![]() Qaraxaan ayaa wararku sheegayaan in qof aan la garanayn uu ku soo tuuray bambo gaadhiga ay saarnaayeen booliska, halka warar kalena sheegayaan In Qaraxu ka dhex qaraxay Booliska gaadhigaa watay. Booliska Kenya ayaa bilaabay baaritaan ay ku ogaanayaa wixii meesha ka dhacay. Gaarigii qarxay ayaa wali yaala goobtii uu qarax ka dhacay. Dadweynaha ku nool xaafadda Islii ayaa ka cabsi-qaba in qarxaan maanta dhacay uu dhibaato u soo jiididoono ayada oo laga yaabo in ciidamo badan lagu soo daadiyo xaafadda Islii halkaasna ku xirxiraan dad badan oo isugu jira wax sharci leh iyo kuwa aanan sharci lahayn. |
0 comments:
Post a Comment