Sunday, January 30, 2011

SAWIRKA MAANTA. Hargeysa & Kalluunka Maxaa Kalla Haysta Daawo Sawirkan

Sawirka Maanta ee shabakada caalamiga ah ee Burcotoday waa nin Kalluun ku iibinaya magaalada Hargeysa, Ninkan ayaa sida sawirada ka muuqata kaariyoone ku dul iibinaya kalluunkaa oo uu shiillay, Dadka hargeysa oo laga yaabo  badankoodu inaanay aqoon u lahayn Cunida Kallluunka ayaa had iyo jeer ku soo xoomo meelaha kalluunka lagu iibinayo walliba miisaska ama kaariyoonayaasha si ay u iibsadaan,   DAAWASHO WACAN,





Saturday, January 29, 2011

Mudahadaada Iyo Cadha Dadka Reer Masar Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Mudahraayadii Oo rabsahdo Isu Badalay + Mubarig Oo Milatariga Amaray In Ay Farogalin Sameeyaan + SAWIRadii ugu dambeeyey

Qaahira (Burcotoday)- xaalada amaanka iyo daganaansha wadanka Masar ayaa ka sii daraysa kadib mudaharaado xoogan  oo ay dhigayaan boqolaal kun oo qof oo masaari ah mudaharaadadaas ayaa waxa ay isu badaleen rabshado iyo qulqulatooyin ba’an, Madaxweyne Mubaarigna waxa uu  Ciidanka milatariga ee wadankaasi ku armaray in ay faro galin sameeyaan .

Wararka ka imanaya wadankaasi ayaa waxa ay tibaaxayaan in ay mudharaadadii ka socday magaaliiyinka waaweyn ee wanadankaasi sida magaalada Caasimada ah ee Qaahira iyo Caasimada labaad ee Alxecandariya, iyo magalada Zuweis ay sii xoogaynteen isla markaan ay mudaharaadayaa reer Qaahira ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan xaruntii dhaxe ee xisbiga tala ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Munaarig oo ku taalay xudunta Qaahira, isla markaana iyaga oo dab qabad siiyey, waxa kale oo la biliqiqaytay dhamaan wixii agab yaalay xaruntaasi.

Waxa kale oo ay warar sheegayaan in uu Madaxweyne Xusni Mubaarig ku amray ciidanka qalabka sidaa in ay soo fara galiyaan mudaharaadayaa isla markaana ay gacan siiyaan Ciisanka Booliska, meeshana ka saaraan madaharaadayaasha.

Waxana lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Qaahira ciidanka qalabka sida ee milatariga kuwaas oo wata kaarayaasha iyo beebeeyada, ilaayo hada ma jiraan waxa isku dhacyo ah oo dhex maray Milatariga iyo mudaharaadayaasha, waxa ay dadka cabayaa ciidanka milayariga ku soo dhaweeyeen sacab iyo mushxarad.

Mudaharaadayaasha ayaa ay fara cid-yahood waxa kaga baddaaday in ay gacata ku dhigaan xarunta Telefishanka iyo idaacada dhaxe ee wadankaasi, waxa ay qabsadeen albaabka hore ee idaacad halka ay ciidabnka ka soo gaadheen intii anay gacanta ku wadadhigin.

Geesta kalena Mudaharaadayaasha ayaa waxa ay sheegayaan in aanay ka tagayn wadooyinka isla markaana aana joojinayd rabsahadaha ilaayo inta uu is casilayo oo uu xukunka ka dagayo Madaxweyne Xunsi Mubaarig oo mudo 30 sano ah hayey talada wadankaasi.


Kala Soco burcotoday.blogspot.com Warakii ugu dabeeye ee Mudaharaada ka socda wadanka Masar  daqiiqadaha iyo saacadaha soo socda.

“Xukuumada Maanta Jirta Waxa Lagu Dhaliilayaa Mid Is Bar-Bar Socota, Ninka Leh Ma Dulqaadanayo Waxbana Yaan La Iga Sheegin Xil-Qaaday Dhibaatadeeda Ayay Leedahay” Sh. Aadan Siiro

Hargeysa(Burcotoday)- Sh. Aadan X. Maxamuud Xirsi (Siiro) ayaa khudabadii Jimaca ee maanta xukuumadda ugu baaqay in ay la timaado dulqaad, isada oo kalena waxa uu ka hadlay arimo kale oo mihiim ah.

isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaan ugu baaqaynaa in ay dadka daayaan waayo Xukuumaddii hore waxay ku badaleen wixii la qori jiray ee iyagu (Dawladdu) qori jireen ayay maanta dadka ku haystaan wax la yeeli karayo maaha, jaraa’idkii waa Documentary (Kayd) wixii oo dhan waa qoran yihiin Internet-ka ayay ku jiraan ordoo gala Xukuumaddii hore intii aan la badalin wixii la qori jiray, haddii rubuceed la qoro wixii ay qori jireen oo ay xukuumaddu tidhaahdo waanu la dagaalamaynaa adeer waa Contradiction (wax iska hor-imanaya) wixii ay sheegi jireen ayaanay waxba ka jirin, Cumar Binu Khadaab oo taagan ayaa lagu yidhi kuma dhagaysanayn.” 


Sheekhu isagoo ka hadlaaya xadhiga ay xukuumaddu dadka xidhayso wuxuu yidhi  “Qaar baa jira wuxuu iska soo xidhaya oo la leeyahay hebel soo xidh ka fiirsan maayo, kuwaasina waxaan leenahay waar caqli ku dara waa maxay sharciyada qofka lagu xidhayo, dadku way hubaysan yihiin”.


Waxa kale oo uu Sheekh Aadan X Maxmuud intaas ku daray “Xukuumadda waxa laga doonayaa dulqaad sida ay u doonayso in loo dulqaato oo wakhti loo siiyo in ay iyaduna u dulqaadato, xoriyaduna waa in ay xad leedahay shareecada ayaanu ku jirtaa waxaynu ku heshiinayna way ku jirtaa oo xuduud ayay leedahay, dhaliisha waxa keenaya qofka mas’uuliyadda qaada, dawladdana waxaanu leenahay wixiin uruursada, xkuumaddii hore waxay doonaan ha ahaadaane may ahayn function (kooxo) taladooduna meel ayay ka soo baxaysay.”


Mar uu sheeku ka hadlayey Xukuumada maantana waxa uu yidhi “ laakiin xukuumada maanta jirta waxa lagu dhaliilayaa waxaanan u tilmaamaynaa is bar-bar socod ayaa jira, taladana waxaanu leenahay hala ururiyo dadkuna waxqabad ayay doonayaan waad arkaysan masaajidka way wada timo madaw yihiin qof shaqaynayaa ma jiro mudaharaadadaasi maanta ka dhacay caalam al-islaami wax kale maaha baahi ayaa dadkii haysata dadka ku dhex jira ayaanu nahay waliba xaga hoose, busaarad ayaa jirta baahi baahsan ayaa jrta waa la soo ootay, xukuumadu in ay ku mashquusho hebel ayaa hadlay iyo hebel baa hadlay baahida haysa darteed baa ka hadlinaysa waa in shaqo la abuuraa haddii kale isbedelkii lagu baaqayna ma imanaayo, dulqaad ayaa loo baahan yahay qofkii aan dulqaadanayni xukuumada ha iskaga tago, ninka maanta leh ma dulqaadanayo haddana yaan waxba la iga sheegin ee haddana talo qaaday dhibaatadeeda ayay leedahay.” Sidaana waxa yidhi Sh. Aadan X. Maxamuud Xirsi (Siiro).

