Tuesday, January 4, 2011

Hargeysa: Tuug Faro Baas Ku Haya Gaadiidka Yar Yare Ee Xaragada, Kalana Baxa Indhaha Iyo Muraayad- Haadda

Hargeysa  (BCT)-  Kooxo Tuug ah ayaa in dhawaaleba faro baas ku hayey gaadiidka yaryar ee lagu xaragoodo ee caasimada Hargeysa, kuwaas oo kala baxa Indhaha (Light) iyo Muraayad Haadada kadibna dib uga iibiya suuqa, isla markaana la sheegay in laga siisto qiimo ku dhaw $30.

Tuugtan oo ka qadhaabta Parking-nada gaadiidka yaryar la dhigo ee Hargeysa ayay cabasho ka muujiyeen dadka gaadiidka yaryar ku tamashleeya, kuwaas oo sheegay in mudooyinkan dambeba ay Tuugtaasi kordhiyeen xirfada ay ku xadayaan qalabkaasi.

Ismaaciil Maxamuud oo ka mid ah raga ay tuugtaasi kala baxday baabuurkiisa Indhaha Laydha ee hore iyo Muraayad-haadda, ayaa isaga oo arrintaa ka xog-waramaya yidhi  “Tiraba laba jeer ayaa la igala baxay muraayad-haadda gaadhigayga, waxaana markii ugu horeysay la igala baxay anigoo dhigtay gaadhiga meel suuqa dhexdiisa ah, maalmo ka dib markii aan Spare Parte-ka uga soo iibiyey Indho cusubna, mar labaad ayaa waxa la igala baxay anigoo ku sugan  meel baarkin ah oo aan sidaa uga fogayn Masjidul Jaamaca Hargeysa oo aan qof ka soo eegaayay dawlada hoose”.

Indhahan iyo Muraayad Haadyada gaadiidka ayaa marka laga yimaado tuugtan ku mamtay inay kala baxaan, isla markaana dib uga iibiyaan suuqa, ay faa’ido u leedahay gaadiidka xiliyada habeenkii iyo marka ay dib uga baxayaan meel ay taagnaayeen oo muraayad haadku ay ka arkaan wixii ka dambeeya ama daba maraya baabuurka si aanay shil u galin.

Si kastaba ha ahaatee Wajigan cusub ee Baabuurta kala baxayaan qaybo ka mid ah qalabka ayaa horseedi doona haddii aan si degdeg ah wax looga qaban inay sii baahdo ama gabi ahaanba ay bartaan sida tuugta caalamiga ah inay baabuurta xadaan, isla markaana si fudud ay si fudud u badali karaan Engine Numberka iyo Nambarada kale, taas oo hadhow ay adkaato in wax laga qabto.

0 comments:

Post a Comment