo gaadhaysaa maaha gobollada bariga oo keliya, anigu waxaan qabaa iskadaa Somaliland iyo Soomaaliya xataa way ka duwan tahay meel habeen iyo maalin ay wax ku soo gurmayaan hub qayral caadiya.
Waxa jirta Geeska Afrika maanta nabadgelyadiisii khatar baa ku soo fool leh, khatartaa ku soo foolka leh Puntland ayaa masuuliyadeeda qaadanaysa, sababtuna waxa weeye damaca Faroole wado ee indho la’aanta ah. Waxaan u soo jeedinayaa dawlada Somaliland, iyadoo aan loo qaadanayn xisbi mucaarad ah ayaa arrintaa ka hadlay, waxaanu idin leenahay sidii sharafta lahayd ee aanu u ballanqaadnay Madaxweynihii hore maalintii uu xilka wareejinayay ee uu yidhi waynu garab istaagaynaa intay dawladaasi lugaheeda ku istaagayso sidii baanu diyaar u nahay inaanu la shaqayno, laakiin khatar baa inagu soo socotee, khatartaa ku talogal halaga yeesho,” ayuu raaciyay.
Ugu dambayn, waxa uu baaq nabadeed u diray dhinacyada dhowaan ku diriray degaanka Kalshaale iyo muranka dhinaca degaanka galbeedka. “Dhinaca galbeedka iyo dhinaca Kalshaale labadaba waxaan leeyahay dadkaa, idinka ayaa dad isugu dhaw, idinka ayuu Illaahay meel idinku wada abuuray, waxaan leeyahay isu tanaasula, waxaanan u soo jeedayaa in arrintaa si degdeg ah loo soo afjaro,” ayuu yidhi Maxamuud Siciid Maxamed oo ah wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumaddii dhowaan xilka wareejisay.

“Baarlamaanka waqtigiisii wuu dhammaaday oo cid ay metalaana ma jirto, haddaynu nidhaahno hala kala dirona…”
Guddoomiyaha xisbiga UCID
“Dalkan waa loo tashaday, waxaana la inoogu tashaday in la ina kala qaybiyo oo beelaha hareeraha iyo beelaha Dhexe…”
Hargeysa 28, December 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa naqdiyay qaabka loo dhisay dawladda cusub ee Somaliland.
Guddoomiyaha UCID oo shalay hadal ka jeediyay Shirweyne u furmay dallada SONYO, waxa uu sheegay in xisbigoodu uu Somaliland ka badbaadiyay inay noqoto sida dalka Ivory Coast oo uu hadda ka taagan yahay qalalaase ka dhashay doorasho Madaxtinimo. “Anagu haddaanu UCID nahay, waxaanu idiin sheegaynaa waxaanu kala cararnay Somaliland inay sidaa Ivory Coast noqoto, indhaha ayaanu iska qabsanay, laba ama saddex cisho 150 may heli karayn, waxaanu u xishoonayna waxay ahayd inaanu danta shaqsi iyo ta xisbiba ka horeysiino danta guud. Laakiin, ka raali ahaan mayno in dalka maamul xumo lagu sameeyo, waayo anagu UCID ahaan dawlada sida loo sameeyay raali kama nihin waanu ka xishoonay. Waxa la yidhi dawlad kooban baa la samaynayaa, haddaad imika isku gayso inta Agaasime la sameeyay iyo inta la taliye la sameeyayna way ka badan tahay intii Rayaale, wixii oo Agaasime ahaana waa la bedelay, waxa la geeyay kuwa KULMIYE ahaa, kuwii horena waxa la yidhi lataliyeyaal ayaad noqonaysaan. Maxaa loo bedelay hadduu lataliye noqonayo maa isagaba loo daayo? Intaasoo hay’adood ayaa la sameeyay oo marka hore aan sharcigoodii la samayn, hay’ad haddaad doonaysid inaad samaysid horta sharcigeedii waa in la sameeyaa, kuwii loo magacaabay ayaa