Sunday, January 2, 2011

Diyaarada Siday Saanada Milatari Oo Maanta Dalka ka Duushay iyo Xukuumada Siilaanyo oo ka Hadashay

Hargeysa ( Burcotoday)- Diyaaraddii muddada bisha ku dhaw ku xanibnayd madaarka dayuuradaha  ee magaalada Hargeysa oo saanada millateri u siday maamul-goboleedka Puntland iyo weliba lix nin oo isugu jiray duuliyayaal iyo shaqaale, ayaa maanta gebi ahaanba ka duulay madaarkaasi, kadib markii la sii daayey.
Diyaaradda iyo shaqaalaha oo xukun xadhig iyo ganaax isugu jira ay maxkamadda gobolka Hargeysa Khamiistii toddobaadkii hore ku riday, ayaa sida la sheegay lixda nin ee watay ay gebi ahaanba iibsadeen xadhigii lagu xukumay, isla markaana la wada bixiyey dhammaan ganaaxii la saaray iyaga iyo diyaaraddaba, halka qalabkii ay siday Somaliland la hadhay.

Wasiirada Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada iyo Duulista iyo Hawada iyo weliba Taliyaha guud ee ciidanka booliska iyo Xeer-ilaaliyaha guud oo ka hor intii aan la sii dayn diyaaradaasi shir shir jaraa’id ku qabtay madaarka, ayaa sheegay in agabka iyo saanadda ciidan ee diyaaraddu sidday u gudbin xukuumaddu u gudbin doonto golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee kiiska diyaaraddani soo maray, waxaannu yidhi, “Xukuumada Somaliland waxay go’aansatay in ay arrintaas la socod siiso Golaha ammaanka, waxay noo soo direen gudi xaqiiqo raadis ah, gudidaasi waxay caddaysay in dayaaradani ay jabisay xeerkii tirsigiisu ahaa 733 ee ka soo baxay Golaha Amaanka, waxa kale oo cadaatay in ay jabyeen qawaaniinta Somaliland, intaasi ka dib waxa ciidanka ammaanku dacwad u gudbinay Maxkamada Gobolka, waxa ay si madax banaan u gudo gashay dhagaysiga dacwadaas.”

Wasiirka oo ka hadlayey sida lagu sii daayey nimanka la xukumay, waxa uu yidhi, “Waxay ka soo saartay go’aano isugu jira ganaax iyo xadhig oo lagu riday dadkii iyo dayaaradiiba, dadkaasi asalkoodu waxa ay u badnaayeen wadanka Ruushka. Waxa hore loo sii laba saxafi oo diyaarada rakaabka ka ahaa.
Maxkamadu markay nimkaas xukumaysay waxa ay u jidaysay inay xadhigooda iibsan karaan. Xadhigoodii iyo ganaaxoodiiba way bixiyeen iyo kii dayaaradaba sidaasi darteed xukuumaddu way fulisay go’aanka maxkamadda waana ay sii daysay lixdii nine ruushka ahaa iyo diyaaradiiba waa ku waa imika tagay ee madaarkan ka duulay iyaga oo bad qaba laguna sii daayey go’aan Maxkamadeed.”


Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ka hadalay Saanadii milatari ee ay Diyaaradu siday, oo uu sheegay inay ku wareejinayaan qaramada midoobay waxaanu yidhi “Saanaddii Diyaaradani siday oo aanu anagu dawlad ahaan u arkaynay in ay sharciga baal marsan tahay isla marnaana ay dunidiina nagu raacaday, isla markaana shacabka iyo xukuumada Somaliland ay ka mid yihiin Adduunka ayna ilaaliyanaa Qawaaniinta Caalimiga ah ee ay dunidu sida Guud u wada leedahay, qalabkaas oo ahaa mid mamnuuc ka ahaa Gobolka wareejinayaa qaramada midoobay Golaheedd nabadgeyada oo horena u hayay dacwadada arrintan.” aanu ku xukunayna ay ahaayeen kuwo ka soo baxay Golaha Amaanka, waxan aanu isda u dhakhsaha badan ku wareejinayaa qaramda midoobay Xafiisyadeeda u qaabilsan arrimhaas, marka ay suuro galnaqoto.”

Ugu damabaytiina Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu ka hadlay shirkada Saracen ee wada qorshaha lagu tababarayo ciidammada Puntland ee hubkanina u socday.
“Arrinta shirkadaha qawaaniinta baalmarsan sida tan Saracen oo leh masuuliyada dayaaradan Saanadu saarnayd sida laga war qabana u socotay Maaulka Gobolka Puntland waxa imikaba ku bilaabmay dacwado ka dhan ah shirkadaas, taasna waxa keentay dadaalkii Xukuumada Somaliland, waxana aanu rajaynayaa in ay taasi yarayn doonto hawgalada Shirkada Saracen ay ka wado mandaqadan, waxa ay arintaasi ku dhamaantay guul weyn oo u soo hoyatay Shacbiga Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.
<>E-mail
PDF
Print

0 comments:

Post a Comment