Friday, January 14, 2011

Marwada Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Casho Sharafeed Ah U Qabatay Gabdhihii Ka Soo Qayb Galay Tartankii Ay Dhawaan Qabatay Hay’ada AET + SAWIRO

Hargeysa (Burcotoday) -Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed (jirde) ayaa kulan casho sharafeed Ay ku sagootisay u qabatay Gabdhihii  ka qaybgalay tartankii Dugsiyada sare ee gobalada Somaliland  .

xafladaasi waxaa kasoo qaybgalay Marwad Madaxweynaha  Aamina Waris, Madaxa Hay’adda Africa u qaabilsan dhanka waxbarashada ee AET  Xasan Axmed Embessy, iyo Maamulayaasha Dugsiyada sare ee Nuuradiin oo kaalinta 1aad galay, Muuse Yuusuf oo kaalinta 2aad galay iyo Maxamuud Axmed Cali oo kaalinta 3aad galay.

Kulankaas Cashada ayaa waxa uu habeenkii xalay ka qabsoomay  Hotelka Safaari ee magaalada Hargeysa, Ugu horeyn waxaa halkaasi  ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda AET Md Xasan Axmed Embessy waxaanu ka waramay ujeedada xaflada waxaanu sheegay  inuu ku farax sanyahay sidii ay u dhacday qabashada tartankii ay gabdhahaasi  u qabatay Hablaha dhigta Dugsiyada Sare ee Somaliland.

Mr Embeesy waxa uu halkaa mahad naq balaadhan ugasoo jeediyey Marwada 1aad Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo uu sheegay inay waxbadan kalasoo qabatay hawlo xagga luuqadda Afka Ingriiska ah tarjumaadiisa oo ay hada ka hor AET qabatay “anagu Marwada wax gaaraanu isku nahay oo hadda ka hor markii aanu wadnay hawshii Cajaladihii luuqadda Afka Ingiriisiga ahaa waxay ka mid ahayad dadkii sida wayn noogala shaqeeyey” sidaa waxaa yidhi Md Embessy.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Maamulaha guud ee dugsiyada  Nuuradiin Xaji  Mahad Ibraahim Maxamed  waxaanu ka waramay taariikhdii hore ee Schoolada Nuuradiin iyo xiligii ay dhidibada u taageen yagleelka Schoolada Nuuradiin sidii ay ahayd duruuftii qalafsanayd ee ay xiligaa ku bilaabeen.

Waxana uu yidhi “ anagu horta Schoolka Nuuradiin waxaanu ka bilawnay halka ay maanta Dawladda cusubi ka bilawday oo waxaanu ka soo bilawnay meel Ebar ah [o] waxaanan xusuustaa markii aanu bilaabaynay Ardaydu waxay ku fadhiisan jireen Daasadaha”ayuu yidhi.

Maamulaha guud ee Dugsiyada  Nuuradiin Mahad Ibraahim waxa uu sheegay in uu Ilaahay ku guuleeyey dadaalkoodii aahaa inay wax barashada ubadka reer Somaliland meel fiican gaadhsiiyaan ilaa heer ay ka Nuuradiin ahaan maanta ku faani karaan waxana uu yidhi  “ maanta Schoolada Nuuradiin waxay marayaan Gudsiga Hoose iyo Dhexe iyo laba Dugsiyada sare ah” ayuu yidhi.

Mahad Ibraahim waxa uu intaa ku daray dhalinyarada maanta dalka ugu muuqaalka iyo magacaba sareeyaa inay yihiin kuwii wax kasoo bartay Schoolada Nuuradiin isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi  “anaga maanta waxaa sharaf noogu filan dhalinyarada ka muuqata xagga sare ee goobaha waxbarashada inay yihiin kuwii wax kasoo bartay Schoolada Nuuradiin” ayuu yidhi.

Maamulaha guud ee Schoolada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed waxa uu sheegay xukuumadu inay si fiican u maamushay qaybinta fursadaha Ardaydii waxbarashada bilaashka ah ka helay wadamada Suudaan, Liibiya  iyo Maleesiya waxaanu xusay inay sansaanta  fiican ee kasoo carfaysa waxqabadka Xukuumadda Cusub tahay wax lagu diirsado “markaad saxansaxo aragtaan waxaad filataani saw roobkii  maaha hadda waxaan leeyahay Xukuumadda cusub waxaa kasoo carfaysa saxan saxo udgoon badan waxbaqabkeediina wuu bilawday” ayuu yidhi Mahad Ibraahim.

Intaasi ka dibna wax halkaasi ka hadashay Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed (jirde)  waxa ay  u mahad celisay Hablihii ka socday Schoolka Nuuradiin eek u guulesytay tartankaasi waxaanay ku tilmaantay inay dalka u yihiin wax ku dayasho mudan,iyada oo arimahaa ka hadlaysana waxay tidhi “Hablaha Muuse Yuusuf waxay muujiyeen dadaal badan Schoolada kale ee dalkana waxaan leeyahay waa inaad ku dayataan Schoolka Nuuradiin heerka uu gaadhay”

Marwada 1aad Aamina Waris waxay sheegtay Xukuumadda cusubi inay dadaalkeeda sii laban laabayso waxbana aanay bushadeeda kala hadhidoonin haduu eebe yidhaa.waxaanu sheegtay inay Xukuumaddu bilaash ka dhigtay waxbarashada Schoolada dalka oo aanu jiridoonin Arday laga qaadaa lacagta waxbarashada.

Waxana ay intaasi ku dartay “sidaad la socotaan wasiirka Maaliayddu waxa uu ku dhawaaqay habeen hore in bilaash laga dhigay wabarashadii Schoolada dalka intii tabartayada ahna waanu dadaalaynaa waxbana kala hadhimayno dadaal kayaga tabari meel ay na dhigto mooyaane ee sidaa nagu ogaada”ayey hadalkeeda ku soo gaba gabaysay Marwada 1aad Aamina Waris.

Gaba-gabadii xafladaasi maamulaha guud ee Schoolada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed waxa uu hakaa kaga dhawaaqay in uu Hablihii labada School ee kala galay kaalmaha 1aad Nuuradiin iyo 2aad Muuse Yuusuf gudoonsiinayo midiiba SILSILAD,2 DHAGOO IYO FARAAN DAHAB AH [6 HABLOOD]”caawa waxaan halkan ku gudoonsiinayaa Hablihii lixda ahaa ee Schoolada Nuuradiin iyo Muuse Yuusuf dahabkii aan shalay u balan qaaday waxaana gudoonsiinaysa Marwada 1aad Aamina Sheekh Maxamed waxaana u yeedhayaa Hablihii ka socday Dusgiga Muuse Yuusuf”ayuu yidhi.

0 comments:

Post a Comment