la yidhi idinku soo samaysta sharciga, waxaasina sharci maaha,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Waxa uu sheegay inay jiraan qorsheyaal lagu waxyeelaynayo jiritaanka Somaliland, wuxuuna naqdiyay siyaasiyiin aanu magacooda sheegin oo ah kuwa Somaliland u dhashay ee ka qaybgalay dawladdihii loo dhisayay Soomaaliya. “Dalkan waa loo tashaday, waxaana la inoogu tashaday in la ina kala qaybiyo oo beelaha hareeraha iyo beelaha Dhexe in la isku diro ayaa la doonayaa. Waxa socota in loo bedelo guushii aynu helnay iyo wanaagii adduunku inoo hayay in Soomaaliwayn la inagu daro. Waad ogtihiin oo nimankii bariga dhaweyd baxay (siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee dhismihii dawladdihii Soomaaliya loo sameeyay ka qaybgalay) way soo wada noqdeen, markay waxba ka waayeen Koonfur ayay doonayaan inay halkan siyaasadii Soomaaliya ku soo celiyaan, wax kale uma socdaan,” ayuu raaciyay Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID waxa uu ku baaqay in wax laga qabto xiisado ka taagan meelo dalka ka tirsan, wuxuuna naqdiyay goleyaasha Guurtida, Wakiilada iyo Degaanada oo uu xusay inuu intaba waqtigu ka dhamaaday. “Waxa weeye, arrinta bariga iyo galbeedka in wax laga qabto. Maanta saddexdeenii gole ee la doortayba waqtigii wuu ka raagay, Guurtidu ilaa maalintii Boorame way fadhidaa, adduunka lama arag gole isu kordhiyo isagu oo haddana qaar kale u kordhiya isaga oo aan isagiiba xalaal ahayn, baarlamaankeena maanta iyo ka Muqdisho waa isku jaad, waqtigii wuu ka dhamaaday, iyagu maanta cidna ma bedelayaan oo waa kuwaa maanta yidhi lacagta ayaanu korodhsanaynaa, saddex sano ayaanu korodhsanay iyo Shirguddoon cusub baanu samaysanaynaa. Deegaanadu (goleyaasha Degaanadu) sagaal sano ayay jireen, way baaba’een, waa la iska iloobay, wixii aynu adduunka ka iibinaynay ee isbedelkii iyo dimuqraadiyadii taasay ahayd,” ayuu yidhi.
Eng. Faysal Cali-Waraabe waxa uu sheegay in Baarlamaanku aanu hadda cidna metelin, isla markaana aanu jirin wax diidaya haddii la kala diro, si loo doorto gole cusub. “Anigu marnaba ismaan lahayn Siilaanyo hadduu Madaxweyne noqdo waxa caban doonta Saxaafadda, arrimahaa maan filayn. Waxaan idiin sheegayaa, Baarlamaanka waqtigiisii wuu dhamaaday cid ay maanta metalaana ma jirto, haddaynu maanta nidhaahno hala kala diro awood baynu u leenahay oo aynu doorano baarlamaan cusub oo la jaanqaado dawlada cusub, dawladaha Hoosena waa sidaa soo kale. Baaralamaankeenii waxay noqdeen gudaafado, qashinkiina iska guri kari waynay, meel cisbitaal laga dhisaa ma jirto, hawlahaasoo dhami waa dawladaha Hoose. Haddii dawlada Hoose caafimaad qabto, ta sarena way wanaagsanaan lahayd,” ayuu raaciyay.

Noocyada Fal-dambiyeedyada 2010 ka dhacay gobolka Togdheer iyo inta ay ka badan yihiin kuwii sannadkii hore
Burco 28, December 2010 (Ogaal)- Fal-dambiyeedyada sannadkan dhamaadka ah ee 2010 ka dhacay gobolka Togdheer, ayaa la sheegay inuu aad uga badan yahay kiisaska sannadkii hore ka dhacay gobolkaas.
