Hargeysa (Burcotoday)- Madaxweynaha Somaaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta kulan ku qaabilay Qasriga looga arimiyo Somaliland wafti Balaadahn oo ka socoda Boqortooyada Sacuudi Arabia waftigan oo ka kooban shan xubnood.
Booqashada waftigan ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo nuqul ka mid ahina soo gaadhay Warqabadka ToggaHerer ee Hargeysa haddaba Warsaxaafadeedka ayaa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:_
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dalka Sucuudiga Weftigan oo ka Kooban 5 Xubnood Dalkana soo Gaadhay Shalay (Jimcihii) waxa ay Saaka Madaxweynaha kulan Saacadoo qaatay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.
Weftiga oo ujeedda Socdaalkoodu yahay in ay Dalka Maal- gashi ku sameeyaan oo ay Dawlada Somaliland Xidhiidh Ganacsi la yeeshan Gaar ahaan Dhinacyada Shiidaalka.

0 comments:
Post a Comment