Wednesday, December 01, 2010
Aamiin Hassan Daacad
Hargeysa (BCT)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayuu hadheeyay muran ka dhashay mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo shir-gudoonka Golaha Wakiilada , taasoo keentay in muran gacan ka hadli uu dhexmaro qaar ka mida mudanayaasha Golaha.
Fadhiga maanta ee Golaha waxa shirgudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax iyadoo mooshinka maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada ay soo gudbiyeen xildhibaano tiradoodu ay dhantay 32 mudane, mooshinkaas oo la doonayo wax ka bedel in lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha iyadoo sharcigani haddii la meelmariyo uu saamayn ku yeelan doono nidaamka xilka qaadista Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada.
Mooshinka waxa Golaha Hadheeyay Buuq iyo Muran xoogan oo ka dhashay diidmo uu diiday Mooshinkaasi inuu qabto Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo Guddoominayay Fadhiga Maanta waxaanu buuqaasi sababay in uu xidho Shira isla markaana Dibeda uga baxo Golaha isaga iyo Xildhibaano ka mid ah Goluhu, hase yeeshee muddo kabacdi ayuu Golaha Dib u furay, waxaanu ka qabtay Mudanayaashii Mooshinka watay Mooshinkoodii isagoo cayimay fadhi danbe in la iskugu soo noqdo Axada Toddobaadka soo socda.
Mooshinka ay mudanayaashu soo hordhigeen Golaha oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan:-
Ujeedo: soo jeedin
Anagoo kala ah Mudanayaasha ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, anagoo tixraacayna Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobada kala ah 45aad, 49aad, 50aad, 53aad,
anagoo Cuskanayna Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda Qodd. 37aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad oo muujinya in mudanayaashu xaq ay u leeyihiin inay Golaha soo hordhigaan soojeedimo (Motions), Haddii tiradoodu ay dhan tahay 11 isla markaana ay soojeedintu qoraal tahay.
Anagoo ogsoon in Golaha Wakiiladdu uu ka baaqday gudashada in kabadan waajibaadkiisa iyo xilalkiisii Distooriga ahaa iyo waxqabadkii uu ka sugayay dadweynuhu,
Anagoo aqoonsam in Xeer Hoosaadku yahay furaha ama qalabka sharciyadeed ee ugu muhiimsan xil gudashada iyo fulinta hawlihiisa.
Anagoo garawsan in Xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda loo Ansixiyay shan sano ka hor si qarbo-qarbo ah.
Anagoo ogsoon in mudadii uu Goluhu furnaa aan wax isbedel ah lagu samayn, iyadoo loo baahnaa in waayo aragnimo iyo khibradii golaha lagu buuxiyo xeer hoosaadka.
Anagoo ogsoon in mugdi iyo muran badani ka dhashay Xeer hoosaadka mudadii uu golahani furnaa taasina ay carqalad ku noqotay xilgudashadii Golaha.
Kadib markii ay soo baxeen galdaloolooyin farabadan oo Xeer hoosaadka ka muuqday oo u bqaahan in la daboolo.
Anagoo aqoonsan in qoddobo ka mid ah Xeer hoosaadku ay ka soo horjeedaan Distoorka iyo Mabaadiida Aaasaasiga ah ee Dimuquraadiyada
Anagoo ka niyad xun habdhaqanka kaas oo hoos u dhigay magacii iyo karaamadii golaha iyada oo ay gaadhay in mudanayasha laga baahiyo warbaahinta kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga golaha
Anagoo ogsoon in fadhiyada goluhu marar badan u furmi waayeen kooram la’aan iyadoo mudanayaal badani Caasimada ku sugan yihiin
Anagoo ogsoon inay jiraan Xildhibaano Golaha ka maqan muddo dheer oo gaadhaysa sanado, iyadoo aan laga qaadin wax talaabo ah Golahana aan la ogaysiin sababaha ay ku maqan yihiin
Anagoo ogsoon inay marar badan fadhiyada goluhu u baaqdaan, ama u furmaan si sharci daro ah, oo aan waafaqsanayn Distoorka iyo Xeer hoosaadka Golaha, taas oo mararka qaarkood fadhiyada golaha lagu baajiyo fariin telefoonada loo mariyo, halka uu sharcigu dhigayo in dibu dhigada fadhiyada lagu meel mariyo go’aan gole.
Anagoo ka duulayna mabaadiida Dimuquraadiyada ee Aasaasiga ah sida wada xisaabtanka iyo Daah furnaanta( Transparency and Accountability), waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa:-
A) in wax laga bedelo qoddobada Xeer hoosaadka ee soo socda
1.qoddob 12 faqrada 2aad oo u qoran sedan:-
Musharixiinta u tartamaya Guddoomiyaha iyo ku xigeenada Golaha cusub, jago kasta waa inaanay ka badnayn sadex xubnood oo ku yimaada soo jeedinta Mudanayasha sadexda Xisbi Qaran oo si Dimuquraadi ah uga soo tartamaya Xisbiyada Dhexdooda.