Sida lagu sheegay tirokoob ay soo bandhigtay Xeer-ilaalinta gobolka Togdheer, fal-dambiyeedyada sannadka 2010 ka dhacay gobolka Togdheer waxay gaadhayaan ku dhawaad shan boqol oo kiis oo ah inta la diiwaangeliyay, waxayna ka badan yihiin kuwii sannadkii 2009 dhacay.
Ku-xigeenka Xeer- ilaaliyaha gobolka Togdheer Mr. Jaamac Ducaale Siciid,  ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada iyo noocyada fal-dambiyeedyada ka dhacay gobolkaasi, wuxuuna sheegay in sannadkan dhamaadka ah ee 2010 kiisaska la diiwaangeliyay ay dhan yihiin 454 kiis, kuwaasoo uu xusay in loo qabtay dad gaadhaya 774 qof, wuxuuna intaa ku daray in 450-kiis oo dadka loo qabtay dhan yihiin 699 ay dhamaadeen, halka 34- kiis ay wali taagan yihiin.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in kiisaska dilka ah ee sannadkan la diiwaangeliyay ee Togdheer ay dhan yihiin 34 kiis oo dil ah, kuwaasoo 20 ka mid ah la qabtay, 14 ka mid ahina ay baxsadeen, halka 9 ka mid ahna la xukumay, iyadoo 11 kalena weli taagan yihiin.
Xeer-ilaaliye kuxigeenku waxa uu tilmaamay in aanay fal-dambiyeedyadaa dilka ah ku jirin kuwii ka dhacay degaanka Kalshaale ee labada beelood dhexmaray.
Mr. Jaamac Ducaale, waxa uu sheegay in kiisaska sannadkan ka dhacay gobolka Togdheer ay u badan yihiin tuugada, dhaawacyada iyo dilalku, isla markaana ay sannadkan yaraadeen kiisaska kufsiga oo hore gobolkaasi u ahaa kuwa ugu badan ee fal-dambiyeedkaasi ka dhaco.
Waxa uu sheegay in fal-dambiyeedyada sannadkani ka badan yihiin kuwii sannadkii tegay ee gobolkaas, wuxuuna xusay in fal-dambiyeedyada sannadkii 2009 laga diiwaangeliyay gobolka Togdheer ay ahaayeen 395, halka dilalkana uu ku sheegay inay 10 kiis ahaayeen.
Somaliland iyo Itoobiya oo ka wadahadlay codbixinta gooni-isutaaga Koonfurta Sudan
Addis Ababa, 28, December 2010 (Ogaal)- Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa dalka ku soo laabtay ka dib markii uu socdaal dhawr maalmood qaatay ku tegay dalka Itoobiya.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed wasaaraddu soosaartay, wasiirku waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Waxaa dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda Dalka Ethiopia.
Muddadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Addis Ababa, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal-wasaare xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Ambassador Seyoum Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona dalka Shiinaha.
Masuuliyinta labada dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba.
Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wadajir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu meel-marinayo, lagagana midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada.
Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen arrimaha Geeska Afrika guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga Koonfurta Sudan.
Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wadajir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare-xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Ambassador Seyoum Mesfin.
Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaana dalka Ethiopia, kaasoo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.”
Booliska oo Hargeysa ku soo bandhigay lacagaha dalalka deriska iyo ta Somaliland oo la been-abuuray
Hargeysa 28, December 2010 (Ogaal)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe, ayaa shalay si wadajir ah u soo bandhigay lacago isugu jira Somaliland iyo kuwa dalalka deriska oo la been-abuuray.
Taliyaha Booliska Somaliland Col. Cilmi Rooble Furreh (Kabaal) oo hadal ka jeediyay goobta ay ku soo bandhigeen lacagahaas, waxa uu sheegay inay yihiin kuwo been-abuur ah oo isugu jira Faranka Jabuuti, Birta Itoobiya iyo lacagta dalka.
