Friday, December 31, 2010

Jacaylku Indho Ma,laha Culimada Seyniska oo Daraasad Cusub Ku Sheegay Sida Jacaylku Aanuu Indho u Lahayn

LONDON(BCT)- Jacaylka ayaa dadku had iyo jeer ku sheegaan inuu indha la,yahay oo qofka wax jecel aanuu arag ceebaha qofka uu jecel yahay hadaba koox culimo ah ayaa baadhitaan cilmiya ku sheegay arintaa iyo sida ay ku timaado,


Khubaro ka tirsan jaamacada  COOLIDGE  UNIVERSITY OF LONDON ayaa daraasad cilmiyeysan ku sheegay in jacaylku indho la,yahay culimadan oo aad u baadhay isla markaana isku hawlay jacaylka iyo arimihiisa ayaa waxay cilmi baadhistan ku ogaadeen in qeybta maskaxda u qaabilsan inay sheegto ama aragto xumaanta ay gabi ahaanba shaqada joojiso marka uu qofku eegayo qof uu jecel yahay isla markaana aanay u muuqaneyn ceebta qofkaasi,
Culimada ayaa waxay sheegeen in qeybtan oo maskaxda nidaam ahaan u qaabilsan inay aragto xumaanta iyo khaladka qofka ay markii lagu eegay sawiro kumbuyuter ah ay joojinayso shaqada. qeybtan ayaa waxa ay raad ku leedahay jacaylka hooyada ee ay u hayso ilmaheeda iyadoo la og yahay in hooyadu ay ilmaheeda mar walba u haysato inuu sax san yahay ama aanay arag ceebihiisa,
Dr:ANDRIAS BARTLIS oo kamida khubaradii arintan baadhay ayaa sheegay in jacylka uu qof u hayo qof kale ay ku leedahay maskaxda raad wey oo biology (bay oloji) ah iyadoo maskaxda qofka wax jecel aanay tuseyn jacaylkiisa ceebta uu leeyahay waxaana dhacda in hadii la weydiiyo qof wax jecel sababta uu u arki la,yahay khaladaadka uu sameynayo qofka uu jecel yahay uu kuugu jawaabo muxuu sameeyey isagoo sida runta ah aanay u muuqan xumaantiisu,
Dr.BARTLIS ayaa sheegay in aanay jirin qof wax jecel oo naftiisa khilaafaya isla markaana runta u sheegaya isagoo cadeynaya khaladka ama ceebta qofka uu jecel yahay. sababtoo ah qofkan waxaa ku duuban raali ahaansho iyo inuu ku faraxsan yahay aragtida qofka uu jecel yahay. isla marka uu qofkaa arkana waxaa shaqeynaysa qeybta maskaxda u qaabilsan farxada iyo raali ahaansha ah. taas ayaa keenta xitaa inaad aragtid qof uu ka cararayo qofkuu jeclaa oo had iyo jeer raadinaya. qofkaa wax jecel oo aan u jeedin xitaa hadii qofka uu jecel yahay ee ka cararayaa uu ku yidhaahdo hadalo xun xun oo sharaftiisa wax u dhimaya,
DR:Bartlis ayaa intaa ku daray in qofka wax jecel uu u arko qofka uu jecel yahay qeyb naftiisa ka mida isla markaana sida qofku aanuu u arkeyn ceebtiisa ayaanuu u arkeyn ceebta qofka uu jecel yahay maadaama uu yahay qeyb naftiisa ka mida iyadoo baadhitaankii lagu sameeyey maskaxda dadka ay cadeysey arintaa iyo in aanay shaqeyn qeybta maskaxda u qaabilsan inay aragto ceebaha iyo khaladaadka
,

0 comments:

Post a Comment