Tuesday, November 2, 2010

Wefti Ka Socda Dawlada Sweden Oo Maanta Somaliland Safar Ku Yimi + Kulan Ay La Yeesheen Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (burcotoday)- Weftigi ka Kooban Affar Safiir oo ay Hogaaminayso Ambassador Ann Dismorr kana dawlada Sweden, ayaa maanta safar ku yimi Somalilad, isla markaana waxa ay kulan lee yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa.

Weftigan oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal Inernational Airport ee magaalada, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyeen Wasiiro iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Silaanyo. Weftigan oo Madaxweyaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadiisu ay kulan kula yeesheen Hotel Ambasador, ayaa kulanka dhex-maray waxa lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ), waxaana uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Maanta Hotel Ambassador kula Kulmay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dawlada Sweden. Weftigan oo ka Koobnaa Affar (4) Safiir oo ay Hogaaminayso Ambassador Ann Dismorr, waxa uu Madaxweynuhu uga waramay xaalada Guud ee Nabadgelyo, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Somaliland Madaxweynuhu waxa uu Weftigan uga Waramay Taariikhda Dalka iyo Heerarkii uu soo maray Dalku oo dhan. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga Mahadnaqay Ujeeddada Socdaalkooda oo ah in ay u kuur galaan Baahida Horu-mar ee uu dalku Qabo iyo Kaalinta ay Dawlada Sweden ka geli karto. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga Xaal waramay Halka ay Haatan marayso Somaliland, Dadaalka ay la timid iyo Baahida ay u qabto Gacan qabashada Beesha caalamka.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu uga waramay Weftiga Xidhidhka ay Somaliland la leedahay Wadamada Gobolka oo uu sheegay inuu yahay Xidhiidh aad u wanaagsan isla markaana ay Wadamadaa iyo Somaliland Dhinacyo Badan iska kaashadaan oo ay ugu muhiimsan yihiin Adkaynta Nabad gelyada Gobolka iyo Ganacsigu. Weftigan oo Somaliland ku jooga Booqasho laba maalmood qaadanaysa ayaa Madaxweynaha iyo Somaliland ku Boogadiyey Heerka ay Maanta Joogto Somaliland Hanaanka Dimu-quraadiyada ee sida wanaagsan uga Hir-galay, Nabad-gelyada iyo Dedaalka ay ku xaqiijisay inuu dadku wax qabsan karo waxaanay Sheegeen in ay Dawlada Sweden diyaar u tahay in ay Somaliland wax kala qabato dhinacyo badan oo Horu-marka ah sidaa Awgeedna uu Weftigoodu halkan u yimid inuu u kuurgalo Dhinacyada ay Dawladoodu ka caawinkarto Horu-marka Somaliland ka socda.
Weftigu inta ay dalka joogaan waxa ay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha Maaliyada, Qorshaynta, Khaarajiga, Madaxda Xisbiyada Siyaasada, Baarlamaanka, Ururada Saxaafada Madaxa Baanaan iyo Hay’ado kala Duwan Dhinaca Somaliland Waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka JSL, Wasiirada Arrimaha Debeda, Qorshaynta, Warfaafinta iyo Maaliyada iyo Duqa Caasimada Xubnaha Weftiguna waxay kala Ahaayeen Sidan
:- Ambassador Ann Dismorr Head of the Swedish Mission in Kenya Ambassador Marika Fahlem Special Envoy for the Horn of Africa Ambassador Ms. Elisabet Hedin In Charge of Development Cooperation to Somalia Ambassador Joran Bjallerstedt Special Envoy for to the Somalia process Embassy of Sweden, Nairobi.” C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

0 comments:

Post a Comment