Mr. Cilmi-kabaal waxa uu sheegay in arrintani tahay mid lagu curyaaminayo dhaqaalaha dalka, wuxuuna u mahadceliyay ciidanka Booliska ee gacanta ku dhigay lacagahaas foojariga ah oo lagu qabtay Hargeysa. “Waxaas waxa lagu curyaminayo isku sheegi mayno, Faranjaad (lacagta Faranka ee Jabuuti) baa ku jira oo foojari ah, dollar baa ku jira, lacagtaadii Somaliland baa ku jirta oo foojari ah, intuba 90% waxay inagaga yimaadeen waa Koonfur,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Waxa uu sheegay in sidoo kale uu laba maalmood ka hor lacago doolar ah oo foojari ah u gudbiyay guddoomiyaha Baanka, kuwaasoo uu xusay in markii la qabtay ay maalin ka hor ka soo degtay Madaarka, isla markaana ay ahayd doolar madow oo la doonayay in Hargeysa lagu sifeeyo. “Waa arrimaha uu Boolisku siiyo xaasaasiyada ama waa wareegtada aan ka soo saaray, waayo dhulku sida uu u kala halbawlaysan yahay ayaa loo baahan yahay in loo galo hawsha, anigu kolay dhankaas  ayaan ka  abaaray, muddo saddex bilood ahna waan joogay,” ayuu raaciyay. Wuxuuna ciidanka uga mahadceliyay lacagahaas isugu jira kuwa dalalka deriska iyo ta Somaliland ee been-abuurka ah ee ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana wuxuu ku booriyay inay halkaas hawsha ka sii wadaan.
Ugu dambayn, guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu Boolisku ku hambalyeeyay hawlgalkaas.
Muddooyinkan dambe, waa markii u horaysay ee la soo bandhigo lacago been-abuur ah oo ah lacagta Somaliland iyo lacagaha dalalka deriska.
Hargeysa: Tuug Biriijka ka
tuuray Haweenay danyar ah
Hargeysa 28, December 2010 (Ogaal)- Tuug muddooyinkan dambe ku soo kordhayay caasimadda Somaliland, ayaa hiirtii hore ee shalay biriijka way nee Hargeysa ka tuuray haweenay danyar ah.
Haweenaydan oo la sheegay in dhaawacyo jabniin ka mid yihiin soo gaadheen, waxa magaceeda la yidhaahdaa Faadumo Maxamuud Yuusuf, waxayna sida la sheegay ka mid tahay haweenka danyarta ah ee Khudaarta la fadhiista suuqa Hargeysa. “Waxaan marayay Biriijka, aniga iyo laba hablood oo kale ayaanu ahayn, dabadeedna maan arkayn oo hortayda ayuun buu ka soo wareegay ninku,  kadibna Mindida ayuu ii qabsaday, kadibna dib ayaan isku giijiyay,” ayay tidhi haweenaydaas oo la dhigay Cusbatalka guud ee Hargeysa. “Markaa markay hablihii ila socday qayliyeen ee aan aniguna dib isu giijiyay ayuu I qabtay oo uu biriijka iga tuuray,” ayay raacisay. Waxayna intaa ku dartay, in markii uu tuugtaasi tuuray uu ka daba degay, dabadeedna iyadoo biriijka hoostiisa ku dhacday uu ka qaaday lacag ay sidatay. “Anigu markii aan dhacay waan Miyir-beelay, iyadoo lay soo qaaday ayuun baan Miraabay,” ayay tidhi hooyo Faadumo oo carruur ay dhashay ku korisa Khudradaas yar ee ay suuqa la fadhiisato.
