Monday, January 17, 2011

Nin Dhalinyaro Ah oo Isku Gubay Dalka Aljeeriya kadib markii Loo Diiday Shaqo & Dhacdadan oo Lamid Ah Wiilkii Tunisiya Isku Gubay Ee Ay Ka Bilaabmeen Rabshadihii Keenay Inuu Cararo madax Weyne Bin cali

AL-JERIA(BCT)- Jariirada Al-Khabr ayaa sheegtay in nin dhalinyaro ah uu naftiisa ku gubay dalka Aljeeriya kadib markii uu maamulaha dowlada hoose ee dalkaa uu u diiday ninkaa inuu shaqo siiyo, Ninkaa dhalinyarada ah oo isu gubay dariiqadii uu isu gubay wiilkii Reer Tunisiya ee ay ka bilaabmatay rabshadaha keenay in madax weyne Bin cali Xukunkii laga tuuro,



Ninkan dhalinyarada ah oo 22 jir ah laguna magacaabo Muxsin ayaa jariiradu sheegtay in isaga iyo Dhalinyaro kalle ay u tageen maamulaha Dowlada hoose isla markaana ay ka dalbadeen inuu shaqo siiyo, maamulaha dowlada ayaa dhalinyaradaa u sheegay in aanuu u haynin wax shaqo ah, Wiilka is gubay ayaa markii hore ugu hanjabay maamulaha inuu is gubi doono hadii uu shaqo siin waayo, Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in maamuluhu uu wiilkaa ugu jawaabay si aan fiicnayn isagoo ku yidhi hadii aad leedahay geesinimadii Wiilkii Reer Tunisiya Batrool isku shub oo is gub anigu wax shaqo ah ku siin maayee,


Wiilkaa ayaa sida Jariiradu sheegtay isku Rusheeyey Batrool isla markaana kabriid isku qabtay iyadoo Boqolaal qof ay goobtaa joogeen. Ninkaa ayaa waxaa u gurmaday dadkii halkaa ku sugnaa iyadoo la bakhtiiyey lagana bad baadiyey dhimasho, wiilkaa ayaa isbitaalka loola cararay iyadoo xaaladiisu aanay fiicnayn,



Jariiradan Al khabar ayaa sheegtay in mas,uuliyiinta gobolku ay shaqadii ka joojiyeen Maamulihii dowlada hoose isla markaana ay sheegeen inay maxkamad soo taagi doonaan sidoo kalena waxay dadka ka codsadeen inay is dejiyaan oo ay amaanka waddanka illaaliyaan,


Arinta Ninkan dhalinyarada ah ee is gubay ayaa keentay muran badan iyo in fiiro gaar ah ay u yeeshaan waddamada mandaqadaasi iyadoo la xusuusan yahay in Rabshadaha kasocda dalka Tunisiya ay ka billaabmeen Nin dhalinyaro ah oo 27 jir ah una dhashay dalkaa oo is gubay bishii Decembar kadib markii maamulaha dowlada hoose ee caasimada Tunisiya ee Tunis uu u diiday inuu siiyo warqad ogolaansho ah oo uu ku iibiyo khudrad uu suuqa la fadhiisan jiray ninkaa oo ahaa nin maskiin ah oo miis dushii ku iibiya xooggaa khudrad ah iyadoo rabshadii halkaa ka billaabmatay ay keentay afar todobaad kadib inuu dalkaa ka cararo madax weynahoodii Bin Cali,





0 comments:

Post a Comment