Monday, January 17, 2011

Madaxda Dunida Carabta Oo Dareen Cabsi Leh Ka Muujisay Kacdoonka Siyaasiga Ah Ee Ka Dhacay Tunisia.

TUNISIA(Bct)- Shacabka Tunisia ayaa maalintii Jimcihii ahayd afka ciidda u daray kali-taliyihii ku amar taaglaynayey talada dalkooda 23 sano ee la soo dhaafay. Zine el Abidine Ben Ali wuxuu si foolxumo iyo wajigabax ah kaga baxay magaalada Tunis, xili uu kacdoonka shacabka reer Tunisia mareyey meel sare. Ficilka shacabka reer Tunisia wuxuu fajac iyo naxdinba galiyey maamullada ku dhisan qaabka kaligii-talisnimada ah ee qarnigan 21-aad, kuwaasoo wali ka taliya dunida Carabta iyo dalal badan oo Afrika ah.
Kacdoonkan oo ay dadka qaar ugu magacdareen “Kacaankii Dhalinyarada,” Shacabka reer Tunisia waxa ay doonayaan in guud ahaan ay bedelaan xukumaddii dalka ka talinaysay, maaha in ay eryanayaan Ben Ali oo kaliya iyo intii ka ag dhaweyd. Inkasta oo Ben Ali baxsaday, haddana ragga maamulka uu uga tagay waa kuwii isaga ku harreereysnaa, taasoo ka dhigaysa kacdoonka shacabka reer Tunisia in aanu wali dhamaan. Dhowrka maalmood ee soo socda ayaa ah kuwo aad muhiim u ah, maadaama ay tilmaan u noqon doonaan jahada uu qabanayo dalka Tunisia. waxaana loo gogol-xaadhayaa doorasho guud oo dalkan ka dhacda muddo 60 maalmood gudahood.
Wakhtigan lagu jiro waxa muhiim ah in ay muuqato doorka dalalka reer Galbeedku, iyadoo uu horkacayo dalka Maraykanku. Waxaa lagama maarmaan ah hogaanka dalka Maraykanka ee arrintan si doorashooyinka la filayo ay u noqdaan kuwo u dhaca si xor ah oo loo siman yahay. Si aan loo afduubin rabitaanka shacabka reer Tunisia, waxa kale oo muhiim ah in hay’adaha aan dowliga ahayn (NGOs) ee dhiirigaliya dimoqradiyadda ay buuxiyaan doorka kaga aadan siyaasadda dalka Tunisia. Waxaa loo baahan yahay in aan la dhayalsan wixii ka dhacay Tunisia shalay. Haddii reer Galbeedku gacan-siiyaan kacdoonka shacabka Tunisia, islamarkaana uu guulaysto Isbedelkani, tani waxay noqon doontaa mid taariikhi ah, islamarkaana waa-cusub u furta shacabka dalalka wali ay ka taliyaan maamullada kaligood-taliska ah ee Afrika iyo Carabta.
Arrintan waxay wax ka badali-doontaa Saamayna ku yeelan doontaa maamulka dalalka Carabta iyo Afrika, kuwaas oo Madaxdoodu ay farta wadnaha ku hayaan, si aad ahna isha ugu hayaan isbadallada ka dhacaya dalka Tunisia, waxayna tani soo afjari doontaa siyaasaddi hore ee reer Galbeedka ee ku dhisneyd naas-nuujinta kaligii-taliyaha si loo dhowro amaanka guud. Majirto cid u baahan amaan iyo nabadgalyo lagu duudsiyaayo shacabka xaqiisa. Mana jirto cid doonaysa deganaasho ay ku naaxdo qolo yar oo inta kale caddaadisa, boobtana hantida shacabka. Waa in ay reer Galbeedku fahmaan in degenaashaha iyo amaanka dhabta ah uu gacanta ugu jiro shacabweynaha dalalkan.
Reer Galbeedka iyaga oo cashar ka baranaya wixii ka dhacay Tunisia, waa in ay soo afjaraan siyaasaadda ku dhisan “eeg oo sug,” islamarkaana ay garab istaagaan shacabka dulman ee dalalka ay wali ka taliyaa kaligood-taliyeyaasha ku naaxay gacantoodda, taas oo ah midda kaliya ee lagu heli karo degenaasho guud iyo amaan waara. Siyaasadda ah ”Eeg oo sug,” maaha mid sii shaqayn karta xiliga maanta lagu jiro. Run ahaantii, waxaa wax lagu farxo ah warbixinti uu warbaahinta siiyey madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, (halkan ka aqriso), taasoo uu ku sheegay in uu u “sacabba-tumayo geesinimada iyo sharafta shacabka Tunisia.”
Shacabka dalalka wali ku hoos jira kaligood-taliyeyaasha uma baahna in la garab istaago marka ay guulaystaan oo ay kasoo gudbaan safarka dhibka badan ee ay ugu jiraan helitaanka sharaf buuxda, waxay u baahan yihiin in dhibka ay ku jiraan la yaqiinsado hadda, gacanna lagu siiyo siddi ay isbadal u sameyn lahaayeen.Labadii sano ee ugu danbeeyey, majirin hal dal oo reer Galbeed ah oo si buuxda u garab istaagay dadaalladi ay wadeen shacabka reer Tunisia, kuwaas oo ay ku doonayeen in ay isbadal dimoqradiyadeed kaga hirgaliyaan dalkooda. Xaqiiqiyan, waxaa wax laga naxa ah in dalalka reer Galbeedku aanay taariikh ku lahayn abaabulka iyo dhiirigalinta kacdoonno lagu hirgalinaayo dimoqradiyeynta dalalka Carabta iyo Afrika.

0 comments:

Post a Comment