Wednesday, January 12, 2011

Ra’iisul Wasaaraha DKMG Ee Soomaaliya Oo U Ambabaxay Dalka Maray

Muqdisho(Burcotoday)- Waxaa uu Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ah Ra’iisul Wasaaraha DKMG Ee Soomaaliy iyo  wafdi uu hogaaminayo ay u ambabaxeen dalka maraykana,  isagoo  ka qayb gali doono shir Qaramada Midoobay ay ka yeelan doonto arrimaha Soomaaliya kaasoo furmaya Afar iyo Tobankeeda .

Waxa uu Kullanka Qaramada Midoobay laga hadlayaa  in looga doodo doorka iyo tiradda ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku ilaaliya dowladda KMG ah, Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa kamid ah: wasiirka gaashaandhiga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka, Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax iyo wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta  Cabdikariin Xassan Jaamac.

Waxa uu Safarkani noqonaya kii labaad ee uu Ra’iisal wasaare Farmaajo dibada ku tago tan iyo markii lasoo magacaabay, waxaana kii kan ka horeeyay uu ku kala bixiyay wadamada Ethiopia, iyo Jabuuti.

0 comments:

Post a Comment