Monday, January 17, 2011

Gabadh 5-jir ah oo Faro Cididood Kaga Badbaaday Koox Afduubayaal ah oo Ka Ganacsada Caruurta Da’doodu Yar tahay

Hargeysa(BCt)- Fardowsa Axmed Cabdilaahi oo ah Gabadh yar oo da’deedu tahay Shan jir, ayaa xalay fiidkii hore laga afduubay Gurigooda oo ku yaalla Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargaysa, kadib markii meel u dhaw Wajahada Gurigooda oo ay xilligaasi taagnayd ay ka qafaasheen Niman lagu qiyaasay ilaa 5-nin, kuwaasoo  la sheegay inay wateen Gaadhi noociisu yahay Surf, waxaana jira dad si gaar ah u ugaadhsada Caruurta yar yar ee aan Caqligoodu dhammayd,iyadoo la sheegay inay jiraan dad Arrin ganacsi ka daya oo sida ay Ilo wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen la sheegay inay ku xidhan yihiin meelo kale.

Fardowsa Axmed Cabdilaahi ayaa wakhtigii ay nimankaasi isku dayayeen inay qafaashaan ayaa waxa ka war heshay Rooda Mataan oo ah Hooyada dhashay Gabadhan yar ,ayaa markii ay aragtay in Inanteedii yarayd ay sii wataan Dhawr nin ayey qaylo mar qudha isla oogsatay, waxaanay ku soo kicisay dadkii xaafada deganaa, isla markaana waxa ay sheegtay in Nimankaasi intay Inantii dhaawac gaadhsiiyeen ay ka carareen oo ay Gaadhi nooca Surf-ta ah ay ku baxsadeen.
Hooyo Rooda Mataan oo Xalay  nagu soo booqatay xarunta Wargeyska HargeisaStar, iyadoo ay weheliyaan Gabadha ee Tuugta laga soo reebay,ayaa war bixisay Fardawsa yar qaabkii ay doonayeen in ay u afduubaan waxayna ka xog-warantay dhacdadii ay la kulantay waxayna hadalkeeda ku bilawday “Nimanka rabay inay I afduubaan waxay ahaayeen shan nin ka dibna inta ay I qaateen ayay ila yaaceen in woxoooga ah inaga oo qaylo miciinsanaya, waxaana mid ka mid ahi uu isku dayay in uu afka gacanta iga saaro si aan qayladayda loo maqal.
Hasa yeeshee, hooyaday oo xiligaa guriga hortiisa soo istaagtay ayaa dhawaaqa qayladayda maqashay waxaanay soo carartay hooyaday iyada oo muusanaabaysa oo leh Fardawsaay Fardawsaay, mid ka mid ah ayaa dabeeto yidhi naga sii daaya aabeheed yar intaa ka dibna way isii daayeen intuu feedh igaga dhuftay mid ka mid ahi sujuuda, waxaana markii qayladayda la maqlay ee dadkii xaafadu soo wada baxeen ayay nimankii yaaceen waxaanay fuuleen gaadhi cas (Surf) oo sakada naga sii jeeda jooga.”
Hooyo Rooda Mataan Aw Xaashi oo ka waramaysay qaabkii ay wax u dhaceen ayaa waxay tidhi “horta inantu markii ay iga soo baxday dhinica musqusha ayay soo qabatay dabeeto markii ay cabaar iga maqnayd wakhtiguna uu ahaa habeen ayaan inantii yarayd kasoo daba kacay waxaan arkay oodii guriga oo dhinac la baneeyay dabadeed waxa igu dhashay shaki ah inantii yarayd waa la qaatay markaa waan qayliyay oo dadkii xaafadoo dhan ayaan isku soo kiciyay waxaanan markiiba isha ku dhuftay nimanka inanta la sii yaacaya hasayeeshee, markii aan ka daba hadhi waayay dadkii xaafaduna meesha iskug u soo baxeen ayay inantii yarayd intay halkaa wajiga ka feedheen iska tuureen.
Niman kaasina waxay wateen gaadhi oo sakada naga sii jeeda ay ka fuuleen gaadhi midibkiisu casaan yahay oo nooca laankuruusalada leeg ah (Surf) kaasoo runtii u sahlay in ay si fudud nooga baxsadaan, waayo dadka xaafadu may haysay wax gaadhi ah wakhtigaasi xili habeen ahna way ahayd, waxaanay ahaayeen markii aan anigu qiyaashay niman u soo diyaar garoobay inay caruurta yar yar xadaan, waxaanan ugu baaqayaa dhammaan waalidiinta in ay ka feejignaadaan nimanka ku kacaya ama dadka waayadan dambe usoo jeestay xaditaanka caruurta yar yar.” Ayay tidhi Hooyo Rooda Mataan.
Si kastaba ha ahaatee Muddooyinkii u dambeeyey waxa hadal haynteedu badnayd, isla markaana la isla dhex maraayey Caruur yar yar oo la waayey, kuwaasoo qaarkood laga quusto, qaarna waxa dhacda in dalka Ethiopia laga soo hello, hase yeeshee waxa la rumaysan yahay inay jiraan Dad caruurta xadda. Warar kala duwan oo aanu ka helnay Bulshada rayidka ah ayaa daboolka ka qaaday inay jiraan dad ka Ganacsada Xubnaha tartanka ee Caruurta yar yar,kuwaasoo marar badan qayladoodu iyo cabashadoodu ay dibada u soo baxday. Inkastoo aan wali arrintaas si cad Xukuumadda Somaliland tallaaabo uga qaadin.
Source: HargeysaStar

0 comments:

Post a Comment