Saturday, January 15, 2011

Diyaarad Habeeenkii Labaad Dul Heehaabaysa Magaalada Burco

Diyaarad  Habeeenkii Labaad Dul Heehaabaysa Magaalada BurcoBurco(Burcotoday)- Diyaad aan lagaranay ujeedadeeda ayaa Habeenkii labaaad ku dul wareegaysa hawada magaalada burco, waxaana ay dadku qaar sheegayaan inaanay ahayn diyaarad balse ay yihiin laba diyaaradood oo is waydaaranaya kuwaasoodadka qaar sheegeen inay Sawiro ka qaadayaan magaalada Burco.

Diyaaradahan oo duulimaadkooda jooga hoose  caawa fiidkii   ay dib ugusoo laabteen hawada magaalada burco  abaaro 7:00  taasoo shaki wayn gelisay dadweynha reer burco, iyadoo xalay ay dadka qaar ka seexanwaayeey  dhawaaqa iyo guuxa wayn diyaaradahaas.

War ay dad xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Oodweynenews  ayaa intaas ku daraya  inay  la xidhiidheen  wasiirka Duulista iyo Hawada oo ay arintani ahayd shaqadiisa iyo inuu warbixin ka bixiyo sababta ay diyaaradahan magaalada ugu meeraysanayaan, ayaa  wasiirkuna wuxuu ku jawaabay inay ka warhayaan Diyaaradaas isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

0 comments:

Post a Comment