Tuesday, November 2, 2010

Faallo:Maxaa u Qabsoomay Xukuumada Cusub? Maxayse ku Guul Daraysatay Mudadii 3da Bilood ahayd ee ay Xilka Haysay?,By: Wariye. Maxamed Cawed Maxamed

Sida aynu wada ogsoonahayba waxaa 3bilood jirstay xukuumada cusub ee dhawaan ay dadka reer Somaliland Doorashadii 26june sida xalaasha ah dalka uga dhacday ay u soo doorteen hadaba waxaa isweydiin leh maxaa u qabsoomay xukuumada cusub maxayse ku guuldaraysatay mudadaasi kooban ee ay xilka haysay?

Maxaa u Qabsoomay Xukuumada Cusub?
Xumaaa cusub ee dalka ka hana qaaday waxay dedaal xoog leh u gashay isla markii ay xilka la wareegtayba inay soo dhisto dawlad tayo leh waxaanu madaxweynuhu soo dhisay gole wasiir oo uu u xushay inay yihiin kuwo dalka wax u qabankara ,waxaanay wasiiradaasi xilka kala wareegeen wasiiradii hore ee xumadii Daahir Rayaale Kaahin waxaanu wasiir Waliba Dedaal u galay sidii uu u tayeen lahaa wasaarada uu xilkeeda Qaaday.
Aan ku horayno waxyaabaha Dawlada u qabsoomay Dhanka Maaliayada Xukuumada cusubi waxa ay ka dhaxashayh xukuumadii ka horaysay Dayn aad u tira badan oo ay kala wareegatay iyada oo xukuumadu taas ka duulayso waxa ay dedaal xoog leh u gashay sidii ay u dhisilahayd kaabayaasha dhaqaalaha waxaanay isla Bishii u horaysayba ku guulaystay in Mushaharooyinkii siiyaan Shaqaalihii Dawalada oo aan wax mushahar ah qaadan mudo ku siman 4bilood taasina waxa ay noqotay guushii u horaysay ee ay dawladu ku soo bandhigtay rabitaankeeda wax qabad iyo midhihii isbedela ay ku baaqijirtay.
Hadii ay nu eegno dhanka cashuuraha waxa ay Dawladau keentay nidaam ka duwan kii hore iyada oo wasaarada Maaliyadu awood u yeelatay markii u horaysay in cashuurta iyo Dakhliga wasaarad la mid ah iyada lagu soo xereeyo taas oo markii ugu horaysay Somaliland ka hana qaaday waxaana tusaale u ah in wasaarada Duulista iyo hawada cashuuraadka iyo bajadka ka soo xerooda ay tos ugu xeroodaan Wasaarada Maaliyada.
Dhanka Siyaasada Arimaha Dibeda waxa ay xukuumada Cusub la timi ajandayaal cusub oo ay ugu diyaargaroowaday sidii ay u tayeen lahayd siyaasada arimaha dibeda iyo xidhiidhka wadamada caalamaka waxaana dalka yimi mudadii 3da Bilood ahayd ee xukuumadu xilka haysay weftiyo kala duwan oo ka kala Socday Wadamada Caalamaka kuwaasi oo rajiweyn ka muujiyay sidii ay wax ula qaban lahaayeen xukuumaada hada jirta.
Dhanka Nadaafad iyo Bilicda waxa at Xukuumadu dalka ka hirgelisay maalinqaran oo lagu nadiifinayo Goblada taasina waxa ay keentay in ay soo baxaan bilicda magaalooyinka waaweyn ee dalku .
Geesta kale waxa ay Xukuumadu ku gulaysatay inay dib u furto madaarada Boorama iyo Burco walaw aanay xilgani madaarka Burco oo kale ka bilaabmin hawsha loo furay balse ay dadku ka sugayaan xukuumad furtaye waxqabdkiisa iyo sidii ay shariikadaha diyaaradaha ugu fududaynlahayd isticnaalka Madaarkani.
Waxqabadadaas iyo kuwo kale ayaa la xusi karaa in xukuumada hada jirtaa ku talaabsaday mudadii 3da bilood ahayd  ee ay xukunka haysay.
Maxay Xukuumadu Ku Guul Darystay inay Wax Ka Qabato?
Xukuumada hada jirtaa intii ay xilka haysay oo ku siman 3bilood waxyaabah ay sida weyn ugu guulaydaraysatay waaxa ka mid ah:
