Tuesday, November 2, 2010

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Silaanyo Oo Mar keliya Eryey Saddex Agaasime-waaxeed Iyo Xoghayntisii Gaarka Ahayd

Hargeysa (burcotoday)-  Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Somaliland Eng: Xuseen Axmed Ducaale, mar keliya shaqadii ka eryey saddex agaasime-waaxeed oo ka tirsanaa Waaraaradiisa iyo Xoghayntiisii gaarka ahayd.

Tallaabadan uu Wasiirku ku eryey saddexda agaasime-waaxeed, oo aanu weli Wasiirku ka hadal sababta uu eryey, ayaa warar Wasaarada ku dhawdhawi waxa ay tibaaxeen inuu ku eedeeyey inay ku kaceen musuq-maasuq ka dhan ah shaqada Wasaarada, isla markaana ay isu bahaysteen wada-shaqayn hoose oo ku tacaluqda adeegsiga qalabka Wasaarada.
Agaasimayaasha uu wasiirku eryay waxay kala yihiin Agaasimihii hore ee waaxda Macdanta Siciid Maxamed Ducaale, Agaasimihii Waaxda Biyaha C/raxmaan Sh Cali Jawhar, Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Maxamud Xuseen Nuur iyo Samsam Maxamed Cabdi oo ahayd Xoghaynta gaarka ah ee xafiiska wasiirka
Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen in Wasiirku uu Agaasimeyaashaas ku eryey amar Af ka ah ku siiyay Agaasimayaashaas inuu ka qaaday xilalkii ay ka hayeen Wasaaradda meel kale oo uu u bedelayna umuu sheegin.
Ilo wareedyadaasi aanu ka helnay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaasi waxay intaa ku dareen dhamaan Agaasimayaasha cusub ee uu ku bedelay Agaasimayaashii hore inay yihiin reerka uu ka soo jeedo wasiirku, kuwaasoo ah shaqaale cusub oo aan hore wasaaradda uga tirsanaan jirin.
Hase yeeshee war aanu ka helnay wasaaradaasi ayaa sheegaya in uu diiday mid ka mid ah Agaasimayaasha cusub ee la magacaabay xilka Waaxda Macdanta kaasoo sida la sheegay wasiirku markii danbe kula soo gal-gashay inuu Agaasimihii hore si ku meel gaadh ahaan u sii hayo inta cid kale loo soo magacaabayo.
Xilka qaadista Agaasimayaashaas kasakow waxa uu wasiirku isla shalayba isugu yeedhay dhamaan Hay’adha wada shaqaynta la leh wasaaradda kuwaasoo uu ku Amray inay la shaqeeyaan Agaasimayaasha cusub ee uu magacaabay, waxaanu u sameeyay xaflad ay isku bartaan.
Eriga Agaasimayaashii hore ee Wasaaradda Macdanta Tamarta iyo Biyaha iyo qorista Agaasimayaasha cusub ee Beesha Wasiirka Macdanta ayaa ah mid ka hor imanaya Qorshe uu dhawaan ku dhawaaqay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladu Muxumed Aw Cabdi kaasoo sheegay inaanay dhici doonin in si fudud lagu eryo shaqaale Dawladeed oo aan la marin sifaha lagu eryi karo shaqaale, sidoo kale waxay ka hor imanaysa go’aan uu Guddoomiyuhu ku sheegay inaanay Hay’addha Dawladu qoran karin shaqaale cusub muddo shan iyo Afartan cisho ah.
Sidoo kale Arrintan ayaa ku soo hagaagtay wakhti uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo wasaarada Macdanta Tamarta iyo Biyaha Hoos geeyay wakaaladda Korontada iyo Biyaha ee Dalka kuwaasoo ay ka shaqeeyaan shaqaale badan oo ku firidhsan Goboladda Dalka kuwaasoo halis ugu jira in ay waayaan shaqooyinkooda haddii aan waxba laga qaban hab dhaqanka uu wasiirku kula kacay Agaasimayaashii joogay Xarunta Wasaaradda oo ku taala Albaabka ka soo horjeeda Xarunta Madaxtooyada Somaliland
Talaabadda uu wasiirku qaaday ayaa noqonaysa mid quus ku ridaysa shaqaalaha kale ee wasaaradda oo ay ka mid yihiin Rag Aqoon fiican u leh hawlaha ay wasaaradu u xil saaran tahay ee ay Qaranka Masuulka uga tahay oo ah kuwo daruuri ah oo loo baahan yahay in lagu meeleeyo dadka.

0 comments:

Post a Comment