Sheekada ku saabsan haweenaydaas Biriijka laga tuuray, waxa shalay si wayn looga hadalhayay suuqyada iyo xaafadda magaalada intooda badan, iyadoo dadka qaarkiina ilaa fiidkii xalay u daawasho tegayeen meesha uu ka tuuray oo ah qaybta Bari ee biriijka wayn ee Hargeysa.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo wax laga waydiinayo heshiisyo dawladda TFG gashay
Muqdisho 28, December 2010 (Ogaal)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa laga dalbaday inuu hortago Baarlamaanka dawladda kumeel-gaadhka ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya mooshino shalay horgeeyay golahaas, waxay Raysal-wasaaraha ka dalbadeen inuu hortago, si wax looga waydiiyo heshiisyo dawladdu gashay.
Mooshinadaas oo saddex ahaa, waxa laba ka mid ah Raysal-wasaaraha lagaga codsaday inuu Baarlamaanka faahfaahin ka siiyo heshiisyo lala galay shirkadda Saracen International oo tabobaraysa ciidamada dawladda TFG iyo shirkad kale oo la yidhaahdo ASK oo sida la sheegay lagu wareejinayo maamulka Madaarka Muqdisho.
Mid ka mid ah mooshinadaas waxa lagu sheegay in dawladda taagta daran ee Soomaaliya shirkadd ASK ku wareejisay maamulka Madaarka Muqdisho, taasoo uu heshiiska u saxeexay David Tom Chris oo madax u ah shirkaddaas, balse laguma caddayn cida dawladda TFG u saxeexday heshiiskaas.
Shirkadda ASK, waxa la sheegay inay xarun ku leedahay bariga Dhexe, heshiiska ay la gashay dawladda Soomaaliyana uu dhigayo inay maamulka garoonka gacanta ku hayso muddo 10-sano ah, waxaana dukumiintiga heshiiskaasi uu tilmaamayaa inay kasoo shaqaysay dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Imaaraadka Carabta.
Mooshinka kale, waxay xildhibaanadu ku dalbadeen in Raysal-wasaare Farmaajo faahfaahin ka bixiyo heshiiska ay dawladdiisu la gashay shirkadda ammaan ee Saracen International oo dhawaan wararkeedu ay dibadda u soo baxeen.
Waxa la sheegay in heshiiskaasi ku saabsan yahay in Saracen ay muddo 10-sano ah qandaraas ku haysato tababarka ciidammada, iyadoo aan lagu sheegin dukumiintiga la kala saxeexday dhaqaalaha ku baxaya, waxaana heshiiskaas dhinaca Soomaaliya u saxeexay Madaxweynaha TFG Shariif Sheekh Axmed.
Dhanka kale, mooshinka saddexaad waxay xildhibaanadu ku codsadeen in taliyeyaasha ciidamada dawladda TFG horyimaadaan Baarlamaanka, si ay sharaxaad uga bixiyaan qaabka ay ciidammadu ku shaqeeyaan iyo jidka ay u marayaan inay soo celiyaana ammaanka guud ee dalkaas.
Mudaneyaasha fadhigaas shalay ka qaybgalay oo tiradoodu dhamayd 278 xubnood, waxay qaarkood sheegeen in aan golahooda la soo marin heshiisyadaas intii aan shirkaddahaas lala gelin, waxayna talabaadaas ku tilmaameen mid ka hor imanaysa shuruucda dawladda Soomaaliya.
“Kanada waa dal fiican, laakiin Xukuumaddeedu waa mid xun”
Haweenay uu qabo Bashiir Makhtal oo Itoobiya Xabsi-daa’in ku xukuntay
Toronto, 28 December, 2010(Ogaal/Toronto Star)-“Shaqsiyan, waxaan u arkaa in dawlada Canada aanay qiimaynayn ninkayga iyo baasaboorka uu sito,” sidaa waxa tidhi gabadh lagu magacaabo Casiiso oo ah xaaska nin ku xidhan dalka Itoobiya oo uu waraysi la yeeshay wargeyska TorontoStar ee ka soo baxa dalka Kanadawareysigii, waxayna intaa raacisay inay subax walba toosto 3:00, iyadoo ka welwelsan mustaqbalkeeda iyo ka ninkeeda Bashiir Makhtal.
