Sunday, January 9, 2011

3 Milyan Oo Reer Koonfurta Sudan Ah Oo Saaka U Dareeray Sanaaduuqda Cod Bixinta Si Ay U Kala Doortaan Madaxbanaani Iyo In Ay Ka Mid Ahaa daan Dhul Weynaha Sudan

 Juba(burcotoday)- Malaayiin qof oo ah dadka ku dhaqan koorfurta Sudan ayaa saaka abaaro 08:00 AM subaxnimo  u dareeray goobaha cod bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan aftida aayo ka tashiga oo maanta si rasmi uga bilaamaysa koonfurta wadankaasi.


Among the first to exercise the choice was Salva  Kiir, the president of southern Sudan [Al Jazeera

Qofkii ugu horeeyey ee saaka  codkiisa dhiibta ayaa waxa uu ahaa Salva Kiir Madaxweynaha Koonfurta wadanka Sudan, isaga oo ka codeeyey goob ku taal magaalo madaxda wadankaasi ee Juba, waxa hadal kooban oo uu goobta ka jeediyey Md.Kiir uu ku xusay Madaxweynihi hore ee wadankaasi Koonfurta Sudan John Garang oo ahaa hogaamiyihii saxeexay heshiiskii nabada ee Nirobi sanadii 2005tii sila markaan  lix bilood ka dib shil dayaaradeed ku dhintay, “ Dr. Garang iyo kuwii kale ee  ku nafwaayey halgankii aan soo galnay ma noqonyaan kuwo  aan ilaabi doono.” Sidaana waxa yidhi Madaxweyne Silva Kiir.

 

Mar uu ka hadalayey Muhiimada ay maanta u leedahay dadyowga reer koonfurta Sudana waxa uu yidhi “Maanta maalin ay dadka reer Koonfurta Sudan in badan sugayeen, waana maalin taaariikhi ah,”

 

Waxa kale oo uu Md.Kiir ka hadalay Nabada isaga oo ciidanka amaankana ku amaray in ay amaanka aad u adkeeyaan gaar ahaan waxa uu amaray in la sugo amaanka dadka ka soo jeeda Waqooyiga Sudan ee ku sugan Koonfurta.

Ilaayo hada waxa loo diwaan galiyey in ay Codbixinta aftidan codkooda ka dhiibtaan 3.9 qof oo milyon, sadex milyan iyo sagaal boqol oo kun oo qof, ku waas oo laga diiwaan galiyey gudaha wadanka sudan iyo dibadaba.

Dadkan ayaa waxa 3 700,000 oo ka mida laga diwaan galiyey gobolada Koonfurta halka 116,000 oo kalena laga diwaan galiyey Gobolada waqooyiga, waxa kale oo codbixitan ka qayb qaadanayay 60.000 oo qof oo ah jaaliyadaha Koonufta sudan eek u nool sided wadan oo dibada ah.

 

La Soco Wararka Daqiiqadaha Inagu Soo Fooda Leh

0 comments:

Post a Comment