Hargeysa (BCT)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah u go’aamisay xilliga uu bilaabmayo korodhsiimada mushaharka Ciidamada iyo Shaqaalaha dawladda.
Sidanna waxa lagu go’aamiyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo ka qabsoomay qasriga maxadtooyada JSL oo uu Gudoominaayey Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
Warsaxaafadeed kooban oo laga soo saaray go’aanka lagu gaadhay shirkaas, ayaa u dhignaa sidan:-
“Fadhigii maanta oo ay Bishu Tahay 27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Waxa lagu Go’aamiyey in Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada uu ka Bilaamayo Bisha January ee Sannadka 2011 , Korodhsiimo iyo Bixinba.
Waxaanu Go’aanka Goluhu Amrayaa in hay’adaha Ku shaqada leh Go’aankan Fulintiisu ay sidiisa ugu Dhaqmaan.”

0 comments:
Post a Comment