Monday, November 1, 2010

kooxo dabley ah ayaa 14 qof toogasho ku diley garoon ah kuwa kubada lagu ciyaaro wadanka HONDURAN.

CHINA(burcotoday) Ugu yaraan 14 qof ayaa la diley waxaana diley dabley hubeysan ka dibmarkii ay rasaas ooda kaga qaadeen garoon ah kuwa kubada lagu ciyaaro ,oo ku yaala waqooyiga wadanka Honduran magaaladu lagu magacaabo San Pedro Sula .

“dableydii weerarka soo qaadey oo ku hubeysan qori nooca loo yaqaan RIFELS ayaa gudaha u galey garoon lagu ciyaaraayey kubada cagta kadibna rasaas ooda kaga qaadey dadkii goobtaas ku sugnaa” sidaasna waxa sheegey xukuumada.

“10 qof ayaa isla markiiba qudhu kaga baxdey goobtii toogashadu ka dhacdey ,afarkalena waxay dhintiin intii lagu sii wadey cusbitaalka” waxa sidaana waxa kaloo yidhi ku xigeenka wasiirka amniga Mr Armano Calidonio.
Calidonio wuxuu kalo intaas ku darey iney jiraan dadbadan oo dhaawacmey intii ay toogashadu socotey,qaarbadana xaaladoodu aad u khatar tahay ,mana jiro tiro cad oo lagu sheegi karo inta ay yihiin dadka dhaawaca ah.
wasiirku wuxu sheegey inaan la garaneyn sababta ku kaliftey dableydaas iney sidaas ugu meydhaan dhiiga dadkaas ay xasuuqeen.
Honduras ayaa waxa ragaadiyey kooxo qaswadayaal ah iyo ururo habeysan oo danbiilayaal ah.
bishii hore ayaa koox dabley hubaysani waxay toogasho ku dileen 15 qof warshad sameysa kabaha dacaska ah isla magaaladan ay hada dadka kulaayeen ee San Pendo Sula.

0 comments:

Post a Comment