Xusni Mubaarig oo Wax Yar Ka Hor Sheegay Inuu Xukuumadiisii Casilley & Mareykanka oo Sheegay In Tallada dalkaasi Ay Faraha Madax Weyne Mubaarig Ka Baxday

MASAR(BCT)- Madax weynaha dalka Masar Xusni Mubaarik ayaa sheegay inuu Casillay xukuumadiisii isla markaana uu soo dhisi doono bar xukuumad cusub si uu u dejiyo shacabka dalkaa ee gadooday, Madax weynaha ayaa arintaa ku sheegay khudbad  si toosa looga daawanayey Telefishinka dalkaa oo uu goor dhaweyd kasoo jeediyey,


Xusni Mubaarik oo aan wax hadal ah laga maqal afar maalmood oo mudaharaadyadaasi ay ka soconayeen dalkaa ayaa isagoo ay ka muuqato Beer-laxawsi badan waxa uu sheegay inuu yahay nin u  damqanaya shacabkiisa isla markaana uu doonayo inuu wax ka bedello noloshooda,


Madax weynaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin rabshadaha ay dadkiisu sameynayaan isagoo intaa ku daray in dimoqraadiyadu aanay ahayn in dalka la burburiyo ama la billiliqeysto,

Khudbada Xusni Mubaarig oo saacado ka hor ay sheegeen mas,uuliyiin ka tirsan xukuumada Masar inay shacabku maqli doonaan go,aamo kasoo bixi doona xukuumada, Khudbadaa oo la sugayey ayaa dadka siyaasada la socdaa ay sheegeen in aanay ahayn mid ay ku qanci doonaan shacabku iyagoo waxa ay u mudaharadayaan ay tahay in madax weynuhu ka dego xukunka laakiin aanay ahayn in wasiiro la casillo,


Mucaaradka ayaa markiiba ka jawaabay khudbadaa iyagoo sheegay in hadalkaasi yahay mid caruureed isla markaana ay berito sabtida sameyn doonaan mudaharaadkii ugu weynaa,


Xukuumada Mareykanka ayaa iyaduna sheegtay in madax weyne Xusni Mubaarig ay taladu farihiisa ka baxday ugana digay inuu ciidamada Millateriga u adeegsado dadka shacabka ah ee mudaharaadaya, Maxad weyne Obama ayaa sheegay inuu in badan kulla taliyey Xusni Mubaarig inuu sameeyo isbedel siyaasadeed iyo mid dhaqaale laakiin aanuu waxba ku qaadan, Mareykanka ayaa waliba sheegay inay hakin doonaan kaalmadii lacageed ee ay siin jireen dalka Masar Iyagoo ay ka muuqato inay ku dirqinayaan Xusni Mubaarig inuu go,iisa ka qaato xukunkana baneeyo,,


Mudaharaadyadan oo kasocda magaalooyinka waaweyn ee dalka masar ayaa Ilaa iminka ay ku dhinteen dad badan oo Shicib ah iyadoo wararku sheegayaan in magaalada Iskandariya kuligeedba ay la wareegeen dadka shicibka ah, Midowga yurub ayaa iyaguna dhinacooda ka dalbaday xukuumada Masar in aanay u isticmaali karin dadka shacabka ah awooda ciidamada,

Laakiin Shicibka Masar ayaa qaadaya Waddadii Reer Tunisiya Iyagoo ku musanaabaya ama u sheegaya inay arintan uga horeeyeen iyaguna ay ku xiggaan, Ugu Danbeyntii Waxaa Caalamka oo Dhan ay Isha ku hayaan waxa ka dhici doona dalkaa Masar ayaamaha soo socda,

“Aan Fool-Xumadee Waxaan Doonayaa Inaan Noqdo Hoobiyeyaasha Aad Sidatid…Madaxweynahana Waxaan Leeyahay Yaanad Gaadhi Raacin Sidii Odaygiiy Tunis… Idinkuna Hanagu Qarxina” Abwaan Gaariye

Hargeysa(BCT)- Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa ugu baaqay Xukuumada, Ganacsatada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay shaqo u abuuraan Dhalinyarada tirada badan ee ka soo qalin jabinaya Jaamacadaha dalka si aanay Mushkilad iyo dhibaato dalka ugu horseedin.
 

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu si mug leh uga waramay xaalada shaqo la’aaneed ee dalka ka taagan isaga oo hoosta ka xariirqay in looga baahan yahay Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Ganacsatada in aanay dadka ku shaqaaleysiin Ehelnimo balse ay u eegaan Aqoontooda oo ay ku shaqo geliyaan.


Abwaan Gaariye oo xalay ka hadlayey munaasibad loo sameeyey Arday dhamaysatay Mashruuca barnaamujka Shaqo doonka ee Jaamacada Hargeysa oo lagu qabtay Hotel Maansoor, ayaa waxa kale oo uu kaga hadlay in dhibaatooyinka ka taagan Tunisa iyo Masar aya ka dhasheen shaqo la’aan ka jirta.


Ugu horeyn isaga oo munaasibadaasi ka hadlaya waxa uu yidhi Abwaan Gaariye “Aniga Farxad weyn ayey ii tahay oo meesha Ardeydaydiibaa  ayaa ku badan mar kasta oo aan ka soo qayb galo meesha ay Samsam ka talinayso Sankaan yar taagaa, waayo Samsam (Wasiirka waxbarashada) waa Ardeyadaydii idinka horeysay, waana ILAAHAY mahadii in maanta ILAAHAY i joojiyo meel iyadu ka talinayso, waxa la yidhaahdaa Waalidka oo keliya ayaa ogol in la dhaafo, marka la yidhaahdo inankaagii cirka ayuu marayaa farxad uun baad ka sii qaadaa, balse Walaalkaa waxba kuuma ogola oo wuu kula tartamayaa. Waxa Aniga ii sharaf ah inay maanta Madax ii tahay, idinkana waxaan ILAAHAY idiinka baryayaa inuu igu kiin simo idinka oo madax ah”.


“Dawladdu intay qaban karto waa wax yar, Wasiirka Shaqada ee Ilhaan markaynu la hadlayno halkay ololaha ka gelayso Wasiir uun maahee oo Wasaaraduhu waa wax kooban hawlaheeduna way kooban yihiin, waxaan leeyahay yara talaw oo qolada Telesomada iyo Dahabshiilada u talaw oo hawshaadu way balaadhan tahay oo shaqada iyo Bulshadu way isku xidhan yihiin, Wasiiraduun kuumaanu dirine adiga oo isticmaalaya kartidaada Aniguna aan iska fool-xumaadee qof baan ahaye waxaan kuu balan qaadayaa inaan kuu raaci doono markaad u talaabayso qolooyinkaa oo Hoobiyeyaasha aad sidato aan ka mid noqonayo ee kula jiidhaysa Nimankaas.”

