Sunday, January 9, 2011

Cajiib: Ruug Caddaa 86-Jir Ah Oo Ka Soo Dagaalay Burma 1945-kii Kuna Nool Ceel-Afweyn Oo Kana Waramay Waayihii Dagaalkaasi

Ceel-Afweyn (BCT) – Oday Maxamed Caabi Maxamuud oo dadiisu tahay 86-jir ku nool deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegay inuu ka soo dagaal dalka Burma xiliyadii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka (Second world war), Isla markaana waxa uu ka waramay tiradii Ciidamadii u dhashay Somaliland ee la dagaal galay Boqortooyadii Ingiriisku u qaatay inay ka soo dagaalamaan Dalgaalkii 2aad ee gaar ahaan Asia 1930-kii ilaa 1945-kii.


Maxamed Caabi Waxa uu sheegay in markii uu ka qayb galay dagaalkaasi u ka mid ahaa Dhalinyaro ka soo jeeda reer Somaliland oo Ingiriisku u qaaday dagaaladii uu ka waday Burma.


Oday Maxamed Caabi Ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey waayihii iyo wacdarihii dagaalkaasi ay kala kulmeen iyo arimaha ku cusbaa dagaalkaas dagaalkaasi ay ku soo biiriyeen xeelado dagaal dhalinyaradoodii reer Somaliland ee wakhtigaasi ka dagaal galay qaarada Asia, isagoo tilmaamay inay xeeladahaasi ahaayeen qaar la yaab iyo anfariir ku beeray dhinacyadii ay dagaalka iskaga soo horjeedeen, isagoo xusay in dagaaladaasi ay ku soo kordhiyeen in xiliyada Habeenkii ay dagaal ku qaadaan dhufaysyada cadowga (Dagaalka Mir, ee habeenkii), kaas oo aanay isticmaali jirin ka hor, isla markaana halka uu gabalku ugu dhaco dagaalka ay ku kala hoyan jireen.


Maxamed Waxa uu sheegay in Jamhuuriyadii Somaliland British Protectorate ay dagaalkaasi uga qayb galeen laba Batalyan oo midkiiba yahay 1500 Askari oo la kala odhan jiray 71Kr iyo 72Kr, taas oo uu sheegay in dagaalkaasi oo muddo dheer soconayey, isla markaana la isku mari waayey xeeladihii dagaal oo uu xusay in ciidamadii ka socday Somaliland ay hor seedeen xeelad cusub oo guulo u hor seeday Ciidamadoodii uu hogaaminayey Ingiriisku, Xeeladaas oo ahayd dagaalka Habeenkii ee loo yaqaano Mirta.


Oday Maxamed Caabi waxa uu sidaasi u sheegay mar uu u waramayey Wariye Cismaan Cumar Faarax oo ka tirsan Ceerigaabo.com, ayaa sidoo kale ka waramay tiradii kaga dhimatay dagaalka Burma ciidamadii ka socday Somaliland, oo uu sheegay inay kaga geeriyoodeen 50 askari.


Oday Caabi waxa uu intaa ku daray in Bishii May 15/1945  amar lagu siiyey in  300 askari in laga shaqalaysiiyey Somaliland oo markaas xukumaayey Ingiriisku, isla markaana intii soo hadhay waxa fasax loo siiyey inay ka degi karaan oo ku noolaan karaan Dal kasta oo ka mid ah dalalkii ka tirsanaa xulufadii Ingiriisku hor kacayey, inkast a oo uu sheegay in intoodoodii badnayd ay ku soo noqdeen Dalkoodii hooyo oo uu u hayey Boholyow iyo xiiso.


Ugu dambayntii Oday Maxamed Caabi waxa uu ka codsaday dawladda Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland-ba in xuquuqdoodii la doono ragii uu ka midka ahaa mid geeriyooday iyo mid noolba.

0 comments:

Post a Comment