Hargeysa(BCT)- Afar ayay dhaawacyo ka soo gaadheen shil gaadhi oo ka dhacay meel u dhexaysa Magaalada Balli-gudbadle iyo Tuulada Maygaagta ee gobolka Hawd, iyada oo hada dhaawaca lagu daawaynayo cisbtaalka Magaalada Balli-gubadle.
Shilkan oo galabta dhacay ayay dadka dhaawacyadu soo gaadheen ay isugu jiraan saddex nin iyo gabadh, kuwaasoo ka qaygalay ololihii talaalka carruuta ee ka socday dalka, waxaana la gadoomay gaadhi noociisu yahay Surf oo ku soo jeeday Magaalada Hargeysa
Mida ka mida dhaawaca ayaa la sheegay in dhawaaciisu yahay halis, kaasoo la filayo in loo qaadi doono cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

0 comments:
Post a Comment