Sunday, December 12, 2010

Garab ka Mid ah Ururka Haweenka NOW ee Gobolka Togdheer oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Xadhiga Haweenay ay Ciidamada Boolisku Maanta Xabsiga u Taxaabeen

Burco-(BCT)-Garab ka tirsan labada Garab ee Ururka haweenka NOW ee Gobolka Togdheer oo iyagu dhawaan ku kala qaybsamay doorashada hogaanka cusub ee ururkaasi ayaa maanta ku tilmamay wax laga xumaado xadhiga ay Xukumadu kula kacday marwo Quraysh oo iyada  ah mid ka mid ah labada  hogaan ee cusub ee  laga kala dhexdoortay  gudaha Ururjka NOW.

“Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Gobolku ay u kala eexdaan labada hogaan ee laga dhexdoortay ururka NOW haweenaydan la xidhay anaga ayaa codkayaga ku dooranay may iska imanin meesha maamulka gobolkuna waxa haboonayd inay isku dayaan sidii ay muwaadiniita madaxda looga dhigay ay cadaaalad ugu qaadi lahaayeen taas oo la weydiinayo maalinta Aakhiro”
Taasi waxay ay ahayd Nuura Cali Maxamed oo ka tirsan Garabka ay Hogaamiso Marwo Quraysh Jaamac Cumar oo ka hadalat cadaalad daro ay sheegatay inuu kula kacay maamulka Gobolka Togdheer.

Xadhiga haweeynaydani ayaa saaka lagu war helay ka dib markii ay ciidamada Boolisku ay gurigeeda ka soo qabteen  kuwaasi oo sheegay in inuu soo dacweeyay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waa sida ay noo xajiiyeen qaar ka tirsna haweenka ka soo jeeda garabka ay hogaamiso marwo quraysh Jaamac Cumar oo iyadu ka mid ah labada garab ee isku haysta hogaaminta ururka haweenka NOW.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano arintani iyo eeda loo soo jeediyay xukuumada ayaan waxaan al xidhiidhnay Gudoomiyah Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi oo isagu waqtigaasi qaban wayay talafoonkiisa gacanta oo aanu kula xidhiidhnay.

Khilaafkani iyo xadhiga lagula kacay Marwo Quraysh ayaa salka ku hay khilaaf  ba’an oo ka dhex dilaacay gudaha Ururka NOW oo ay sheegeen garab ka mid ah labadani garab in la siyaasadeeyay waa siday hadalkooda u dhigeene nidaamka loo mari jiray hdoorashada hogaanka Ururkani.

Haweenka Gobolka Togdheer ayaa iyagu in mudo ahba ka ladnaa khilaafka dhexdooda iayadoo aanay hore u dhicin isqabqabsi iyo xadhig lagu kaco qaar ka tirsan hoyooyinkaasi balse arintani ayaa ah mid hortaal maamulka Gobolka Togdheer sidii ay uga qaadan lahaayeen Go’aan casd oo ku aadan kala jidaynta Labada Hogaan isla waqti isku mida loo doortay hogaanka Ururka Haweenka ee NOW.
 

0 comments:

Post a Comment