Tuesday, January 18, 2011

Magaalada Hargeysa Oo Ay Saaka Dhaxan-xeeryaan Ahi Ku Habsatay + SAWIRO

Hargeysa (Burcotoday)- Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa saaka ku waabariisatay dhaxan xeeryaan ah oo ku geedaaman, taas oo wadatay dhibco yar yar oo roob ah.

Ceeryaan-dhaxameedan oo qayb ka ah dhaxanta iyo qabow fara badan oo muddooyinka dambe ka dhacayay deegaanada Somaliland, iyada oo lagu jiro wakhtiga loo yaqaan juube-qallaalka oo inta badan la arko xilliyada jiilaalka.
Ceeryaan-dhaxameedan oo magaalada ku hareeraysnayd muddoo saacado qaaday, ayaa waxa aad loo dareemayey dhaxan fara badan, “Runtii saaka waxa aanu la soo toosnay dhaxan aad u qabow, taas oo sababi gaadhay inaan soo shaqo tegi kari waayo.” Sidaa waxa yidhi Cabdiqaadir Cabdilaahi Nuur [Almis] oo ka mid ah dadweynah reer Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa.
Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Inkasta oo dhaxantu maalmahanba dhacaysay, haddana tani waxa ay kaga duwanayd waxa ay wadatay dhacdo amma qabow da’aya.”

0 comments:

Post a Comment