Friday, January 14, 2011

Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Oo Si Kulul Uga Jawaabay War Shalay Ku Soo Baxay Mid Ka Mida Wargeysyada Ka Soo Baxa Magaalada Hargeysa

Hargeysa (BCT)- Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ayaa beeneysay  war ku soo baxay mid ka mid ah wargeysyada madaxa banaan ee ka soo baxa caasimada ee  Hargeysa, oo qoray masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi oo isku faro saaray tababar xubno suxufiyiin ah oo ka tirsan wasaaradaasi ay ugu baxayaan dalka Itoobiya.

Warsaxaafadeed la sheegay inuu ka soo baxay wasaarada warfaafinta hase yeeshee aan la magacaabin cida soo saaray  ayaa lagu beeniyay warka wargeyska oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah.

warsaxaafadeedkan oo ay Idaacadda dawlada ee Radio Hargeysa  Iyo TV-ga SLNTV ay caawa ku cel celinayeen  ayaa u dhignaa sidan:-

 

“Warsaxaafadeed  ka  soo  baxay  wasaarada  Warfaafinta  ayaa ku tilmaamay  wax laga  yaqyaqsado  oo  been  abuur  ah  war  ku  soo  baxay  wargeyska  Waaheen  cadadkiisii maanta  ee  13ka jenawari oo  ciwaankiisu  ahaa “masuuliyiinta  warfaafinta  oo  isku  gacan  saaray  xulidda  suxufiyiin  tababar  u  bixi lahaa”  warkaas  oo ah  mid  been  ah  oo a an  dheeli tirnayn,  isla  markaana  waajib  ku  ahayd  Jariiradda  haddii  war  cid  khuseeya  ah  heshay  inay  wax  ka  waydiiso  warkaasi  si  ay  uga  badbaado  been  abuur  iyo  dheeli tir  la’aan la  mid  ah  tan  uu  maanta  dhex  dabbaashay  husiino la’aan.

Ta  labaab  waxa  isla  warkaas  ku jiray  in  tababarka  loogu  talo  galay  in ay  Adis ababa  ku  tagayaan  saddex  suxufi  oo  Warfaafinta  ah  iyo  saddex  suxufi  oo  warbaahinta  madaxa-bannaan  ah,  balse  ay  wasaaradda  Warfaafinta  isku  koobtay  oo  ay  si  qarsoodi  ah  iyadu  u  damacday  in  aanay ka  qeyb  galin  saxaafadda  madaxa-bannaan,  kaasoo  isaguna  ah  been  abuur  labaad  oo  uu  qoray  wargeysku.

Haddaba  xaqiiqada  warkaasi  waxa uu  yahay  siminaar  ku  saabsan  xidhiidhka  Hay’adaha  dawliga oo lagu  martiqaaday  afar  wasaaradood  oo kaliya  oo  ka mid  ah  wasaaradaha  jamhuuriyadda  S/land,  ujeeddadiisuna  tahay  in  lagu  siiyo  tababar  ku  lug  leh  wada shaqeynta  hay’adaha  dawliga,  sidaa  darteed  ma  jirto  suxufi  iyo  saxaafad  madaxa-bannaan  oo lagu  marti qaaday  siminaarkaasi,  wax shaqo  ahna  kuma  laha  dhinaca  saxaafadda.

.

Beenta  kale  ee  saddexaad  ee  uu  sida  indho  la’aanta  ah  wargeyska  Waaheen  ku  faafiyey  isla  cadadka  waa  isagoo  xukkuumaddu  Somaliland  ku  sheegay  inay  damacsan  tahay  inay  Golayaasha  sharci dejinta  hordhitgo  xeer  saxaafadeed  oo lagu  cabbudhinayo  saxaafadda madaxa-bannaan,  xaasha,  wasaaradda  Warfaafinta  oo  wakiil  uga  ah  xukuumadda  dhinaca  warbaahinta,  ma jirto  xeer  saxafadeed oo  xukukumaddu ku  damacsan  tahay  inay  ku  cabbudhiso saxaafadda  madaxa-bannaa  sida  uu  qoray  wargeysa  Waaheen,  wasaaradda  Warfaafinta  waxay  hore  u  dalbatay  iska  daa  xeer  cusube,  in  dib  loo s oo  celiyo  xeerkii  saxaafadda  ee xukuumaddii  hore  u  gudbisay  Golayaasha  sharci  dejinta,  isla  markaana  la  dhqan geliyo  xeerka  saxaafadda  ee hore  ay  u  ansixiyeen  Golayaashu,  waxayna  wasaaradda  warfaafintu  mar  walba  u  taagan  tahay  ilaalinta  iyo  kobcinta  saxaafadda,  sidoo  kalena  la  abuuro  jawi  wada  shaqeyneed  oo  u dhaxeeya  wasaaradda iyo  saxaafadda.

Iskasoo  ay  sidaa  tahay,  haddana  taa  macnaheedu  maaha  in s axaafaddu  xor  u  tahay  inay  ummadda  u baahiso  wararka  ku-tidhi   ku-teenka  ee noocan  oo kale  ah,  waxaanu  meel ka  dhac ku  yahay ,  milgaha  aaminaada  iyo sharafta  saxaafaddu  huwan  tahay

Wargeysta  Waaheen  waxa  looga  baahan yahay  inuu iska  saxo khaladaadka  noocan  oo kale  ah oo kusoo  noqnoqda  muddoyinka  dembe,  sidoo  kalena  uuiska  xaqiijiyo  warrarka  halka  dhinac  ah  ee  uu  hubsiino  la’aanta  u  qoro,  waxaana  waajib ku  ah  inuu saxo  uu ku  qoray  meel  la  mid  ah halkii uu  warkaa beenta  ahi,  kusoo baxay.”

0 comments:

Post a Comment