Waxaanu soo jeedinaynaa in loo bedelo sedan:-
Musharixiinta u tartamaya jagada banana ee shirguddoonka waxay mudanayaashu si Dimuquraadi ah ugu tartamayaan Golaha dhexdiisa jago kastana waxa u tartami kara hal Mudane iyo in kabadan.
2. qoddobka 16aad faqradiisa 1aad oo u qoran sedan:-
Waxa xubin kasta oo shirgudoonka kamid ah xilka laga qaadi karaa marka ay soo jeediyaan 27 xubnood, 55 xubnoodna u Codeeyaan xil ka qaadistooda marka laga reebo xubnaha banaanka shaqadooda laga baahiyay, waxa shirguddoonka waajib ku ah marka mudanayaasha tiradoodu kor ku xusan tahay ay qoraal ugu keenaan soo jeedintooda inay codayn u mudeeyaan iyaga oo u qabanaya muddo aan ka badnayn sadex maalmood oo shaqo kana yarayn 24 saacadood.
Waxaanu soo jeedinyanaa in loo bedelo sidan:-
A) xilka qaadista Shirguddoonka waxa soo jeedin kara 27 mudane
B) shirguddoonka waxa waajib ku ah marka ay mudanayaasha tiradoodu kor ku xusan tahay ay qoraal ugu keenaan soo jeedintooda inay codayn u mudeeyaan, taas oo ah ugu badnaan sadex maalmood isla markaana aan ka yarayn 24 saacadood.
C) Xilka qaadista xubnaha shirguddoonku waxay ku ansaxaysaa marka ay codeeyaan ugu yaraan 42 mudane (Absolute majority)
3. isla qoddobka 16aad faqradiisa 4aad oo u qoran (xil gudasho la’aan joogto ah),
waxaanu soo jeedinaynaa in loo bedelo sidan:-
xil gudasho la’aan joogto ah taas oo ku imanaysa ka maqnaansho Golaha 20 fadhi oo isku xiga Idan la’aan, waxa kale oo aanu soo jeedinyanaa in Faqradaha B, T iyo J ay kala noqdaan 5, 6 iyo 7.
4. waxaanu soo jeedinaynaa in meesha laga saaro Qoddobka 17aad, faqradiisa 1aad
5. waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa in qoddobka 33 aad Farqadiisa 6aad oo u qoran sidan:- Shir guddoonku ma fasixi karo 15 xubnood wax ka badan Hal fadhi kasta, haddii aanay Duruufi khasbin.
Waxaanu soo jeedinaynaa in loo bedelo:-
A) shirguddoonku wuxuu Kal-fadhi kasta fasixi karaa ugu badnaa 15 xubnood wixii intaa ka badan Golaha ayaa Ogolaansho loo weydiinayaa
B) fasaxa ugu badan ee shirgudoonku bixin karaa waa Hal kalfadhi ( Sideed Toddobaad), wixii intaa kabadan Golaha ayaa Ogolaansho loo weydiinayaa.
6. qoddobka 37aad, farqadiisa 6aad oo u qoran sidan:- shir guddoonku wuxuu soo hordhigayaa soo jeedinta Golaha haddii aanay soo jeedintu ka hor imanayn Distoorka Shurrucda Dalka ama Xeer hoosaadka Golaha, kadibna wuxuu ogolaanayaa in laga dodo.
Waxaanu soo Jeedinaynaa in lagu bedelo sidan:-
Waxa waajib ah in shir-guddoonku soo jeedinta soo hordhigo Golaha go’aan ka gaadhista soo jeedinta waxa iska leh Golaha, in laga dodo iyo inaan laga doodin, isla qoddobka 37aad farqadiisa 6aad oo sidan u qoran:- Haddii ay muuqato inaanay soo jeedintu waafaqsanayn Distoorka ama Shurrucda Dalka ama Xeer hoosaadka Golaha loo qaybin maayo Golaha, lagana Doodi maayo. Waxaanu soo jeedinaynaa in meesha laga saaro.
Waxa kale oo aanu soo jeedinaynaa
C) in lagu daro Xeer hoosaadka qodobada soo socda:-
1. Qoddobka 13aad, waxaanu soo jeedinaynaa in lagu kordhiyo farqada soo socota oo noqonaysa farqada 1aad una qoran sidan:- awooda ugu saraysa ee Golaha Wakiiladdu waa fadhiga Gola weynaha “Assembly”.
2. fadhiga Gole weynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka bedelo ama laalo qoddob ama qoddobo ka mid ah Xeer hoosaadka Kal-fadhi kasta oo loo baahdo
Allaa Mahad leh
Ka hor intaan Golaha la xidhin waxa mid mid u akhriyay Mudanayaashii Mooshinka saxeexay Xoghayaha Golaha Wakiiladda Somaliland.
0 comments:
Post a Comment