Tuesday, November 2, 2010

Muqdisho: Raysal Wasaaraha DKM ee Somaliya Oo Loo Dhaariyey Xilka Loo Magacaabay

Muqdisho (burcotoday)- Xaflad si heer a sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha dowladda KMG ah Sh. Shariif Sh. Axmed, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, R/wasaaraha Soomaliya Maxmed C/llaahi Maxmed, Xubna ka tirsan golihii wasiirada, xildhibaano iyo marti sharaf ka kala soocotay qeybaha bulshada ayaa maanta lagu dhaariyay R/wasaare Farmaajo.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay sii hayihii xilka R/wasaaraha C/waaxid Cilmi Goonjeex oo sheegay in ay soo dhaweynayaan golihii hore ee wasiirada R/wasaaraha cusub ayna si dhaw ula shaqen doonaan si loo helo nabad iyo Dowladnimo.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif xasan Sh Aadan ayaa dhaariyay R/wasaaraha oo la marsiiyay Magaca Ilaaheey in uu xilkiisa u gudanayo si daacad ah oo danta Diinta, dadka iyo dalka ku jirto, dhowrayana axdiga iyo shuruucda dalka.
R/wasaare Farmaajo la dhaariayay Maxmed C/llaahi Maxmed Farmaajo oo khudbad kooban ka jeediayay xaflada ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed oo xilka u magacaabay iyo mudanayaasha Baarlamaanka oo siiyay kalsooni si uu howlahiisa u guto, wuxuuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii Dowladda Soomaaliyeed ay si wada jir ah ugu gudan lahaayeen Waajibaadkooda qaran.
Gudoomiyaha barlaanka shariif xasan sh.aadan oo isna jeediyay hadal kooban ayaa R/wasaaraha Alle uga baryay in uu wajibaadkiisa u fududeeyo, wuxuuna ugu baaqay dhamaan qeybaha dowladda iyo bulshada in ay la shaqeeyaan R/wasaaraha si loo gaaro hadafka guud iyo shaqada loo haayo umadda.
Ugu danbeyntii waxaa xafladda ka hadlay madaxweynaha Soomaliya Sh. Shariif Sh. Axmed waxaa uu ugu horeyn u hambalyeeyay R/wasraaha isagoo codsaday in la gacansiiyo, waxuuna madxweynuhu uu sheegay in looga baahan yahay in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaaladda dalka.
Madaxweyne Sh, Shariif ayaa sheegay in ay jirto fursad weyn oo isbadal lagu sameyn karo, taas oo guul u horseedi karta hannaanka nabadda ee dalka.

0 comments:

Post a Comment