Monday, November 1, 2010

Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo Maanta Iska-celiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiilada + Xog-warankiisii

Hargeysa (burcotoday)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxmed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in uu Golaha Wasiirada hor geeyey xeerka wax ka-badalka mushaharooyinka shaqaalha iyo ciidamada  dawlada si ay miisaniyada dawlada ee sanadka 2011 ugu soo daraan kharashaka musharaayinkaa la kor dhiyey.

Wax kale oo uu uu wasiirka Maaliayadu ka hadlay dakhliga ka soo xarooda cashuuraha bariga isga oo arintaas kahadlayana wax uu yidhi “ Marka cashuurta bariga la eego wax dawlada u soo xeroonayey 100%8, waxaanay ahay in taasi ay ugu badnaato, dakadaha waxa ka soo xarooda 100%7,halkaas waxaad ka garanaysaa in wax aad u yar oo cashuur ah ay dalka soo galanaan, taas macneheedu maaha dalku wax soo-saar malaha bad baynu  leenahay xoolo noolbaynu leenahay, macadan baynu leenahay, sidaa awgeed wax laga mar maarmaan ah in aynu mashahariiyinka u kordhino shaqalha dawlada”

Waxa uu intaas ku daray Eng. Maxmed Xaashi “ Ma jirayo  horu-mar inta aan musharka loo kordhin shalahada dawlada, daryeelanaata shaqaaluhu wax sabatay dhibaatooyin badan, waxan aan anigu aamin sanahay in dadka shaqada kuu qabanay in  mushaharka loo kor dhinyo”

Waxa  kale oo uu Wasiirka Wasaarada Maaliyadu ka  hadlay tirada iyo musharooyinka Ciidamada somaliland isga oo arintaas ka hadalanaya waxa uu yidhi “Ciidama arintooda waxa loo saaray Gurdi,  gudidaas ayaa ka soo talo bixinaya, in tiradooda la soo koobo wixii aan shaqayney , shaqalha iyo ciidamada  waxa ku jira siyaado, talada aan anigu soo jeediyey waxay ahay in qofka wax yar ee uu qaatana sika qaato, hadii aanu aqoon lahayna si uu xirfad u soo kor dhisto waxanu u dirney ha’yada shaqalaha dawalada, kuwa  hawl-gabka ahna inta la samaynayo xeerkii hawl-gabka ay iska fadhiistaan intaas yare ee mushaarka ah iska qaataan ”

Waxa kale oo uu Eng.Maxmed Xaashi ka hadalay sidii loo fudaydinlahaa adeega dakada Berbera isga oo arintas ka hadalayna waxa uu sheegay sidan “ Todobaakii hore ayaan magaalda Berbera kula shiray ganacsatada waxana aanu ka wada hadalnay, sii loo furdaydin lahaa shaqada dakada, si ay u muuqato  in dakadeenu  ay la tarranto dakadaha kale, waxa kale oo aanu ka wada hadalaynay in cashuuraha ay ka cabanayaa hadii ay yihiin kuwo dheeraada iyo hadii kalenba in laga wado hadalo,  Waxa kale oo aanu samaynay guddi qiimaysa tacriifada laga qaado ganacasatada ”

Waxa kale oo uu Wasiirka Wasrada Maaliyadu ka hadalay  maciishada iyo Kordhinta Mushaharooyinka shaqalaha iyo ciidamada dawlada waxana uu sheegay sidan “ xaga maciishada waxaan u saaray afar guddi oo kal gaara waxaan u yidhi soo qiimyeea reeka xaaska ah ee dhexdhaxaadka ah inta ay ku noolaan karaan bishii , qiimayna isu dhadahaw ayey keenaay iyada oo mid waliba gaarkeeda u soo samaysay qiimayateeda waxana yidhaadeen waxa ku filan qoyskaas 200$ ,250$ ilaa300$ oo dollar, taasina waxay noqonaysaa sal wax laga bilaabi karo”.

Waxa kale oo uu ka hadalay Wasiirka Maaliada Eng.Maxmed Xaashi, samayta Miisaaniyada waxan uu sheegay in ay samayanata miisaaniyada in u diyaarinayaan si furan oo aan wax qarsoodi ah ahayn, isga oo intaas ku daray in lagu  marti qaadi doono samaynata miisnaayada dhamaan cidii waxa ku soo kordhinaysa.

Wax kale oo uu Wasiirka Maaliydu ka hadalay kulan shex maray isaga iyo mudanayaal ka tirsan Guddida dhaqalaaha ee golaha Wakiilada isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi sidan “ waxa kulanay Mudanayaal ka socday Gudida Dhaqaala ee Golaha Wakiilada waxanu ka wada hadalnay arimo la xidhiidha kor dhinta mushahrooyinka, si fiicana waanu isu afgaranay, waxa jiray warar ay Jaraaidka qaark ka qoreen, arintaas aniguna kama masuul ihi wixii ay Jaraaridku qoreen , waxa ahdii uu wax khalad ahi dhaceen oo ay jiraana xaalbaan ka bixnayaa”

Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadalay hoos u dhaca ku imid lacagata Dollarka waxan uu sheegay in hoos u dhaca doollarka, ay keenatay iibka xoolaha nool oo aad ku badan imka, sidaa  daraadeedna uu dalaka soo galay doollar badan, waxa kale oo uu intaas ku daray Wasiirku in  hoos u dhacaa doolarka iyo sare u kaca ku imid lacagata shillinka ay nasiib daro aanay saamayn maciishada dadka.

Waxa kale oo uu Wasiirka Wasaarada Maalida Somaliland Eng.Maxmed Xaashi Cilmi ka hadalay baadhista uu  wado hanti dhawraha Guud ee Qaranku isago oo arintaas ka hadalayana waxa uu sheegay sidan “ Waxanu dhaxalnay qasnad madhan oo ay ka maqantahay hani aad u badan, arintaas  waa tii guddi loo saaray,  guddidaas oo meelo badan ka kala socotay waxa soo saareen inaan wax lacaga Dawlada lagulahay, iska daa day lagu leeyahee waxa qasnada dawlada ka maqan hanti, meelo badanbaana  laadhayaa waxa ka mida Wasaarada Waxbarashada,Wasaarada Maaliayada iyada waaba labaadhay ,Wasaarada Beeraha ,Arimaha dibada, iyo dhawr haydood oo madax banana, taasina waa arin Hani dhawrka u taala, Dhulbadan ayaa isagana la lunsaday arintasna Guddibaa loo saaray, Waxa aan raga qaar kiis xasuusinayaa raga labaadhayo waxa ka mida Sodogay”

Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu ka hadalay in isaga lagu xanto in uu yahay nin gacan adag waxan uu sheegay sidan “ waaata la yihdaa ina Xaashi wax ma bixiyee waxanu bixinay musharkii shaqaalaha Aprl,May,June,July, ogost waxana maanata diyaara musharkii Golah Wakiilada hada Laaluusna ma aha, waxa aanu iyagana Musharhoodiii u dirnay Ciidamdii bariga inataanay bishiba dhamaan, wax bixinta sidaas baanu deeqsi ugu nahay” sidaan waxa yidhi Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng.Maxmed Xaashi Cilmi.

0 comments:

Post a Comment