 

waxa kale oo uu Abwaan gaariye intaas ku daray “Nimankaa ganacsatada ah ee faraha badan ee Nin walba qortay Inaadeerkii Telesom iyo Dahabshiil waan ka reebayaaye, sababta oo ah iyagu way dedaaleen, waxa se jira qaar kale oo fara badan oo Nin walba qortay Inaadeerkii oo waxaad odhan hadaad Ninka Inaadeerkaa ah qoratay dadka kale maxaad ugu talo gashay, waxaanan leeyahay Wasaaradda Waxbarashada ee Wasiir Samsam inagala joogto waxa u sharaf ah inay sanad walba intaa in le’eg wareejiso, fadlan Dhalinyarada waxa loo raadinayaa ayaanay ku koobnaanin Shaqo, waxaan leeyahay halagu daro Scolar Ship, waxaan leeyahay ha la sii kordhiyo Tacliintooda, Shaqo doon dad badan ayaa ku hawlan, balse anigu waxaan ka tirsanahay, oo waxa la I yidhi Maalinta Hoobiye loo baahan yahay ayaa lagu soo jiidanayaa, diyaar waxaan u ahay ilaa iyo Madaxweynaha ilaa iyo Dawladda iyo ilaa iyo Ganacsadata in aynu la hadalano, haddii aynaan Caruurteena Dhiirigelin oo aynan riixin oo aynaan taagteen wax ugu qaban, waxa inagu abuurmaya Dad inagu qarxa”.


Abaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu sheegay in shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Caalamka ay sababtay in hogaamiyeyaal Carab ah awooda shacabkoodu ka tuureen halka qaar kalena ay ka socdaan Mudaharaadyo lagaga soo hor jeedo Shaqo la’aanta.

“Ninkii Xusni Mubaarig waxa haysta waad ogthiin, Ninkii Tunisiya waxa helay waad ogtihiin, Axmed Sillaanyo-na waxaanu leenahay yaanad Gaadhi raacin sidii Odeygiiye, hawl badan ayaa jirta Ciidan aad iyo aad u fara badan ayaa halkaas inagaga soo socda, Ninkii Xusni Mubaarig ayaa Maanta I qariya leh, wax dhaliil ah oo aan dawladda ku dhaliilo ma hayo oo waxaan ogey Taagteeda,  balse haddii aan la iska meelayn waxa soo baxaya oo aan la barbar wadin sidii loo meelayn lahaa, waa Mushaakilad, waxaan leeyahay waar waanigii idin hadlaye ha nagu qarxina”. Sidaa ayuu yidhi Abwaan Gaariye.

Thursday, January 27, 2011

WAA MAXEY SIFOOYINKA SAAXIIBKA XUN LEEYEY

WAA MAXEY SIFOOYINKA SAAXIIBKA XUN LEEYEY

Marka hore waxan salamayaa dhammaan cidwal oo akhrida afka somaliga,waxa kale oo aan salamayaa hawlwadeenka shabakada Burcotoday.blogspot.com salatas kadib.
Inshaa allaah waxan donayaa manta in aan idiin soo gudbiyo mawduc lasocda
Mawduucii hore , magaciisu yahay(SIXIBKA XUN IYO SIFADIISA)
Mawduucan kii kahoreyey oo ahaa (SIFADKA SAXIBKA WACAN LEYEY)
Waxanan isku xigsiiyey labadan mawduuc in ay dadku isbar bar dhigaan sifadka ay kala leeyihiin saxiibadu kadibna uu ku bararugo, Waxaa waajib ah in uu qofka muslimka ahi la jeclaado walaalkiisa muslimka ah iyo saaxiibkiisa wixii wanaag ah ee uu la jecel yahay naftiisa lana naco dhamaan xumaanta uu la neceb yahay naftiisa taasina waxa si xeel dheer u sharaxaaya xadiiska uu Rasuulku(saws) kuleeyahay [Iimaan dhamaystiran lama iman qofka aan la jeclaan walaal kii waxa uu la jecel yahay naftiisa].waxaa wariyay tirmidi.
hadaba adiga oo xadiiska nabigeena eegaya bal ufiirso saxiibka xun sifadkiisa xun xun ee uu leyey .
1) Saxiibka xun waa mid aan salad tugan soomin iimana an lahayn.
2) Saxiibka xun waa ka marwalba ku sugan meelaha xun xun sida,meelaha lagu qayilo,meelaha aan sharcigu banyan iwm.
3) Saxiibka xun waxa uu kuugu yeedhaa goobaha xumanta lagu sameeyo .
4) Saxiibka xun waxa uu kugu dhiiri galiyaa samaynta ficilo an ALLE karali ahayn.
5) Saxiibka xun marwalba waxa uu kaga sheekeeyaa xuman iyo dhib jogto ah.
6) Saxiibka xun waa ka marnaba aan lahayn xishood iyo naxariis midna.
7) Saxiibka xun waa ka marwalba kala hadla aduun ee aan akhiroba aan ku xasuusin.
8) Saxiibka xun waa ka jecel in aad katagto dhaqankaga iyo diintada suuban.
9) Saxiibka xun waa ka marwalba dadka aflaqadeeya kuna yirahda waxanay dadku rali ka ahayn ,sida nanaysaa xun xun iyo waxa sooraca.
10) Saxiibka xun waa ka aan hal xalal aqoon ee marwalba kuushega been .
11) Saxiibka xun waa ka ku sifoobey dantii yaqaan ee aan dantadaba katalin.
12) Saxiibka xun waa mid jahli ah waliba jahligaa kala duwane islawayn isaga oo bilaa aqoon ah .
13) Saxiibka xun waa ka marka uu kaa maqanyey xumantada faafiya iyo sirahaga.
14) Saxiibka xun waa ka umadu ku tilmamto in uu sharwadeenyey .
15) Saxiibka xun waa ka walidkiisa iyo ehelkiisaba an xidhiidhi una samafalin.
16) Saxiibka xun waa ka aan lagu arkin masajidada iyo meelaha khayrku ka jiro.
17) Saxiibka xun waa mid jecel in uu ku siiyo talooyin waxyelaya akhiro iyo aduun.
18) Saxiibka xun waa ka aan jecleyn in aad horumar gaadho .
19) Saxiibka xun waa ka kaa naxa markaad noloshada horumar ku soo kordhiso.
20) Saxiibka xun waa ka hadalkiisa iyo dibeecadiisuba qalafsanyihiin.
21) Saxiibka xuni waa ka aan ku soo bookhan markaad xanuusato
22) Saxiibka xun waa ka danba kaa yeelan marka ay dhib ku soo gadho
23) Saxiibka xun waa ka kula saxiibey hawl aduun(lacag ) amo dano gar ah oo isaga uun maslaxad u ah hadhaw markay dhamatana kaa dhaqajiya.
24) Saxiibka xun waa kolba waji kutusa anad hore ugabaran (munafiq ah)
25) Saxiibka xun waa ka aan qadarin hooyada abaha walaldaa iyo helkaga oo dhan.
26) Saxiibka xun waa ka marwalba ku mujiya waji xun iyo dabeecad qalafsan.
27) Saxiibka xun waa ka aan qadarin fikirkaga iyo ra’yigaad wadato.
28) Saxiibka xun waa ka kaligii sheekeya ee aan sheekada waxba kasiin
29) Saxiibka xun waa ka aad faraxdo marka uu kamaqanyey
30) Saxiibka xun waa ka xanta yaqaan ee dadka kugu dira
Wixii khalad ah ee aad ku aragtaan ,iyo wixii fakir ah ee aad igu kor dhinaysaan ,

Xukuumada Somaliland Oo Go’aamisay Xilliga Uu Bilaabmayo Korodhsiimada Mushaharka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawladadda

Hargeysa (BCT)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah u go’aamisay xilliga uu bilaabmayo korodhsiimada mushaharka Ciidamada  iyo Shaqaalaha   dawladda.


