SWEDEN(BCT)- Wakiilka Somaliland ee Sweden ayaa maanta bisha kowda december 2010 ku soo dhaweeyey magaalo madaxda Sweden ee Stockholm mudane Xaaji Mohamed Saciid Ducaale, Ku magac dheer Dahabshiil. Kulankaas waxa goob joog ahaa Xildhibaan Amir Adan oo ku jira Barlamaanka Sweden(conservative Party), Mohamud Sh Ibrahim iyo Jamac Mohamed Aden, Dahabshiil Sweden, Mohamed Bashe Xaaji Hassan, Dahabshiil London iyo marti sharaf kale.
Wakiilku waxa uu uga waramay arrimo ku saabsan baayacmushtarka iyo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeye Sweden iyo Somaliland. Xaaji Mohamed Saciid Ducaale, Dahabshiil. Waxa uu ka waramey ujeedada socdaalkiisa iyo in uu jecelyahay in uu ka shaqeeyo xidhiidhka baayacmushtarka ka dhaxeeya Sweden iyo Somaliland. Xildhibaan Amir Adan ayaa isna soo dhaweeyey wefdiga una sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa maagelinta shirkadaha Sweden ay ku sameeyaan Somaliland.
Kulankaasi waxa uu ka dhamaadey qado sharaf iyo is afgarad.
Mohamud Sh Ibrahim Stockholm Sweden


Thursday, December 02, 2010
Aamiin Hassan Daacad






0 comments:
Post a Comment