Monday, January 17, 2011

Jabuuti: Shariif iyo Geelle oo khudbado ka jeediyey munaasabad tababar loogu furay ciidamo ka tirsan dowlada KM ee Somalia

Jabuuti (Burcotoday)- Madaxweynayaasha dowladaha Jabuuti iyo Somalia Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shariif Shiikh Axmed ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Jabuuti maanta si wadajir ah tababar ciidan ugu furay ciidamo ka tirsan Booliska dowlada Somalia oo tiraddooda lagu sheegay 500 askari kuwaasoo 100 ka mid ah ay haween yihiin.

Madaxweyne Shariif oo la hadlay ciidamadii tababarka loo furayey ayaa u sheegay in marka ay tababarka dhameystaan ay sugeyso iney gutaan waajibaad Qaran oo ah iney ka qeyb qaataan sugida amaanka dalkooda, isagoo u mahad celiyey dowladaha Jabuuti iyo Jaban oo gacan weyn oo dhinaca farsamada iyo maaliyada leh ka geystay tababarkan ay qaadanayaan ciidamada dowlada Somalia.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay mar walba hiil iyo hoo la garab taagan yihiin intii karaankood ah ummada Soomaaliyeed, wuxuuna u sheegay ciidamada tababarka loo furay iney joogaan dalkooda 2-aad ee hooyo ayna si wanaagsan u qaataan tababarka loo furay umadoodana wax ugu qabtaan.

Munaasabadaasi oo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday Maraykanka iyo dowladaha kale ee deeq bixiyeyaasha ah, iyo waliba ururada caalamiga ah ayaa waxaa ka hadlay oo kale Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomalida Mahiga iyo masuulliyin kale oo ka tirsan wakiilada beesha caalamka.

0 comments:

Post a Comment