Dhaka Amaanka xiligii ay xukuumadii hore talada dalka wareejisay waxa uu ahaa mid meel wanaagsan marayay balse mudadii 3bilood ahayd ee xukuumda  cusubi xilka haysay waxa ku timi khalkhal dhanka amaanka ah dhacdooyinka Foosha xun ee cadawga Somaliland Soo Maleegeen ee Dhacayna waxaa ka mid ahaa:
1-In Xeebaha  Galbeed Somaliland ay ka soo degaan Ciidan iyo hub aad u tira badan oo duulimaad ku ah wadan ka mid ah wadamada aan jaarka naahay kan mid ah wadamada ay xukuumad walba oo Somaliland soo martaa ay ku dedaasho sidii ay uga helilahayd Taageero aqoonsi waa dawlada  Etoobiyee taasina ay noqtay markii horaysay ee ay soo baxday sida hayadaha amaanka ee xukuumada cusubi uga gaabiyeen dhanka amaanka.
2-in Ciidamada Amaanku ay ku guuldaraystaan inay amaanka gobolada ay aad u adkeeyaan tusaale ahaan ciidamada Boliska Gobolka Togdheer waxa ay gacnta ku dhigeen nin sita Shandad huba damacsanan inuu hagardaamooyin u gaysta qarnakini Dhisani nasiib daro waxa uu ninkaasi awood u yeeshay afaafka hore ee saldhiga dhexe ee Burco inuu kaga baxsadao ciidmada Booliska oo waqtigaasi hoganaayay Saldhiga Dhexe iyo agagaarkiisa.
3-Falka kale ee naxdinta lahani waxa uu ahaa in isla ninkaasi awood u yeeshay inuu ka baxsado gacanta booliska uu hadana awood u yeesho meel 200 Meter u jirta saldhiga Dhexe ee booliska uu si badheedha ugu toogto muwaadinkii markii hore soo ogaysiiyay  ciidamada ninkani cadawga ahaa.
4-in Waqtiyada Habeenkii xadhig lagula kaco Gobolada Qaarkood sida Togdheer dadka muwaadiniita ah ee  ku sii jeeda guryahooda iyada oo aan lakala hubsan waxa yihiin iyo danbiga ay galeen taas oo dhacday in karaamadii iyo haybadii ay lahaayeen Cuqaasha Gobolka Qaarkood Meel Looga Dhacay.
5-Dhanka Gobolada Brie ee dalka Gaar Ahaan Sool iuo Buuhuudle waxa ka dhacay intii ay xukuumadu xilku haysay weeraro ay soo qaadeen dadka nenceb jiritaanka iyo horumarka balaadhan ee dalku gaadhay kuwaasi oo hagardaamooyin u gaystay Qaranka Somaliland.Dhacdooyinka foosha xumaa ee dhacayna waxaa ka mid ahaa rintii ka dhacday Kantaroolka Oog ee sababtay inay Maleeshiyo Beeleeda la magacbaxaday S.S.C ay 1askari ku dilaan dadkana ay ka qafaashaan taasi o muujisay habacsanan weyn oo dhanka amaanka ah.
Hadii aynu eegno dhanka caadalaad ee xiligani ma xuma hadana waxaa dhacay intii ay xukuumadani xilka haysay fal ka dhacay maagalaada caynaba ee Gobolka Saraar oo lagula kacay 2 haweena oo ka tirsan dadka laga Tirada badanyahay  ee Gabooyaha oo maxkamada Gobolka sarar wax danbiya ku weyday balse maxakamada Dhexdeeda waxyeelooyin loogu gaystay arintaasi oo masuuliyadeed inay qaado ay lahayd xukuumadu balse ka gaabisay.
Ugu Danbaytiin waxayaabaha u qabsoomay xukuumada cusub iyo iyo kuwa dib uga dhacayba waa kuwo loo baahanyahay inay xukuumado kuwaayo aragto si ay u baaabiiso dhaliilaha soo baxaya iyo weliba inay sii baaldhiso Horumarka ay asaaskiisa iminka hayhso oo ah wax lagu Bogaadiyo waxaana la gudboon shacbiweymaha Somaliland Gudo iyo Dibedba inay Xukuumadani ku garabgalaan hawlaha Culus ee loo igmaday iyada oo dhamaanba layska dhaafayo wax kasta oo keeni kara dib udhac amaba wax yeelaynkara qarankani dhisan ee Somaliland.

0 comments:

Post a Comment