Sidanna waxa lagu go’aamiyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka qabsoomay qasriga maxadtooyada JSL oo uu Gudoominaayey Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.


Warsaxaafadeed kooban oo laga soo saaray go’aanka lagu gaadhay shirkaas, ayaa u dhignaa sidan:-

 

“Fadhigii maanta oo ay Bishu Tahay 27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL   Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Waxa lagu Go’aamiyey in Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha  iyo Ciidamada uu ka Bilaamayo Bisha January ee Sannadka  2011 , Korodhsiimo iyo Bixinba.


Waxaanu Go’aanka Goluhu Amrayaa in hay’adaha Ku shaqada leh Go’aankan Fulintiisu ay sidiisa ugu Dhaqmaan.”

War Saxaafadeed Xisbiga UCID oo Ku Eedeeyey Qaar Kamida Mas,uulityiinta Xukuumada Inay Shaki Galinayaan Gooni Isu Taagga Somaliland

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka

                                              UCID

Justice And Welfare Party

___________________________ 

        Date: January 27, 2011

 

Ujeeddo: War-Saxaafadeed

 

 

HARGEYSA(OWN)- Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo u dhashay Somaliland.

 

Dhawaaqyadaas oo shaki galinaya gooni isu taaga Somaliland, Jaahwareerna ku ridaya shacbiga Somaliland. hadaladaas oo ay ka mid yihiin qoraal kusoo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadaadkii 4403 ee soo baxay 26/01/2011 kaas oo dulucdiiso ahayd in aqoonsiga Somaliand ku xidhanyahay wadahadal lala galo dawladda shariifka.

 

Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay.

 

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in arrintaasi tahay fidno cusub iyo khatar ay soo maleegayaan cadawga Somaliland loona adeegsanayo dad u dhashay Somaliland.

 

Xisbiga UCID wuxuu aaminsanyahay in arrinta qadiyadda koonfurta iyo waqooyiga Sudan iyo qadiyadda Somaliland aanay ahayn laba lays barbar dhigikaro sababtoo ah in markii dagaalkii Sudan 20 Sanno socday dad hal milyan lagu qiyaasayna ku dhinteen in aduunku xal u arkay laguna dhex-dhexaadiyay in afti la qaado dagaalkana la joojiyo hase ahaatee dagaalkii Somaliland ay la gashay soomalia ee 10 sanno socday ay ku jabisay ciidamadii soomalia ee siyaad barre maantana Somalia awood kuma leh arrimaha Somaliland oo inagu khasbaya in aynu gacmaha hoos dhigano, maadaama aynu ahayn laba dal oo isku biiray dibna u kala noqday.

 

Hadaba qadiyadda iyo ictiraafka Somaliland ma yaalo Soomalia ee aduunka kale ayuu yaala waxaanay ku xidhantahay dadaalkeena. taas oo aanu u aragna arrimahan dhawaan soo ifbaxaya in ay tahay fidmo laguna wiiqayo qarannimadeena iyo gooni isku taageena islamarkaana ay tahay arrin aan maanta taagnayn.

 

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday.

     

Alla mahad Leh

 

          Afhayeenka Xisbiga UCID

Md Xasan Xusen Maxamed (Codyare)

   Yasmin Raygal

     Secretary of UCID Party

 Cell Phone  00252-2-4427304

 Office Phone 00252-2-528866

       Hargeisa- Somaliland

War Saxaafadeed Xisbiga UCID oo Ku Eedeeyey Qaar Kamida Mas,uulityiinta Xukuumada Inay Shaki Galinayaan Gooni Isu Taagga Somaliland

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka

                                              UCID

Justice And Welfare Party

___________________________ 

        Date: January 27, 2011

 

Ujeeddo: War-Saxaafadeed

 

 

HARGEYSA(OWN)- Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo u dhashay Somaliland.

 

Dhawaaqyadaas oo shaki galinaya gooni isu taaga Somaliland, Jaahwareerna ku ridaya shacbiga Somaliland. hadaladaas oo ay ka mid yihiin qoraal kusoo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadaadkii 4403 ee soo baxay 26/01/2011 kaas oo dulucdiiso ahayd in aqoonsiga Somaliand ku xidhanyahay wadahadal lala galo dawladda shariifka.

 

Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay.

 

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in arrintaasi tahay fidno cusub iyo khatar ay soo maleegayaan cadawga Somaliland loona adeegsanayo dad u dhashay Somaliland.

 

Xisbiga UCID wuxuu aaminsanyahay in arrinta qadiyadda koonfurta iyo waqooyiga Sudan iyo qadiyadda Somaliland aanay ahayn laba lays barbar dhigikaro sababtoo ah in markii dagaalkii Sudan 20 Sanno socday dad hal milyan lagu qiyaasayna ku dhinteen in aduunku xal u arkay laguna dhex-dhexaadiyay in afti la qaado dagaalkana la joojiyo hase ahaatee dagaalkii Somaliland ay la gashay soomalia ee 10 sanno socday ay ku jabisay ciidamadii soomalia ee siyaad barre maantana Somalia awood kuma leh arrimaha Somaliland oo inagu khasbaya in aynu gacmaha hoos dhigano, maadaama aynu ahayn laba dal oo isku biiray dibna u kala noqday.

 

Hadaba qadiyadda iyo ictiraafka Somaliland ma yaalo Soomalia ee aduunka kale ayuu yaala waxaanay ku xidhantahay dadaalkeena. taas oo aanu u aragna arrimahan dhawaan soo ifbaxaya in ay tahay fidmo laguna wiiqayo qarannimadeena iyo gooni isku taageena islamarkaana ay tahay arrin aan maanta taagnayn.

 

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday.