Wareysiga Wargeysku la yeeshay haweenaydaas, waxa lagu sheegay in indhaheedii quruxda badnaa ay madow isu bedeleen, sida uu sheegay dumaashigeed oo madbakha ku arka xilliga uu salaada subax u kaco, isagoo raaciyey in macaankii hurdadu ka tegay, siday u sheegtay Casiiso.
Makhtal, oo ah muwadin haysta dhalashada dalka Canada, waxa uu haatan ku jiraa Xabsi ku yaala caasimada Itoobiya, isagoo ku xukuman madaxaa-ha-ku furto, ka dib markii lagu helay falal la xidhiidha iskuday Argaagxiso iyo isagoo sheegtay hogaank ONLF. Xukuumada Itoobiya ayaa sharci daro ku tilmaantay ururkaa, iskla markaana ugu yeedha mid argagaxiso, balse qoyskiisa iyo saaxiibadii aya ala sheegay inay mar walba dafiraan eedeymahaa, iyagoo raaciyey in sababata keliya ee loogu xidhiidhinayo Makhtal ONLF ay tahay isagoo aabahii ka mid ahaa aasaasayaashii jabhadaa.
Casiiso oo sharaxaad ka bixinaysay ninkeeda, ayaa sheegatay inuu ahaa mid fiican, isla markaana wax wanaagsan u qaban jiray dadka, qof walibana garanayo, iyadoo raacisay “Wuxuu ahaa mid degan.”
Waxay seegtay in mustaqbalku la’aantii, aanay saadaalin karin waxay mudan doonto. “Mustaqbalkaygu wuxuuu u muuqdaa mid dumay, ninkaygii xabsi ayuu ku jiraa afar sannadood,” ayey tidhi, iyadoo intaa raacisay, “Waxa haysata dhibaato caafimaad oo ay ka mid yihiin dhabar-xanuun iyo dhaxan”.
Casiiso oo wareysiga ku soo saartay jumlad aa hore loo aqoon ayaa tidhi, “Kanada waa meel wacan, laakiin xukuumaddu waa mid xun.”
Gabadhan 24 jirka ah oo soo gaadhay dalka Kanada March 2010, ayaa sheegtay inay ka baqo qabtay in xukuumadda Itoobiya ay ka qabato dalka Kenya, iyadoo uu Said Maktal ku cadaadiyay Ottawa in loo ogolaado fiise laba sannadood ah. “Maxaa qofna runta iigu sheegi waayey,” ayuu sheegay Makhtal inay weydiisay,  “Ama ay isku deyeyaan inay Makhtal dib ugu soo celiyaan Kanada, ama halkaa ku caawiyaan, miyaanay ahayn su’aal macquul ah,” ayuu yidhi.
Makhtal, oo ganacsade ka ahaan jiray Toronto, ayaa la sheegay inuu dib ugu soo noqday Afrika sannadkii 2002, isagoo ganacsiga huudhaydhka ka samaystay dalka Jabuuti, balse waxay xukuumada Itoobiya xabsiga u taxaabtay sannadkii 2006 bishii December, xadka Kenya, ka dib markii baasaboorkiisa Kanadiyaanka la iska tuuray, waxaana loo soo gudbiyey Itoobiya Jan. 20, 2007, isagoo diyaarad khaas ah lagu keenay.
Casiiso ayaa intaa raacisay, in bilowgii anay saraakiisha Kanadiyaanku helin halka uu ku jiro makhtal iyadoo Itoobiyaanku beeniyeen inay hayaan, balse waxa lagu xukumay inuu falal argagagxiso samaynayey sannadkii 2009, isla markaana xabsi daa’in loo diray.
