Monday, November 1, 2010

Berbera. furikaanka maxjarka indhadeero iyo jawigoodii maanta

Berbera (burcotoday)- Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin sarsare oo uu hogaamimanayo M/wayne ku xigeenka S/land mud. C/raxmaan C/lahi Saylici oo ay ka mid ahaayeen W/Xanaanada Xoolaha Dr.Maxamuud Xaashi Oday W/Ganacsiga C/risaq Khalid Ahmed, Badhasaabka G/sahil Maxamuud Cali Saleebaan, Duqqa Degmeda Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Salaadiin ,Boqorro, Cuqaal, Ganacsato iyo Dadwayne aad u badan.


Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Mayerka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Furitaanka Maxjarkan cusub isagoo sheegay in ay soo dhawaynayaan cidkasta oo maalgashanaysa Magaalada Berbera, sidoo kale Badhsaabka G/sahil ayaa isna sheegay in wax lagu daydo ay tahay shirkada Indhadeero Groub sida ay dalkooda ugu quudheen oo ay u gashadeen Maalkooda, Waxa isna halkaa kahadlay Naasir X.Cabdi Cawad Cali oo ah Masuuliyiinta ugu saraysa ee shirkada Idhadeero Group waxaana uu tafaasiil kabixiyey dadaaladii dheeraa ee ay u soo mareen Maxajarkan hirgalintiisa isagoo tilmaamay in Maamulaha Guud ee shirkada Indhadeero Group Mr.mustafe Cabdi Cawad uu lahaa Fikrada Maxjarkan isagoo hamigiisii kaga midha dhaliyey Hagardaamooyin badan kadib, dhinaca kale mar uu ka hadlayey Maxjarka waxa uu sheegay in laba shirkadood ay maalagashadeen kuwaas oo kala ah Indhadeero Group iyo Prame International Com., waxaana uu sheegay in uu qaadayo Qaybtan imika dhamaatey 250.000 oo adhi ah iyadoo lawado qayb kale oo iyana intan kabadan isagoo intaa ku daray in ay ka shaqayn doonaan shaqaale dhan 450 kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo Ajaanib.

Wasiirka wasaarada Ganacsiga S/land C/risaaq khalid Axmed ayaa isna halkaa ka hadlay waxaana uu sheegay inay u mahad naqayaan shirkadan xukuumaduna ay dhiirigalinayso Ganacsiga xorta ah .
Intaa kadib ayaa wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maxamuud Xaashi Oday
Hadal aad u dheer ka jeediyey, isagoo sheegay in maxjarkan ay saacadaa laga bilaabo maamulkeeda leedahay Dawladuwaxaana uu meesha ka saaray in Xukuumadu aanay marna is hortaagin furida maxjarkan balse ay doonayeen in la sharciyeeyo oo ogolaansho laga soo qaato Wadamada loo iib gaynayo Xoolaha imikana ay soo dhamaatay hawshaasi maanta laga bilaabana uu furan yahay Maxjarkani una furan yahay cidkasta. Waxaana uu tilmaamay in Maxjarkan ay  maamulayso Dawladu cidii lacagi ay ka gashayna loo celin doono mustaqbalka.

Dadka xafladaasi kahadlay oo aad u badnaa ayaa dhamaantood soo dhaweeyey furitaanka maxjarkan cusub iyagoo xusay in uu kani kaw ka yahay isbadelkii dalka kadhacay uuna meesha kasaaray Kootadii.
Ugu danbayn waxa xafladaasi soo xidhay M/wayne kuxigeenka Somaliland Mud. C/raxman C/lahi Ismaacill (Saylici) isagoo u mahadnaqay Shirkadda Indhadeero Group uguna hambalyeey guusha ay gaadheen iyo waliba hirgalinta Maxjarkan Cusub waxa an uu xusay inay xukuumadu marwalba diyaar u tahay dhiirigalinta ganacsatada isagoo muwaadiniinta u soo jeediyey inay ka faaidaystaan maxjarka waxaana ugu danbayntii xadhiga ka jaray Maxjarka cusub. Kuna soo wareegay  qaybaha uu ka kooban yahay Maxjarku sida laabka iyo Xeryahay ay xooluhu ku jiran waxaana uu indhihiisa ku soo arkay boqolaal kun oo adhi ah oo kabuuxay Xeryaha.

Xafladan ayaa ahayd mid meelkasta laysakaga yimi iyadoo xataa lagu soo casuumay warbahinta Caalamiga ha sida Aljazira
Maxjarkan ayaa noqonaya kii labaad ee laga hirgaliyo magaalada Berbera iyadoo uu laba iyadoo uu markii hore dhisnaa mid uu maalgaliyey Ganacsadaha Carbeed ee Aljaabiri




0 comments:

Post a Comment