Monday, November 1, 2010

18 ayaa dhintey,100 ayaa weli la layahay kadib shil dooni ku degtey bariga wadanka HINDIA.

China(OWN) 18 qof ayaa la xaqiijiyey dhimashadooda halka 100 qof oo kalena la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ,kadib shil dooni ku degtey bariga wadanka hindia gobolka west bengal .

“160 qof ayaa saarnaa doonida kadib markii ay ku qalibmatey wabiga MURIGANGA una dhow jasiirada SAGAR ISLANDS shilkanina wuxuu dhacay shaley” sidaas waxa lagu sheegey war kasoo baxay saraakiil police .

qaybo kamid ah ciidamada police-ka,kuwa xeebaha ilaaliya iyo weliba ciidamada bada ayaa loogu dalbey iney cawaayin waxna ka samato bixiyaan hawlgalka ka socda webiga muriganga.
“kooxaha samato bixinta ayaa waxay ka baadhayaan 4 ilaa 5 km bed ku fadhiya halkaas oo mowjada biyuhuna ay aad u sareyso isla markaasna ay ilaalo dheeraad ah ay ka hayaan” saraakiisha police ayaa intaas ku darey hadalkooda.

0 comments:

Post a Comment