Saturday, January 8, 2011

MAXAKAMADA XUQUUQUL INSAANKA MIDOWGA YURUB OO DIIDAY IN QAXOONTI SOOMAALIYEED OO KU SUGAN WADANKA HOLLAND DIB LOOGU CELIYO WADANKOODII.

Strasbourg:(BCT) Maxakamada Xuquuqul Insaanka ee Midowga Yurub ayaa ka hortimi go’aan dawlada Holland ku rabtay in qaxoonti Soomaaliyeed dib ugu celiso dalkoodii kadib markii ay ku guuldaraysteen codsigoodii magangelyo. Maxakamada ayaa sheegtay in xaalada dalka Soomaaliya ay meel halis ah marayso isla markaasina hadii Soomaalida magangelyo doonka ah dib loogu celiyo dalka Soomaaliya ay noloshoodu halis geli karto.


Dhawaan ayay ahayd markii ay xukuumada cusub ee Netherland sheegtay in dadka ka yimaada magaalada Muqdisho oo qudha ay u arki karto dad ka yimi goob colaadeed balse deegaanada Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo hore xukuumada Holland utaqaanay goobo colaadeed ay hada u arkayso goobo nabdoon. Geesta kale Gudoomiyaha hay’ada caawisa dadka qaxoontiga ee magaceeda loo soo gaabiyo VWN Mr  Dorine Manson ayaa sheegay in uu aad u rajaynayo in dawlada Netherland ay tixgelin doonto go’aanka maxakamada ku dhawaaqday.

 

0 comments:

Post a Comment