Monday, January 3, 2011

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Digay Shaqaalaha Dawlada Ee Imtixaanada Lagu Dhimayo, Uguna Baaqay Xukuumadda Inay Wax Ka Qabato Tuugta Amaan Darada Dalka Ka Wada

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Digay Shaqaalaha Dawlada Ee Imtixaanada Lagu Dhimayo, Uguna Baaqay Xukuumadda Inay Wax Ka Qabato Tuugta Amaan Darada Dalka Ka Wada “Dawlad Waxaanad Filayni Wey Kaaga Soo Baxaan, Shaqaalaha La Qaadanayo Waa In Loogu Horaysiiyo Tuugta Bilayskuna Wuu Yaqaanaa, Wasiirku Kolka Uu Amarka Bixinayo Waa Inuu Waayo Araga La Tashadaa, Nin Shaqaynaya Shaqada Iiga Eri Dhaqan Aynu Lahaan Jirnay Maaha” Xaaji Cabdi Waraabe
Hargeysa, January 3, 2011 (Togaherer.com) – Odayga ruug cadaaga ah ee ugu da’da weyn xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka  Somaliland Xaaji C/kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) ayaa xukuumada uga digay Imtixaanaadka ay ku dhimayso shaqaalaha dawlada, uguna baaqay shaqaalaha wasaarada Maaliyada ee ku dhacay Imtixaanadii dhawaan laga qaaday ee Mudaharaadka sameeyey shalay ay joojiyaan rabshadaha guddi kooban oo xukuumad la xaajootana iska soo saaraan.
Xaji Cabdi-Waraabe waxa kale oo uu ka digay xaalada amaanka caasimada iyo Tuugtii madaxweyne Siillaanyo cafiska u fidiyay badhtamihii bishii August ee sanadkii 2010-ka oo uu sheegay inay dadweynaha caasimada ku dhaqan cabsi amaan daro ku hayaan, uguna baaqay in ciidamada amaanku ay si dhakhso ah ugu hawl galaan wax ka qabashada kooxaha Tuugta ah ee dilaacay.
Xaaji Cabdi-Waraabe oo xog waran kooban oo khaasa wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay caasimada Hargeysa ayaa sidoo kale shacbiga ugu baaqay in amaanka ilaalintiisa ay ku hawl galaan.
Xaaji C/kariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka hadlaya mudaharaadka shaqaalaha Maaliyada waxa u yidhi “Qalad  tirada intaa leeg  ee shaqalaha  ah ee la yidhi shaqo beelaa  inay buuq sameeyaan maaha waa inay si miyir qaba wax u sheegtaan, shaqaale muddo dheer soo shaqaynayay-na in hoos loo eegaa weeyi Miyirbaa hadii xaajada hoos ha loo eego Imtixaana laguma gali jirin shaqada nin Geela ka yimid ayaa shaqada gali jiray nin soo shaqeeyay oo xaas leh oo baahan in hoos loo eegaa weeyi, qolada la dhimayna inay Mudaharaad iyo rabshado wax ku doonin, waa inay guddi samaystaan madaxda ula hadasha ayaa looga baahan yahay, xukuumadu hoos haw u eegto xalkaas, Mudaharaad iyo qalalaase  uma baahin, nin gar leh oo diriray iyo nin bilaawe leh oo margaday ayaa raga ugu liita, dawlad-na  waxaanad filaynin wey kaaga soo baxaan ama ha kaa farxiyaan ama ha kaa nixiyaane ninka buuq sameeya gartiisa la qaadi maayo, madaxduna xaalka shaqaalahaasi wax ha ka qabtaan hoosna ha u eegaan nin Jaamacad ka soo baxay iyo Oday muddo dheer soo shaqaynaayay marka la yidhaahdo  ku loolama shaqada waa arin adag, ninbaa shaqo kaaga eryayaana iyo meel soo eego dabeecad inagu cusub weeyaan goorteeda aynu gaadhno shaqaale Imtixaan soo wada mara cagta u dhiga oo talada qaboojiya.”
Xaaji Cabdi isagoo ka hadlaya saamaynta ay nabad galyada ku yeelan karto kacdoonka shaqaalaha ka bilaabmay iyo amaanka caasimada ee Tuugta faraha baas ku haysa dadweynaha waxa u yidhi “Waxaan leehay masuuliyiinta xukuumada yaan nabad galyada la dhaawicin, idinkoo is leh wax wanaajiya yaynaan hantaaqo ku dhicin arinkana tukubiya deg-degena iska ilaaliya, waxa run ah in Tuugtii xabsiyada laga soo daayay ee la cafiyay habeenkii lagama seexdo oo waa kuwaa Haweenka Biriishyada ka tuuraya ee tooriyaha la dhacaya arinkaana waa in xukuumadu wax ka qabataa. Ciidanka Bilaysku-na waa inay xaafadaha caasimada haabeenkii Roondooyin u diraan, Wasiirku kolku amar bixinaayo ama talo gaadhayo waa inuu Odayaasha waayo araga ah talada ka qayb galiyo si aanay dhalin yaradu ugu buuqin oo aanay u kicinin waa la tilmaamayaa, Tuugtu waa rag rag ah ee nacasyo maaha tuuriyaha ha iska dhigaan tuugana lama waayayo waase la kala talo wanaagsan yahay haddii dadka laysaan idinkana waa la idin dili, haddii se wax yar xadaan sidaa maanta la idin soo daayay ayuunbaa la idin soo dayn doonaa. barigii hore Somaliland waxay lahayd Tuug wanaagsan oo aan wax dili jirn Mindiyo-na aan sidan jirin colkan Minidyaha iyo faashashka sitaa ha iska dhigaan sanadka soo socda badhtamihiisa waxaan filayaa in la waayi doono cid bilaa camal ah oo shaqooyinka laga naadin doono suuqyada sida ay xukuumada cusubi ee talada haysaa ay u muuqato, Warshadii Sibidhkaa la furi doonaa, Shidaalka dalkaa la soo saari doonaa jidadka iyo Madaarada ayaa la samayn doonaa, waxaan leeyahay shaqooyinka la abuuri doono ha loogu horaysiiyo inamada Tuugta ah ciidanka Bilaysku-na wuu yaqaanaaye ha lagu jiheeyo shaqooyinka ugu horeeya ee soo baxa ayaan ku talinayaa.

0 comments:

Post a Comment