     

Alla mahad Leh

 

          Afhayeenka Xisbiga UCID

Md Xasan Xusen Maxamed (Codyare)

   Yasmin Raygal

     Secretary of UCID Party

 Cell Phone  00252-2-4427304

 Office Phone 00252-2-528866

       Hargeisa- Somaliland

Nelson Mandela oo Isbitaalka la Dhigay Kadib Markii Xanuun Ku Soo Boodey & Mas,uuliyiinta Dalkaa oo Shacabka Ka Dalbaday Inay Is Dejiyaan Iyagoo Saxaafadana u Sheegey In Aaanay Buun-Buunin

JOHANNESBURG(BCT)- Madax weynihii hore ee dalka South Africa Nelson Mandela ayaa isbitaalka la dhigay kadib markii xanuun ku yimi. Mandela oo 92 jir ah ayaa Jackson Mtheinbo Enioz oo af-hayeen u ah hay,ada The Mandela Foundation uu sheegay in hogaamiyahaa oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka ugu qaalisan aduunka in la dhigay isbitlaaka,


Mr: Enioz ayaa ka dalbaday shacabka dalka Koonfur Africa inay is dejiyaan isla markaana aanay arin weyn u qaadan sidoo kalle waxa uu ka dalbaday saxaafada in aanay buun buunin dadkana aanay khal khal ku ridin, Mr. Enioz ayaa cadeeyey in Mandela uu la kulmay xanuun isla markaana baadhitaan loogu sameynayo isagoon si cad shaaca uga qaadin xanuunka la soo dersay Nelson Mandela,


Jariirada Star newspaper ayaa iyaduna sheegtay in Dr:  Zelda la Grange oo ku takhasusay xanuunada sanbabka inuu ku mashquulsan yahay baadhitaanka madax weynihii hore ee Mandela, Booliska dalka Koonfur Africa ayaa iyaguna sheegay inay aad u xoojiyeen amaanka Isbitaalka la dhigay Mandela oo Boqolaal suxufiyiin ah iyo dad badan oo ka wer wersan xaalada hogaamiyahooda ay isa soo tubeen,



Dadka Reer Koonfur Africa oo aad u jecel Siyaasiga Ruug cadaaga ah ee Mandela ayaa Suxufiyiintu sheegeen in iskuul ku dhegen isbitaalka la dhigay Mandela in daaqadihiisa ay ardeydu ku dhejiyeen boodhah waaweyn oo ay ku qoreen (Waanu ku Jecelnahay Mandela) iyo waliba iyagoo shacabka dalkaasi ku dhejiyey sawiro aad u waaweyn laamiyada iyagoo u rajeynaya mandela inuu caafimaad deg deg ah hello,



Mandela oo hore ugu guuleystay abaal gudka Nabada Ee Nobel Peace Prize ayaa ahaa madax weynihii ugu horeeyey ee madow ah ee uu yeesho dalka Koonfurta Africa sanadihii 1994 illaa 1999 kadib markii uu mandela ku guuleystay inuu soo afjaro xukunkii cadaanka ahaa ee sanadada badan ka talinayey dalkaa Koonfurta Africa, mandela ayaa markii ugu danbeysay ee fagaarayaasha lagu arko ay ahayd Xafladii furitaanka koobka aduunka 2010 ee lagu qabtay dalka Koonfur Africa,



 

Wednesday, January 26, 2011

Wasiirka Xanaanda Xoolaha Somaliland Oo ka Hadlay Laba Markab oo Xoolo Siday Oo Laga Soo Celiyay Wadanka Sucuudiga

Hargeysa (BCT)- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay  inay ku hawlan yihiin sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen laba markab oo xoolo ka qaaday dekada Berbera oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga, ka dib markii lagu soo celiyay xanuunka Cabeebka oo aan hore ugu jirin shuruudihii dhoofka xoolaha.


Waxanuu Wasiirka Xanaanada Xoolaha sidaa ku sheegay mar uu  maanta u waramayay Laanta Af soomaaliga ee Idaacada VOA-da, isaga oo arintaa faah faahin ka bixinayana waxa uu yidhi  “Horta waa run  oo laba Markab waa la soo celiyay oo labaduba adhi siday oo mid waxa saarnaa 7 kun halka ka kalena uu siday 5 kun oo neef, waxa lagu soo celiyay xoolahan xanuunka la yidhaahdo Cabeeb markii hore xanuunkaasi kumuu jirin shuruudihii Sucuudiga. Ilaa hadda waanu ku dabo jirnaa sidii arrintaasi xal loogu heli lahaa.”


Wasiirka  wuxuu sheegay inaanay haynin war la xidhiidha in Sucuuudigu joojiyay dhoofkii xoolaha, waxaanu yidhi   “Xukuumadda, Ganacsatadeena iyo Ganacsatada Carbeedba iyagoo midaysan ayay ka shaqeeyeen sidii Xoolaheenu ay u gaadhi lahaayeen dalka Sucuudiga, way jiraan duruufo adag oo ay waayuhu keeneen waxaanu raadin doonaa  sida ugu dhakhsaha badan xalkii arrintaasi, ma hayno war la xidhiidha in Sucuudigu uu joojiyay Xoolihii loo iib geyn jiray, waxase aanu haynaa in labadaasi markab ee inaga la inagu soo celiyay hase iyo Markab laga soo celiyay Suudaan.”


Dhinaca kale, siday faafisay idaacada VOA-du Ganacsade  Cabdi  Weli Budh yare oo ka mid ah ganacsatada xoolaha  ayaa ka hadlay labadan markab ee la soo celiyay waxaanu yidhi  “Waxa la soo celiyay laba Markab oo mid waxa la yidhaahdaa Malik 1 ka kalena waxa la yidhaahdaa Biter. Markabka hore xoolihiisii dekada Berbera ayaa laga soo dejiyay habeen hore kii  Ilaa 7 kun iyo dheeraad ayuu siday. ka kalena caawa ayuu soo gelayaa dekada Berbera sida lanoo sheegay waxaanu siday shan kun iyo dheeraad. Xoolahan laga soo celiyay dekada Berbera waxa hore loo baadhis caafimaad loo mariyay maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Al-Jaabiri. Illaa imika ma cadda sababta loo soo celiyay xanuuno aan hore loo aqoon oo aan la baadhi  jirin ayaa la sheegayaa.”


Waxa kale oo uu Md. CabdiWali intaas ku daray “Shaki badan ayaa ku jira soo celinta xoolaha oo ay Ganacsatadu ka qabaan, dawlad waliba waxay leedahay qaab ay  xoolaha u baadhaan, qaabkii Sucuudigu xoolaha u baadhi jiray waanu marinay arrintani waa wax cusub oo ay imika la yimaadeen, waxa kale oo shakiga keenay in xoolahan ay wada leeyihiin dad Soomaaliya,”ayuu yidhi Ganacsadahaasi

SAWIRKA MAANTA. Gawaadhi safar Ah oo Taagan Jidka U Dhaxeeya Hargeysa & Burco

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Laba Mark 2 Iyo Waliba Bus Taagan Mid kamida Tuulooyinka u Dhaxeeya Hargeysa & Illaa Burco, Sawirkan oo Aad u Qurux Badan Ayaa Muujinaya Dadkan Ku safraya Jidkaa oo Inta Badan Aad u Qurux Badan,   Isku Day Inaad Garatid Meesha Ay Tahay,   DAAWASHO WACAN

"Xukuumadda Dulqaad Ayaa Looga Baahan Yahay… Qadiyadeediina Way Soo Dhawaatay….Ururrada Siyaasadana anaga Oo Dawlada Ah Ayaanu Diidnay…Wasiirka Arrimaha Dibaduna Ha Nala Tasho Oo Ayaanu Odhan…..”Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (BCT)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in wakhtigii ay Xukuumaddii UDUB ay xilka haysay ay u dulqaadan jireen waxyaabaha ay Saxaafadu ka qorto, iyaga oo ilaalinaya sida uu yidhi in Beesha Caalamka ee ay Somaliland  ka raadinayso Aqoonsigu u arkaan meel lagu tunto Xoriyatul Qawlka iyo saxaafada horta ah.

Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu Xukuumadda MAdaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ugu baaqay in ay dulqaad u muujiso Warbaahinta, waxaanu cambaareeyey Xukunka Maxkamada Gobolka Hargeysi ku riday Tafaftirihii Wargeyska Madaxa banaan ee Waaheen.


Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay Wareysi khaas ah, Gurigiisa Magaalada Hargeysa ku siiyey Wargeyska Saxansaxo, waxa kale oo uu ka hadlay Ururrada, Diiwaan gelintii codbixiyayaasha Doorashooyinka, Aftida Koonfurta Sudan iyo Siyaasada Arrimaha Dibedda ee Somaliland.


Ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida ay u arkaan Xidhiga Tafaftiraha Wargeyska Waaheen, waxa uu ku jawaabay  “ Horta Saxaafaddu sida aad ogtihiin waa kuwii wakhtigii aanu xilka ahaynay calaashadeen ee oo waxba noola hadhin, qof walba oo masuul ahna sharciga waa loo siman yahay. sharciga Saxaafaddana wax badan baanu ka ognahay oo markii aan ku jiray golihii wakiilada ee hore in badan ayuu na hor yaalay, in badana waxa nalagu canaanan jiray Saxaafadda way cabudhiyaan, markaa dawlada KULMIYE hogaaminayo waxaan leeyahay dulqaad badan baa laydinka baahan yahay, wakhti xaadirkan xittaa haddii la khaldamo, waayo ictiraaf ayeynu raadinaynaa intaasi waxbay ina yeelaysaa, inkasta oo aan filayo in dawladayadii cid dulqaad ku gaadhaysaa aanay jirin.


Xadhigan Suxufiga lagula kacayna raali kama nihin, maxaa yeelay waddanku wuu inaga dhaxeeyaa waxanaanu leenahay waa in Saxaafadda la koriyo.”

Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin oo aanu waydiinay sababta ay ta badan uga soo horjeesteen in dalka laga furo ururro siyaasadeed, waxa uu ku jawaabay “Sanadkii 2007-kii markii uu soo baxay Ururkii Qaran, dawlad ahaan waanu diidnay, markaa haddii Ururo la furayo maalintaas ayaanu ogolaan lahayn anagoo Xukuumaddii wakhtigaa talada haysay ahayn, dib baa loogu noqday asbaabaha waxan keenay wakhtigii dastuurka la sameynayey 1997-kii waa la xidhay Xisbiyo waxaana lagu xidhay Saddex Xisbi.

1999-kii  ayaa dib layskugu yimid Guurtida iyo Wakiiladu way isku yimaadeen dib ayey u xidheen wakhtigii saddexda urur la ansixiyeyna qoladii diiwaangelinta waa la baabiiyey, qaar baa leh sharcigu wuu shaqeynayaa. Waan leeyahay ma shaqeynayo ururo haddii la xidho way xidhan yihiin.

Wakhti xaadirkan asbaabaha aan loogu baahneyn baan idiin sheegayaa inta ay dalka ka jiraan xagjir la furi maayo ururo siyaasadeed, waayo waxa lag yaabaa inay inagu soo baxaan ururo xag jira, iyada oo aynu waliba ognahay Somalia waxa ka jira maaha in la furo ururo siyaasadeed, haddii la furana labada Xisbi ee kale maaha wax shaqeynaya, tusaale ahaan saddexdii Xisbi ee kale mid baa talada ku guulaystay labadii Xisbi ee kale ma shaqeynayaan Xisbigii laga guulaystay oo haddana shan sanno ka dib la la tartamayo wax shaqeynaya maaha.

Markii arrinkaa la go’aamiyey ee la xidhayna waa tii ururadii SAHAN,HORMOOD,ASAD l yidhi ku biira ururada markaa soo baxay.

Doodayadii furashada ururada Siyaasada waxa ka mid ahaa war maant haddii la furo ururada siyaasadda odaygu waa KULMIYE ayuu ka soo baxay oo waa Madaxweynihii wakiilada waxa fadhiya Saddex Xisbi ee KULMIYE, UDUB, UCID waxa dhici karta inay saddex xisbi oo kale soo baxaan, markaa waxa isugu yimid lix Xisbi waayahee sidee loo kala gurayaa.”


Madaxweyne ku xigeenkii hore oo ka hadlaya Aftida Koonfurta dalka Sudan, ayaa waxa uu yidhi “Shacbiga waxaan u soo jeedin lahaa qarrankeenani wali waa geedi waxaanan filayaa inaynu taaganahay meelihii u danbeeyay inaga iyo dalka Koonfurta Sudan qaddiyadeenu aadbay isugu eeg tahay, inaga  caqabada u weyn ee ina haysatay waxay ahayd Carabta, marka Somalida laga yimaado. Maanta carab baa kala go’aysa markaa qaddiyadeenu way soo dhawaatay.

Waxaan xusuustaa 1991-kii Madaxweynihii u horeysay Somaliland C/raxmaan Tuur waxa uu yidhi markii aynu goosaneynay maanta arrinkeenan aad go’aamiseen labaatan sano ayuu qaadanayaaye ma u adkeysaneysaan, waxaan leeyahay shacaboow labaatankii sannadood waa gebogebo, laakiin waxaan filayaa C/raxmaan  wuu ina tawafufee, laakiin tawaafufkii ILLAAHAY inaga soo gudbi labaatankii sannadood, waxa ka hadhsan waa bilo.

Waxaan leeyahay arrinkeenii waa dhaw yahay  laysku dulqaato oo ha la dhabar adaygo dawladana waxaan leeyahay dulqaad oo Dawladdi waa tii shicibkeeda u dulqaadata.”

 

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB  oo aanu wax ka waydiinay Siyaasada Arrimaah Dibeda ee dalka, waxa uu ku jawaabay “Horta dhamaanteen waxbaa inag dhaxeeya dawlad iyo xisbiba waxa inaga dhaxeeya ee inaga go’an waxa weeyaan inuu dalkeenu ictiraaf ka helo Beesha Caalamka, waxa jira waxyaabo aan gorgortan geli karin oo ah Nabadgelyada iyo asbaabaha aynu u mareyno ictiraaf raadinta,  waxa loo halgamayaa ee aynu dhamaanteen u xiiqsanahay waxa weeye inuu dalkani ictiraaf helo oo aynu Caalamka ka mid noqono, imika anagu waxaanu awooda saareynaa Koonfurta Sudan oo aanu u dirnay Wefti waxaanay ujeedadayadu tahay in qaddiyada Somaliland laga midho dhaliyo, imika qudheeda kamaanaanu caajisin sidii uu dalku ictiraaf  u heli lahaa, waayo ictiraafka inaga ayaa u baahan waa arrin qof walba oo reer Somaliland ah taabanayo.

Ninka maanta Wasiirka Khaarajiga ah waxaan qabaa in la kabo, anaguna waanu garab taganahay oo waanu la shaqeynaynaa, isaguna waa in aanu is ururin ee tallada adaa ku noole iyadu kuguma noola, hadaad tidhaahdo waa dawladii hore taasi waa inay meesha ka baxdaa waddanka waa la wada leeyahay, waxaana loo shaqeynayaa waa waddanka anagu dalka meel ayaanu soo gaadhsiinay, waxaana idinku waajib ah inaad noo mahad celisaan oo aad tidhaahdaan waad mahadsan tihiin.”


Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku tilmaamay Diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee dalka ka qabsoontay, waxaanu yidhi “ Waxa jirta arrin aanay ummadeenu dareensaneyn oo ah diiwaangelintii dalka ka qabsoontay waxay ahayd mid khaldad ku jiro oo kuwii shaandheeyey ay yidhaahdeen dib loogu geli maayo, qoladii qiimeynaysay ee Mareykanka ahaana waxay yidhaahdeen dib loogu geli maayo, arrint maanta talaa waxa weeye in dib loogu noqdo (Sarver) diiwaangelintii oo halka hoose laga soo bilaabo ee qofka loo sameynayey ID-Card maanta ID-card-keenii waxa sita ummado kale.

Weli caalamka i arag qof sit toban ID-Card qalabkii l keenay wuu liitay oo wakaa maanta waxba soo saari waayey maanta ragbaa ku dooday in doorashada lagu galo, waxaanaanu soo saarnay war murtiyeed odhananaya waa arrin dhintay ee dib ha loogu noqdo, dhaqaale dibadna uma baahnin oo ninka goobta ID-Cardka ka qaadanayaa ha iska bixiyo tobanka kun oo ha noqoto Diwaangelin aynu inagu leenahay oo aynu xogteena haysano.

Waxaanu arrinkaa u gudbinay Golayaasha Qaranka, isla markaana Golayaash Qaranku u sameeyaan Guddi baadhitaan oo arrinkaa daba gal ku soo sameysa oo ka midho dhaliya waxa weeyaan maaha in ummadda wax xumaaday loo huuriyo ma fiicna, ummadan waxa ka wakiila Guurtida iyo Golah Wakiilada Xukumaduna siyaasadii fulinta ayay haysataa  arrinkaasi iyaga ayuu u yalaa waxa ay ka yeelayaan.”


Xigasho.Saxansaxo

 

Tuesday, January 25, 2011

SAWIRKA MAANTA: TAREEN AY DAD JANBI KASTA ISKA LAALAADIYEEN!!!!

Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso Shebekeda Caalamiga ah ee Burcotoday.blogspot.com wuxuu ku saabsan yahay wadanka Bangladesh oo ay dadku Tareenka Buuxin dhaaafiyeen  iyadoo  janbi kasta iska laalaadiyeen.  SAWIRADA CAALAMKA.

Halkan Ka Daawo Sawirada Qaar Ka Mid Ah Fannaaniintii Wacdaraha Ka Dhigtay Habeenkii Boon Xirsi Ee Magaalada London

Londson(OWN)- Xaflad aad loo agaasimay ayaa Habeenkii sabtidii 22/01/11 ka dhacday magaalada london , Xafladaas oo loogu magac daray Habeenkii Boon Xirsi iyo Hobolada Waaberi Iyo Xidigaha UK, waxaa  kasoo qayb galay Fannaaniin aad u tiro badan oo aan halkan lagu soo koobi karin iyagoo tirada Fannaaniiintu ay gaadhaysay ilaa 20.

Fannaaniintaas waxaa ka mid ahaa Fannaanka wayn ee Sir Maxamuud Cumar oo isagu goobtaas ka qaaday hees cusub uu u sameeyey Abwaan Boon Xirsi Heestaas waxay ahayd sidan hoos ku qoran:–

Iftiinkii fanaankiyo
aqoontii fankaygoow.
udubkii jilaagiyo.
hal abuur abwaanoow.
abaal baad ku leedahay.
soomaali idilkeed.
ku iloobi maynoo.
waxaad tahay astaan dhaqan.
aragaaga kaa lumay
waa amarka eebee
ilaah baan baryaynaa.
inuu kuu iftiinshee.
amiinbaanu nidhiye.
idinkuna amiin dhaha
aamiin ,aamiin,aamiin
Halkan Hoose Ka Daawo  qaar ka mid ah Sawiradii goobtaas laga soo qaaday ee daawasho wacan.







Monday, January 24, 2011

SAWIRKA MAANTA:Geel Iyo Adhi Wada Daaqaya

Sawirka Maanta Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Burcotoday Waa Geel iyo Adhi wada Daaqaya Meel Barwaaqo Ah Oo Aad U Qurux Badan, Waa Sawir Xusuus Leh Oo Ku Tusaya  Quruxda Dalkeena,Iskuna Day Inaad Garatid Halka Ay Jooggaan .

Koonfurta Kuuriya oo Sheegtay Inay Maxkamad Soo Taagayaan 5 Budhcad Badeed Ah oo Ay Ku Qabteen Markabkii Ay Xoogga Kusoo Furteen

Korea(BCT)- Wararka ka soo baxaaya dawlada koofur kuuriya ayaa sheegaya in budhcadbadeedii somalida intii ka hadhay l soo taagi doono maxkamad ku taal dalkaas.

Wakaaladda wararka u faafisa dawlada Korea, da koofureed ee Yonhap oo soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan dawlada ayaa sheegtay in wadankaasi maxkamad lagu soo taagi doono 5 ka mid kooxaha burcad badeeda Somalied oo ay dhawaan ciidamada badda dalkaasi ka qabteen hawl gal ay xeebaha Somalia ka sameeyeen.
Warku waxaa uu sheegayaa in qorshuhu yahay in maxakamad la hor geeyo illaa iyo 5 ruux oo Somali ah lona heysto inay ka mid yihiin ragii afduubtay markabkii dhawaan la bad baadiyay ee South Korea laga lahaa waxaana saraakiil wasaaradda arrimaha gudaha u hadlay oo aan magacyadooda la sheegeen ay tilmaameen in ragas maxkamad la taago doono kadibna la xukumi doono.
Go’aankeenu inaan xukun sharci ah marsiinaa ragaan burcad badeeda ah ee ciidamadeenu xeebaha Somalia ka soo qabteen wax culeys ahna naguma hayso arrintaas waxaa sidaasi u sheegay Yonhap sarkaal wasaaradda arrimaha gudaha koofur Korea hase ahaatee aan la magacaabin.
Raggan oo 5 ruux ka kooban ee Somalida ayaa gacanta u galay ciidamada badda ee koofur Korea kadib markii ay ciidamadasi xoog ku furteen markab Korean ahaa oo ay burcad badeedu heysatay waxaana la sheegay in ciidamadu sii daayeen 9 kale oo ay qabteen halka 8 kalena ay ku naf waayeen rasaastii burcad badeeda iyo ciidamada dhexmartay.ilaa hadalama oga haka ay ku danbeeyeen maydadkii budhcad badeeda ee goobtii ku geeriyooday.