Mudddaii uu xidhnaa ayey Casiiso sheegtay in loo sheegay booqashada wasiir ka socdau kanada John Baird oo sheegay inaanu muskilad qabin Makhtal, isagoo raaciyey in isaga iyo xukuumada kanada aanay filayn inuu denbi leeyahay, ayey raacisay inuu sheegay inay weydiisan doonaan Itoobiyaanka inay soo daayaan ama u soo wareejiyaan Kanada. Laakiin, xilligan oo sagaal bilood laga joogo ayaan weli wax jawaab ah inay soo wareejinayaan laga hayn, ama cafiyayaan.
Siciid Makhtal ayaa isagu sheegay in xukuumada Kanada ay fursad iska lumisay ay kaga codsan lahayd Raysal-wasaare Meles Zenawi siidaynta Makhtal xilligii uu socday shirkii G20 iyo G8 ee June lagu qabtay Toronto.
Saciid Makhtal ayaa sheegay in Makhtal laga dhigtay wax lagu baayactamo, iyadoo xukuumada Itoobiya muddo raadinaysay sidii ay diyaaradaheedu u iman lahaayeen Kanada, taaasoo dhowaan loo ogolaaday iyo weliba mucaawinooyin inay helaan, iyadoo garyaqaan Waldman raaciyey, “Itoobiyanka ayaa u doonaya Bashiir inay dhabarka kaga jebiyaan jabhada Soomaalida ee joogta gudaha, laakiin markii ay arkeen Kanada oo doonaysa siidayntiisa waxay sidoo kale dooneen inay ku qorgortamaan.”
Talaabooyin lagu doonayo in lagu soo daayo Makhtal ayaa weli socda, iyadoo bisha January 20-keeda, 2011 shir jaraa’id laga qaban doono arrimo ku saabsan Mr. Makhtal. Sidoo kale, xildhibaan magaciis la yidhaahdo Paul Dewar, ayaa la sheegay inuu qoraal u gudbiyey wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya uu kaga codsanayo siidaynta Makhtal, iyadoo xukuumadda Kanada ku celisay in arrinkani muhiimada koowaad u leeyahay.
Holland: “Baadhitaankii Booliska ee Soomaalida la qabtay wax cad laguma hayo”
Hague, 28 December, 2010(Ogaal/AFP)- “Shan ka mid ahaa kooxdii maaha kuwo ku eedaysan falalkii Argagaxiso,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal Xeer-ilaalinta Holland ka soosaartay 12 qof oo Soomaali ah oo todobaadkan lagu xidhay dalkaas.
Siday faafisay wakaalada AFP, nin u hadlay xafiiska xeer-ilaalinta Holland, ayaa sheegay Axadii in 12-ka Soomaalida lagu eedeeyey falalkii Argagagxiso aan loo arkin eedeysaneyaal. Raga ayaa laba ka mid ah waxa la sheegay inay siteen ogolaansho degenaansho Holland, halka saddex ka mid ahna ay siteen degenaansho Danish ah, ayaa lagu sheegya qoraalkaa.
12-ka eedeysane waxa laga qabqabtay magaalada dekeda ah ee Rotterdam Jimcahii, ka dib markii ciidanka nabadsugidu ku soo sheegeen inay qorsheynayeen inay weeraro argagaxiso ka fuliyaan dalka Netherlands. “Baadhitaanadii Booliska ayaan lagu sheegin inay ka qaybqaadanayeen dembi ciqaab lagu mutaysan karo,” ayuu yidhi xeer-ilaaliyuhu.
Todobadii kale ee hadhay ayaa la sheegay inay ku negaanayeen xabsiga ilaa isniinta soo socta, sida lagu sheegay qoraalka, markaa oo xeer-ilaalintu dib u codsan karaan in loo kordhiyo xilliga ay haynayaan

0 comments:

Post a Comment