Monday, January 17, 2011

Guddi Heer Qaran Ah Loo Soo xulay Inay Soo Doortaan Guddida Xuquuqal Isaanka Oo Maanta Doortay Guddoomiye iyo ku Xigeen + SAWIRO

Hargeysa(BCT)- Guddi  loo soo xulay in ay soo doortaan guddida Xuquuqal  Isaanka Qaranka, ayaa maanta kulankoodi ugu horeeyey   ku qabsaday  Xarunta Golaha Wakiillada ,  kulankaas  ay  yesheen guddidasi ayaa waxa ay  ku doorteen  Guddomiye iyo Gudomiye ku Xigeen.

Guddidaas oo u sadeex ka mida soo magacabay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxamuud (Siillanyo) oo kala ah Maxamed Cali Aadan, Suladaan Dakiir, Eng.Xasan Axmed Cilmi, labana uu soo magacaabay Gudomiyaha Golaha Guurtida  Md.  Saleebaan Maxamuud Aadan, xubnahaas oo kala ah Xil. Cabdiqadir Maxamed Xasan (Indho indho),  Xil. Cabdiraxmaan Sh.Yusuuf Sh.Madar, halka labana u so magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Maxamed Xirsi Oomane, oo kala aha, Yasiin Xasan Ismaaciil,Axmed Diriye Qaalib, ayaa loo igmaday inay soo xulaan Afar iyo tobaan xubnood oo noqon doona guddida Xuquuqal Isaanka Qaraanka.”

waxaanay sheegen guddidasi inay iyagu qaban doonan Araajida Dadka ladoonayo inay ka mid noqdan Guddida Xuquuqal Isaanka Qaranka, waxana ugu horayn halkas ka  hadlay Xilibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan (indho indho) waaxana hadaladiisi ka mida ahaa “halkan waxaanu ku fadhinaa todoba  xubnood oo Saddex Madaxweynuhu soo magacaabay iyo laba uu Guddoomiyaha Guurtidu soo magacabay iyo laba uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo magacaabay,Sadexdaa qaybood ayaanu kakoobanahay,  waxaananu nahay Guddidii soo xuleysay Guddida Xuuquqal Isaanka Qaraanka.”

waxa kale oo uu intaas ku daray Md. Indhoindho ” waxanay ujeedada  aanu halkan u fadhinaa tahay inaanu doorano Guddoomiyihi iyo Guddoomiye ku Xigenkii, markaa waxaanu Guddoomiye u dooranay  Suldaan Daakir  halka  Guddoomiye ku Xigeena  aanu u dooranay Cabdiraxmaan sh.yusuuf sh.madar, waxaanu  sidoo kale  qabanayna Araajida Dadka doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha Guddida  Xuuquqal Isaanka Qaraanka anaga oo muddo shan iyo toban Cisho ah ku bahin doona Warbahinta  Cidda loo bahanyahay inay ka mid noqoto  oo  tiro ahaan ah Afar iyo tobaan Qof  iyagaana  hadhow iska dhex dooranaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku Xigeenka Afar iyo tobankas xubnood.”

isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Xil.Cabdiqaadir ” markii aanu la kulanay Madaxweynaha, Guddoomiyaha  Golaha Guurtida,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee waliba naloo soo duceyey waxanu go’aansanay  inaanu  samaysano Guddoomiyhas iyo ku Xigeenkiisa mantana waa kal fadhigayagii kowaad ”sida waxa sheegay xiliban Cabdiqadir indhaindho.

Gabogabadii waxaa halkaa ka hadlay Suldaan Daakir “waxaa naloo soo xulay inaanu u adeegno Bulshada oo anu si dacad nimo ku dhehantahay ugu adeegno waxnaan rajaynaya inay si khayrleh noogu dhamaato hawsha nalo xil saaray ama nalo igmaday”

0 comments:

Post a Comment