Dalalka Sudan & Falastiin oo Laba Nin Isku Gubeen & Nidaan Cusub oo Shacabka Carabtu La Soo Baxeen Kadib Markii Dad Hore Isku Gubeen Wadamada Tunisia, Masar & Al-jeeriya

KHARTOUM(BCT)- Baryihii ugu danbeeyey ayaa shacabka carabtu ay la soo baxeen nidaam cusub oo ay ka helleen faa,iido kaasoo ah inay dab iyo gaas  isku qabtaan dadku iyadoo ninkii dabkaa billabay oo lagu magacaabo maxamed Bu Casiis oo sabab u noqday inuu dhaco madax weynihii Tunisiya,



Hadaba dalka Sudan ayaa nin dhalinyaro ah oo 25 jir ah uu isku qabtay dab iyo batrool iyadoo wakaalada wararka ee AFP ay sheegtay in ninkaa oo ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha (Wastaad) uu isku gubay badhtamaha suuga lagu magacaabo Um-Durmaan ee magaalada Khartuum,


Wakaalada ayaa sheegtay in ninkan uu ku noolaa nolol aad u xun iyadoo ninkaa oo xaaladiisu aad u liidato loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo, dhakhtarada ayaa sheegay in iminka ninkaa lagu hayo qol gaar ah oo la dhiggo dadka xaaladoodu aad u xun tahay (Intensive Care), Booliska dalka Sudan ayaa sheegay in ninkaasi uu sakhraansanaa markii uu is gubay laakiin dhakhtarada ayaa cadeeyey inuu ninkaasi caadi ahaa kadib markii ay dhiigiisa ka waayeen wax maan-dooriye ah,


Dalka Falastiin ayaa sidoo kalle maanta uu isku gubay magaalada Ramallah nin afartan jir ah isagoo ninkaasi gaas iyo kabriid isulla tagay maxkamada magaalada horteeda, ninkaa oo ka cabanayey nolol xumo iyo shaqo la,aan ayaa warku sheegay inay ku soo yaaceen booliskii maxkamadu iyagoo bakhtiiyey ninkaa oo ololaya, Ninkaa ayaa isagana loola cararay isbitaalka si loogu daweeyo,

Dalka Yaman ayaa isagana waxaa walli ka socda mudaharaadyo ay sameynayaan shacabka dalkaasi gaar ahaan ardeyda jaamacadaha kuwaas oo dalbanaya inuu xukunka ka deggo madax weyne Cali Cabdalle saalax, Laakiin Madax weynaha oo maanta hadlay ayaa sheegay in Yaman aanay ahayn Tunisiya oo kalle isla markaana ay gacan adag ku qaban doonaan dadka mudaharaadaya oo uu ku tilmaamay qaar rabshad wadayaal ah,


Falalkan is gubbida ah ayaa noqonaya nidaam cusub oo ay lasoo baxeen dadka carabtu markii ay garan waayeen si ay isaga kiciyaan kali taliyayaal dalalkaa xukumayey labaataneeyo sano ka badan, Iyadoo ay hore rag isugu gubeen wadamada Tunisiya & Masar & Al-Jeeriya,

Laakiin waxa aan la garaneyn sida ay kaartadaa cusub uga hir-galeyso wadamada carabta oo dhan iyadoo ay jiraan Rag madax ah oo hadii dadka wadankooda oo dhan ay is gubbaan aan dan ka lahayn kana jecel xukunkooda,
 

Saturday, January 22, 2011

WAA BARNAAMIJKII SOOYAALKA TAARIIKHDA OO AAN KU EEGI DOONO DOORASHDII WADANKA SUDAN IYO WAXAY ISKA SHABAHAAN S/LAND‏

SUDAN(Burcotoday )- Waxaad moodaa koonfurta wadanka suudaan iyo S/land in ay waxyaalo badan iska shabahaan oo labadaba markii ugu horaysay ay ahayd doorashooyin ka qabsoomaa, hadaba Sudan oo mudo 20 sano ah ay ugu danbaysay cod bixini ayaa natiijadii weli la sugayaa isala markiiba waxaa soo baxay war hoosaad sheegaya in Cumar Al bashiir si aan caadi ahayn ku badiyay waxaa isla markiiba diidmo kala hor yimid mucaaradka yidhina waxba kama jiraan natiijada maraykanka ayaa ku tilmaamay wax lagu degdegay oo dhib weyn horseedi karta, Sudan waxay ku danbaysay meel dhib ka taagan yahay xaalada Darfur oo ka siidaraysa xeryo qaxooti oo dhibi ka taagan tahay Gobolada qaar Abaaro baahsani ka jiraan Gobolada qaar oo 2011 Vote loo qaadi doono xornimo koonfurta Suudaan ah noqona karta wadan cusub oo ku soo biira Africa bal hadaba maxaynu iska shabahnaa xagga Codaynta suudaan iyo S/land.waxaan filayaa wixii aynu iska shabahno sidii hore uga barateen barnaamijkan Sawiradaa ka arki doontaan waankan ee daawo.
Wiilkan yar waxaa uu suuqa la taagan yahay calamo Asxaabta iyo calankii wadanka isugu jira oo iibinayo jubba April9,  2010
Waxaa dadka codaynaya lagu soo gurayaa Gawaadhi loona gaynayaa meelaha lagu codaynayo Gaadhigan oo ku socda Rugta Zamzam
iyadoo goobjoogayaashu ka digeen wax isdaba marin yiraahdeena 24 sano ka hor kumaankun sanduuq baa lays daba mariyey
Waxaa codeeyayaasha loo sameeyey Card aqoonsi oo magaciisa iyo dhalashadiisu ku yaalaan iyo degmadiisa waxay degan tahay gabadhan magaalada Malakal koonfurta sare ee weniga Nile April11 2010 waxaa u taagnaa boqolaal kun oo qof Axadii
Gabadhn waxay isku dubaridaysaa waraaqii codaynta waa goobta codaynta Zamzam meel ka baxsan magaalada Darfur oo la yiraahdo Afashar waa isniin april 12 2010 waana maalintii labaad.
 
Ninkan waxaa uu ka MID YAHAY MURAAQIBIINTA ilaalinaya goobta cod bixinta qof keliya ayaana jooga sida aan aragno waana maalintii labaad 2010
Dadka codaynaya wixii meelaha dhow ka imaanaya gawaadhi baa hadii loo helo lagu soo qaadayay wixii kalena iyagaa isa soo deberayay dadkani waxay fuushan yihiin dameero oo ay ku imaanayaan goobaa cod bixinta Darfur April13 2010
koonfurta Sudan oo safaf shaadheer ugu jira codaynta magaalada Terekeka iyagoo miyiga ka soo lugeeyey codkooda ku ciil baxayaan
Dumarka oo layn dheer ku jira doonayana in ay dhiibtaan codkooda magaalada koonfurta dhexe ee Yambio April 12, 2010
Ninkan waxaa uu fadhiyaa Saylada waxaana uu sugayaa in uu beec u helo xoolahiisa Sayladii Burco ayaanba soo xasuustay waa degmada bady ee bariga Sudan April 4 2010
Radio oo la yiraahdo Miraya waxaa daadihinaysa Lubna Lasu waxaana uu shaqeeyaa labada cisho ee fasaxa April 10 2010 koonfurta Sudan waxaana lagu wacyi gelinayaa codaynta oo dadka madaw ee duurka ku jira loo maqashiiyo iyo xaquuqda dumarka waayo wax kale oo lagu maqashiiyaa ma jiro dadka oo cawaan qaawan waxna qorin akhriyina waa in loo helo wax lagu maqashiiyo.
waxaan halkaa kaga hadhi doonaa barnaamijka waxaana filayaa in aad kala soo dhexbaxdeen wixii aan isaga midka ahayn