Tuesday, January 18, 2011

Taliyaha Ciidanka NATO ee La Dagaalama Budhcad Badeeda Oo Walaac Ka Muujiyaya Xeeladaha Cusub Ee Budhcad badeeda Soomaalidu Lasoo Bexeen.

Mombasa(OWN)- Gaashaanbuurta NATO oo sheegtay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay la soo baxeen xirfado cusub kuna baaqday in…   Dalalka ku bahoobay Gaashaanbuurta NATO ayaa walaac ka muujiyey wax ay ku tilmaameen habab cusub oo ay kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah maraakiibta kaga afduubayaan biyaha ka fog xeebaha dalka Soomaalida, taas oo ay sheegeen inay carqaladayneyso la dagaalankooda, sida lagu shaaciyey Wargeyska People’s Daily Online.   Taliyaha ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Michiel Hijmans oo ka tirsan ciidamada badda ee Netherlands ayaa sheegay inay xilligan burcad-badeedu ka sii xarfad bateen sidii hore, isla markaasna ay la soo baxeen sida uu yidhi tabab cusub oo ay u afduubtaan maraakiibta.

Taliyahan oo shir jaraa’id ku dul qabtay markab dagaal oo lagu magacaabo Frigate HNLMS De Ruyter ayaa sheegay inaanu fududeyn dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida, isla markaasna ay u isticmaaleen meelaha ay weerarada ka soo qaadayaan hoygoodii hooyo, iyadoo la-heystayaashii ay soo qafaasheena saaran yihiin.   “Waxay weerarayaan Maraakiib badan oo ganacsi, iyadoo markaas ay adag tahay inaanu kala ogaano inay dhab ahaan yihiin burcad badeed, haddii ay xaaladdu sidaas tahayna, haddii ay la heystayaashu badbaadayaan iyo haddii kaleba” ayuu yidhi Mr. Hijmans, wuxuuna intaasi ku daray taliyuhu in xilligan ay burcad badeedu bilaabeen habab cusub oo ay kaga hortagayaan in la leexsado markab ay qafaasheen iyo iyaga oo xittaa qiiq ku furaya markabka si aanay cidiba u arkin.

Mr. Hijmans waxa uu u soo jeediyay xukuumadda Kenya inay wax badan ka qabato la-dagaalanka burcad badeeda, isagoo sheegay in dalka labaad ee ay arrintani aafaynaysaa dalkaas yahay, marka lagu daro saameyn ay ku yeelato laashashka dalxiisayaashu wataan, Maraakiibta Kalluumeysiga iyo ganacsiyadooda kaleba, wuxuuna intaas raaciyey inay adkaaneyso in la kala saari kari waayo doonyaha burcad badeedu wataan iyo kuwa kalluumeysiga, taas oo la mid ah buu yiri, in hore loo kala saari waayey doonyaha tahriibayaasha ku sii socda dalka Yamen iyo kuwa burcad badeeda ah.

0 comments:

Post a Comment